Kuwani waa qaar ka mid ah sawirradii laga qaaday meelo kala duwan oo Afrika ah

Xigashada Sawirka, AFP
Qaar ka mid ah ardaydii ugu wanaagsanayd dalka Ivory Coast ayaa lagu casuumay madaxtooyada Abijan, waxaana ka mid ahayd gabadhan sawirka ka muuqata ee ku fadhida kursiga madaxweyne ku xigeenka dalkaas.

Xigashada Sawirka, EPA
Magaalada caasimadda ah ee Tunis, dumarkan sida quruxda badan u soo labistay ayaa ka qeybqaadanaya maalinta haweenka dalkaasi ee loo yaqaano Sefreri.

Xigashada Sawirka, EPA
Taallo qadiimi ah oo laga soo qodey dhulka hoostiisa, dowladda Masarna waxa ay sheegtey in ay astaan u tahay mid ka mid ah boqortooyooyinkii hore ee dalkaasi soo maray.

Xigashada Sawirka, Reuters
Labo ka mid ah orodyahanada dalka Botswana ee tartanka 400 mitir ayaa la kulmey xaalad aanan fiicneyd London kadib markii uu dhulka kaga dhacay garuunkii astaanta orodada, waxayna sidaasi ku waayeen kaalintii ay ka gali lahaayeen tartanka ee ay ugu soo gudbi lahaayeen ciyaaraha kama dambeysta ah.

Xigashada Sawirka, EPA
Guddiga IEBC ayaa sheegey in Uhuru uu doorashada ka heley 54%, halka Raila Odinga uu heley 45% , taasi ayaa keentey in taageerayaasha xisbiga talada haya ay dabaaldegyo sameeyaan.

Xigashada Sawirka, AFP
Labo maalmood ka dib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada Kenya, Raila Odinga ayaa taageerayaashiisa kula hadlay meelo kala duwan, wuxuuna sheegay in uusan aqbalsanayn natiijada.

Xigashada Sawirka, Roderick MaCleod/BBC
Kaniisad ku taala magaalada Nairobi ayaa aas iyo baroordiiq loogu sameeyey mas'uulkii IEBC ee meydkiisa la heley maalmo ka hor doorashadii dhawaan Kenya ka dhacday. Baaritaan ayaa ku socda ciddii dishay Msando.

Xigashada Sawirka, Reuters
Banaanbaxayaasha ayaa waxa ay dalbanayaan in la soo daayo wariye Maxamuud Abu Zeid oo Masar ku xiran tan iyo sannadkii 2013-kii, ka dib markii sida la sheegay lagu eedeeyey in uu sawirro ka qaaday militariga Masar xili ay hawlgal ku jireen.

Xigashada Sawirka, Reuters
Waa nin dawaarle ah oo lagu magacaabo Ganiyu Oyinlola oo ku sugan goobtiisa shaqo ee magaalada Lagos ee dalka Nigeria

Xigashada Sawirka, Reuters
Gabrielle Engels ayaa saxaafadda kula hadashay Johannesburg, waxayna sheegtey in ay gacan-qaad kala kulantay xaaska madaxweynaha Zimbabwe, Grace Mugabe. Gabadhan ayaa qabsatay garyaqaanka ugu caansan Koonfur Afrika Gerrie Nel.

Xigashada Sawirka, Reuters
Dad badan ayaa lagu aasayaa dalka Sierre Leone, kuwaasi oo ku dhintay masiibo ka dhalatay dhoobo ka soo rogmatay buuro u dhow magaalada Free Town ee caasimadda dalkaasi. 400 oo qof ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen masiibada. 3,000 oo kale ayaa iyaguna ku guryo beelay.

Xigashada Sawirka, Reuters
Waa hooyo barooranaysa oo ku sugan isbitaalka Free Town hortiisa, iyada oo ka war sugaysa ehelkeeda oo ku waxyeeloobay masiibada dhoobada soo rogmatay ee Sierre Leone, maalin kadib waxa ay ogaatay in wiilkeeda uu ku dhintay masiibadda.

Xigashada Sawirka, AFP
Ilmo yar ayaa eegaya gaadiid kuwa dagaalka oo ay leedahay Qaramada Midoobay, gobolka Dafur ee dalka Sudan, halkaasi oo saraakiil ka socota Qaramada Midoobay ay kormeer ku samaynayaan ilaa 5,000 oo ah qaxooti ku barokacay gudaha dalkaasi Sudan.
Sawirrada waxa ay xuquuqdooda u dhawrsan yihiin AFP, EPA, Getty Images iyo Reuters.










