Xarumo ganacsi oo ku yaallaa suuqa Bakaaraha oo gubanaya

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu dab ka kacay qeyb ka mid ah suuqa weyn ee Bakaaraha.
Dabka ayaa la sheegayaa inuu ka bilowday baqaar bunka lagu iibiyo, ka dibna uu ku faafay seddax baqaar oo kale.
Gawaarida dabdemiska ee maamulka gobolka Banaadir iyo kuwa shirkadaha gaarka ah ayaa ku howlan deminta dabkaas.
Lama garanaayo sababta keentay dabka, iyo qasaaraha uu geystay illaa iyo hadda.
Balse waxaa laga baqayaa inuu sii faaafo maadaama magaaalada ay ka jiraan dabeylo aad u daran.






