Dad lagu xirxiray Venezuela

Venezuela

Xigashada Sawirka, EPA

Madaxa sirdoonka dalka Venezuela ayaa sheegay in ugu yaraan toddoba iyo toban qof loo xiray weerar lagu qaaday saldhig milatari toddobaad kahor.

Janaraal Gustavo Gonzalez Lopez ayaa sheegay in dadka la xirxiray ay ku jiraan ciidamo iyo dad rayid ah. Wuxuu sheegay in labaatan iyo saddex qof oo kale loogu raad joogo waxa uu ugu yeeray fal argagixisannimo.

Dadka la xiray ama ku jira liiska dadka la doonayo ayaa waxaa ka mid ah ganacsato, madaxda midowga iyo dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka.

Janaraal Gonzalez ayaa sheegay in sidoo kale hub ay soo heleen.