Obama: Dawladda Islaamka waa la wiiqay walise waa halis

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxwaynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in dhul lagala wareegay kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ee ku sugan Ciraaq iyo Suuriya balse wuxuu ka digay in kooxdaasi wali halis yihiin.
Wuxuu sheegay in dadkaas jihaad doonka ah dhul laga qabsaday balse ay muuqdaan caalaamado muujinaya in ay dagaalka u weecinayaan dibadda.
Wuxuu sheegay "in ay xaqiiqo tahay suurtagalnimada shaqsi ama koox yar in ay dad layso". wuxuuna intaas ku daray in shabakado Maraykanka ku sugan la isticmaali karo.

Xigashada Sawirka, Alamy
Obama ayaa warfidiyeenada la hadlay kaddib kulan ka dhacay wasaaradda difaaca ee dalka Maraykanka.
Arrin taas ka duwan isaga oo ka hadlayana Obama wuxuu si adag u diiday in 400 oo milyan oo doolar oo Iiraan la siiyay in ay madax furasho u ahayd maxbuus Maraykan ah oo la sii daayay bishii koobaad ee sanadkan.
Aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa arrintaas faahfaahin ka bixiyay Arbacadii.
Isaga oo hadlay kaddib shirka uu la yeeshay madaxda millatariga iyo laamaha ammaanka ee Maraykanka Obama wuxuu sheegay in kooxda isku magacawda Dawladda Islaamku aysan ahayn wax qarsoon.
Wuxuu sheegay in aan laga baaqsan karin in la jabiyo kooxdaas.










