Obama oo manuucay in shidaal laga qado Atlantic iyo Arctic

Xigashada Sawirka, AP
Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa mamnuucay in shidaal laga qodo badaha dalkaasi ee Atlantic iyo Arctic.
Tallaabadan oo qeyb ka ah ilaalinta bay'ada waxa ay ka mid tahay kuwa ugu dambeeya ee uu meel marinayo ka hor intuusan xafiiska baneynin bisha soo socota.
Obama ayaa go'aankaasi shaaciyay ka dib markuu la kulmay dhigiisa Canada.
Wuxuu tilmaamay in halis aan caadi ahayn oo ka dhalatay Saliidda ay saameysay dhammaan nawaaxigaasi.
Dalalka Canada iyo Mareykanka ayaa si xadidan uga wada shaqeyn doona heshiiska, sida uu sheegay Obama.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa adeegsanaya awoodda xeerka 1959-kii ee mamnuucidda.
Ninka isaga bedeli doono, Donald Trump, wuxuu u baahan yahay inuu maxkamad aado si uu u badalo go'aanka Obama.
Shirkado dhowr ah ayaa daneynaya inay shidaal ka qodaan badda, si ay uga faa'ideystaan qiimaha hoose ee batroolka.












