Trump ''Soomaaliya xitaa waddan ma aha. Waxaa loo tixgeliyaa mid ka mid ah kuwa ugu xun dunida

Trump oo mar kale weerarka afka ku qaaday Soomaaliya

Kooban

Tebin toos ah

  1. Maxaan ka ognahay safarka la sheegay in Cirro uu ku tegayo Israa'iil?

    Warar sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro uu u safray, ama uu isu diyaarinayo safar uu ku tago Israa'iil, ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada ilaa shalay, balse waxaa garab socda qodobbo muhiim ah oo aanan weli la xaqiijin.

    Asalka wararkan wuxuu dib ugu biya-shubanayaa wicitaan taleefan oo dhacay 26-dii Diseembar 2025, kaas oo dhex maray Madaxweynaha Somaliland iyo Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu. Wicitaankaas, ayaa Netanyahu wuxuu u sheegay Madaxweyne Cirro in Israa'iil ay aqoonsatay Somaliland iyo inay tageerayaan xaqa ay uleeyihiin is-maamul madax banaan, isagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid taariikhi ah.

  2. Iiraan oo ku tilmaantay Maraykanka soo saaraha ugu khatarta badan Nukliyeerka

    Trump iyo Aragchi

    Xigashada Sawirka, bbc

    Qoraalka sawirka, Trump iyo Aragchi

    Maalin uun ka dib markii uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu amray in dib loo bilaabo tijaabooyinka hubka Nukliyeerka, ayuu wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Abbas Araghchi sheegay inuu aaminsan yahay in tallaabada Trump ay muujinayso in ''Maraykanku yahay soo saaraha ugu khatarsan ee hubka nukliyeerka adduunka.''

    Waxa uu ku daabacay bartiisa X, Oktoober 30, Khamiis ''Iyada oo u beddelaysa magacii wasaaradda gaashaandhiga, wasaaradda dagaalka, awoodda nukliyeeka ku hubaysan ayaa bilaabaysa tijaabooyinkeeda hubka nukliyeerka.''

  3. Imaam xabsi la dhigay kadib markii uu isku guuriyay lammaane aan qaan-gaarin

    Qof cimaamad isku-duubay

    Xigashada Sawirka, PA IMAGES

    Qoraalka sawirka, Qof cimaamad isku-duubay

    Maxkamad ku taalla dalka Britain ayaa xukun xabsi ah ku ridday imaam masaajid, kaddib markii lagu eedeeyay inuu isu-guurin sharci-darro ah u sameeyay "lammaane Muslim ah oo da'yar."

    Markii xafladda guurka lagu qabtay masaajidka bishii Nofeembar 2023, gabadha iyo wiilkuba waxay ahaayeen 16 jir.

    Imaamka masaajidka, oo lagu magacaabo Ashraf Usmani, ayaa u sheegay Maxkamadda Northampton Crown Court inuusan ogeyn in da'da ugu yar ee guurka ee England ay tahay 18 sano, sagaal bilood ka hor taariikhda guurka la sameeyay.

    Ashraf Usmani, oo 52 jir ah, ayaa hore u qirtay labo dacwadood oo la xiriira abaabulka guur carruur ah intii lagu guda jiray dhageysi maxkamadeed oo ka dhacay Masaajidka Dhexe ee Northampton.

  4. Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay meel u dhow Barcelona

    Catalonia

    Xigashada Sawirka, Catalonian fire service

    Qoraalka sawirka, Catalonia

    Darawal tareen ayaa ku dhintay, ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhaawacmay kadib markii tareen rakaab uu ka baxay waddadii uu ku socday isaga oo ku dhacay meel u dhow magaalada Barcelona, sida ay warbaahinta maxalliga ah sheegtay.

    Sida ay sheegayaan mas’uuliyiinta deegaanka, tareenka Rodalies ayaa ku dhacay darbi inta u dhaxaysa Gelida iyo Sant Sadurní, habeenimadii Talaadada.

    Heerka dhaawacyada rakaabka ayaa hadda laamaha gurmadku ay qiimeynayaan.

    Shilku wuxuu dhacay xilli duufaanno culus ay ku dhuftay waqooyiga-bari ee Spain.

    Meelo badan oo xeebaha bari iyo galbeedka-bari ee Spain ayaa digniin sare la geliyay sababo la xiriira cimilada. Waxaa sidoo kale ka jiray baraf iyo duufaanno buuraha Pyrenees ee Spain iyo duufaanno xeebaha Menorca, kuwaas oo keenay hirar dhowr mitir ah.

  5. Trump ‘’Soomaalida waxa kali ah ee ay ku fiican yihiin waa ‘burcad-badeednimo’’

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Trump

    Trump ayaa mar kale aflagaadeeyay Soomaalida, isagoo sheegay in “waxyaabaha keliya ee ay ku fiican yihiin” ay yihiin “burcad-badeednimo”.

    Trump oo shir jaraa’d oo aqalka cad ka hadlayay ayaa dhaleeceeyay Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay “meel aad u xun” isla markaana si xun uga hadlay Soomaalida.

    “Taasi waa ku dhowaad waxa keliya ee ay ku fiican yihiin — waa inay ku fiican yihiin burcad-badeednimada badda, maraakiib waaweyn,” ayuu yiri.

    Waxa uu intaasi sii raaciyay “Soomaaliya xitaa waddan ma aha,” ayuu yiri. “Ma haystaan wax u eg dowlad ama waddan. Haddii ay waddan tahayna, waxaa loo tixgeliyaa mid ka mid ah kuwa ugu xun dunida.”

    Trump ayaa marar badan hore u weeraray Soomaaliya iyo muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku nool Maraykanka.

  6. Trump oo ku faanay 365 guulood oo uu gaaray muddada labaad ee xilkiisa

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Trump

    Trump ayaa ku faanay 365 guulood oo uu ku gaaray 365 maalmood oo uu xilka joogo, iyada oo maanta ay tahay sanad buuxa tan iyo markii la dhaariyay,muddo xileedkiisa labaad.

    Saxaafadda Aqalka Cad ee ka qayb galayay shirka jaraa’id ayaa ka hor inta uusan Trump bilaabin hadalkiisa, waxaa loo qaybiyay nuqullo war-saxaafadeed ah oo ka hadlaya “365 guulood 365 maalmood gudahood” oo uu madaxweynuhu gaaray.

    Arrinta koowaad ee liiska ku jirta ayaa ah socdaalka oo lagu sheegay guul laga gaaray markii ugu horreysay muddo tobanaan sano ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka. Qodobka 365-aadna waxa uu sheegaya in Trump uu saddex laabay fursadaha ugaarsiga ee Maraykanka, taas oo muujinaysa in arrimuhu aad u kala duwan yihiin.

  7. Koonfur Afrika oo taageertay midnimada dhuleed ee Soomaaliya

    Ramaphosa iyo Xasan Sheekh

    Xigashada Sawirka, Villa Somalia

    Qoraalka sawirka, Ramaphosa iyo Xasan Sheekh

    Wadahadal khadka taleefonka oo dhexmaray madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Koonfur Afrika ayaa looga hadlay xiriirka labada dal, iyada oo sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya uu madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa uu u xaqiijiyay taageerada ay u hayaan madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    ''Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Koonfur Afrika, xaaladda gobolka, kor u qaadista iskaashiga arrimaha gobolka ee ay dano wadaagga ka yihiin iyo adkaynta nabadgelyada iyo horumarka.Madaxweyne Ramaphosa ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada dowladda Koonfur Afrika ay u hayso madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya'' ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya

  8. Trump oo sheegay 10,000 qof oo aan sharci haysan lagu xiray Minnesota

    Trump
    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in in ka badan 10,000 qof oo aan sharciga haysan lagu qabtay Minnesota, halkaas oo uu sheegay in hay’adda laanta socdaalka iyo kastamyada (ICE) ay qabatay dad aan haysan sharciga degenaanshaha dalkaasi, kuwaas oo uu Trump ku tilmaamay “dambiilayaal.”

    Dowladda ayaa sheegtay in howlgallada socda aay la xiriiraan xoojinta fulinta sharciga socdaalka iyo in la baaro dambiyada, laakiin lama caddeyn in dhammaan dadkaas lasoo qabtay loo haysto eedeymo dembi ah ama ay kaliya yihiin kuwo aan sharciga haysan.

    Gobolka Minnesota waxa ka dhacay toddobaadyo xiisad iyo dibadbaxyo ah, ka dib markii askari ka tirsan ICE uu toogtay Renée Good, haweeney Mareykan u dhalatay oo 37 jir ah, taas oo dilkeeda uu ka dhashay caro baahsan iyo mudaaharaadyo ka dhacay gudaha iyo dibedda gobolka.

    Sida ay sheegeen ilo warbaahineed, howlgallada booliska socdaalka waxaa ka qayb qaadanaya kumanaan askari, waxaana soo baxaya dhibaatada ay tani ku hayso bulshooyinka maxalliga ah iyo eedeymo ku saabsan xarigyo aan habooneyn iyo adeegsiga awoodda xad dhaaf ah.

  9. Hoos u dhac soo wajahay saamiyada suuqyada Maraykanka iyo doolarka oo daciifay

    Saamiyada suuqyada Maraykanka

    Xigashada Sawirka, Alamy

    Qoraalka sawirka, Saamiyada suuqyada Maraykanka

    Saamiyada suuqyada Maraykanka ayaa hoos u dhacay iyada oo maalgashadayaashu ka falcelinayaan qalalaasaha la xiriira Greenland iyo khatarta dagaal ganacsi oo u dhaxeeya Maraykanka iyo Yurub.

    Tusmooyinka waaweyn ee suuqyada saamiyada ayaa hoos u dhacay qiyaastii hal iyo bar boqolkiiba ganacsigii galabnimada.

    Suuqyada Yurub ayaa xirmay iyaga oo hoos u dhacay maalintii labaad oo xiriir ah.

    Lacagta doollarka ayaa sidoo kale daciiftay, halka dahabka iyo qalinka oo loo arko inay yihiin ammaan waqtiyada hubanti la’aan ay jirto ayaa sii wada inay kordhaan.

  10. Goodinta iyo damaca Trump oo hareeyay shirka golaha dhaqaalaha ee ka socda Switzerland

    Trump

    Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/Shutterstock

    Qoraalka sawirka, Trump

    Shirka dhaqaalaha adduunka ee ka dhacaya Devos, Switzerland ayaa waxaa si weyn u hareeyay doonitaanka madaxweyne Trump ee la wareegitaanka Greenland iyo habjabaaddiisa ah inuu canshuuro kusoo rogi doono dalalka Yurub ee ka horyimaada damaciisa.

    Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa ku eedeeyay Maraykanka inuu isku dayayo inuu wiiqo oo hoos u dhigo Yurub. Madaxweynaha Guddiga Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa ballanqaadday jawaab adag oo aan leexleexad lahayn.

    Guddoomiyaha California ee xisbiga Dimuqraadiga, Gavin Newsom, ayaa ku boorriyay dalalka Yurub inay yeeshaan ad-adayg oo ay si adag uga jawaabaan Trump, isaga oo yiri waa inay “wajiga ka garaacaan”.

    Qoraalkiisii ugu dambeeyay ee baraha bulshada, madaxweynaha Maraykanka ayaa ku andacooday inuu badbaadiyay NATO (iyada oo la filayo inuu khudbad ka jeediyo shir-madaxeedka Arbacada).

  11. Sidee shaqada habeenkii u saamaysaa caafimaadka maskaxda?

    Saamaynta shaqada habeenkii

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Samaynta shaqada habeenkii

    Waqtiga habeenkii dad badan ayaa isu diyaarinaya inay seexdaan, shaqo cusub ayaa u bilaabata kuwa kale, oo ay ku jiraan dhakhaatiir, kalkaaliyeyaal caafimaad, saxafiyiin, shaqaalaha garoonka diyaaradaha, shaqaalaha warshadaha, shaqaalaha amniga, iyo kuwa kale oo ku shaqeeya xilliyada isbedelka shaqada.

    Qaar naga mid ah ayaa laga yaabaa inay isku arkaan ku khasbidda nafta inay shaqeeyaan waqtiyo kala duwan sababta oo ah dabeecadda shaqadeena. Natiijo ahaan, waxaa laga yaabaa inaan uga nugulnaano kuwa kale tiro dhibaatooyin caafimaad, nafsi, iyo mid maskaxeed, iyo sidoo kale dhibaatooyinka shakhsi ahaaneed, qoyskeena, iyo nolosha bulshada sababtoo ah jadwalka shaqada ee kala duwan.

    Tan iyo Kacaankii Warshadaha, qaybaha wax-soo-saarka iyo adeegyada waxay isticmaali jireen kala beddelka wakhtiyada shaqada si ay u kordhiyaan wax-soo-saarka iyo faa'iidada. Kahor 1990-meeyadii, wax yar ayaa laga ogaa saameynta wakhti wareejinta shaqada uu ku leeyahay caafimaadka shaqaalaha.

  12. Iran oo ku hanjabtay in ay dunida "dab qabadsiineyso" haddii la weeraro hoggaankeeda

    Janan

    Xigashada Sawirka, FARS

    Taliye sare oo ka tirsan ilaalada kacaanka Iran ayaa ku hanjabay hadii Mareykanka uu “isku dayo” in uu dilo hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga, in Iran ay dunida ka dhigeyso meel aan ammaan aheyn.

    Abolfazl Shekarchi oo ah ku xigeenka madaxa dhaqanka iyo dacaayadda ee militeriga Iran iyo ilaalada kacaanka ayaa sheegay in ay difaacayaan hoggaankooda.

    “Hadii gacan gardaran ay soo aado hoggaamiyaheena, waxaan dab qabadsiin doonaa addunka, mana jirto meel nabadgeleysa”

    Mr. Shekarchi wuxuu sidoo kale sheegay hadii ay dhacdo in Iran la soo weeraro, “waxaan jareynaa lugahooda sidii aan sameynay dagaalkii 12-ka maalmood”.

    Sabtigii oo bishu aheyd 17 Janaayo ayuu madaxweyne Donald Trump sheegay in waqtigii Ali Khamenei uu soo dhammaaday, loona baahan yahay in Iran loo dhiibo hoggaan cusub.

    Madaxweynaha Iran, Masoud Pezzekian, ayaa sidoo kale sheegay labo maalmood ka hor in “hadii la weeraro hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamka ay ka dhigan tahay dagaal buuxa oo lala galo Iran”.

  13. Yurub iyo Mareykanka oo gorodda isugu jira, xilli uu Trump uu jeediyay Hanjabaad

    Kaja Kallas, madaxda siyaasadda dibadda ee EU, ayaa sheegtay in Midowgu “danaynaynin inuu dagaal bilaabo, balse aanu difaaci doonin mowqifkiisa”.

    Xigashada Sawirka, Sean Gallup/Anna Moneymaker/Getty Images

    Qoraalka sawirka, Kaja Kallas, madaxda siyaasadda dibadda ee EU, ayaa sheegtay in Midowgu “danaynaynin inuu dagaal bilaabo, balse aanu difaaci doonin mowqifkiisa”.

    Donald Trump ayaa wcad ku maray inuu “100%” fulin doono hanjabkiisa ah inuu canshuurro saaro dalalka Yurub ee ka soo horjeeda dalabkiisa ah in uu ka taliyo Greenland.

    Dhanka kale ansixinta heshiiska ganacsi ee midowga Yurub iyo Mareykanka oo la gaaray bishii July ayaa lagu wargeliyay in Baalkamanka Yurub uu hakiyo, sida laga soo xigtay ilo ku dhow guddiga ganacsiga caalamiga ah ee baarlamaanka.

    Hakinta waxaa la filayaa in looga dhawaaqo Strasbourg berrito galabnimo.

    Heshiis dhexmaray Madaxweyne Trump iyo Ursula von der Leyen ayaa la gaaray bishii July ee garoonka golf-ka Trump ee Scotland.

    Heshiisku wuxuu hoos u dhigay canshuuraha Mareykanka ee dhammaan alaabaha laga keeno Yurub ilaa 15%, taasoo waqtigaas loo arkay heshiis wanaagsan maadaama Trump uu ku hanjabayay canshuuraha 30% ee alaabaha la soo dejiyo.

    Si kastaba ha ahaatee, heshiiska wuxuu u baahan yahay ansixinta Baarlamaanka Yurub, balse guddiga ganacsiga caalamiga ah weli ma dhameystirin baaritaankiisa.

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada UK, Yvette Cooper, ayaa mar kale ku adkeeyssatay mowqifka UK, iyadoo sheegtay in mustaqbalka Greenland uu u yahay mid ay leeyihiin “dadka reer Greenland iyo dadka Danish-ka keliya” inay go’aamiyaan.

  14. Trump oo baahiyay fariin sir ahayd oo uu u soo diray madaxwaynaha Faransiiska

    Trump iyo Macron

    Xigashada Sawirka, AFP/Getty

    Qoraalka sawirka, Trump iyo Macron

    Saraakiil ka ag- dhow madaxweynaha Faransiiska ayaa xaqiijiyay in Emmanuel Macron, fariin gaar ah u diray Donald Trump, uu soo jeediyay in shirweynaha wadamada G7 lagu qabto Paris Khamiista, isla markaana Ruushka lagu casuumo.

    Donald Trump wuxuu fariintan ku soo daabacay shabakaddiisa bulshada, Truth Social, taasoo uu ku sheegay in madaxweynaha Faransiiska uu soo jeediyay in Ukraine iyo Denmark lagu casuumo kulanka si looga wada hadlo khilaafaadka ku saabsan Greenland.

    “Saaxiibkay, anaga gebi ahaanba waxaan kugu raacasanhay arrimaha Suuriya. Waxaan sameyn karnaa waxyaabo waaweyn oo ku saabsan Iran. Ma fahmin waxa aad ka wado Greenland.”

    Iyadoo loola jeedo shir ay isugu yimaadeen madaxda caalamiga ah ee Switzerland, kaasoo madaxweynaha Mareykanka sidoo kale lagu qorsheeyay inuu ka qayb galo, Mr. Macron wuxuu qoray:

    “Waxaan qabanqaabin karaa shirkii G7 ee Paris Khamiista galabtii, ka dib markii shirka Davos uu dhamaado.”

    Xiriirka Donald Trump iyo Emmanuel Macron ayaa gaaray heerkii ugu hooseeyay Isniintii, markii madaxweynaha Mareykanka uu ku hanjabay inuu canshuur 200% ah ku soo rogo khamriga Faransiiska sababtoo ah Faransiisku waxaa uu diiday inuu ku biiro “hawshiisa nabadda.”

  15. Ruushka ayaa sheegay in uu sii wadayo xiriirka ganacsi ee kala dhexeeya Iran

    Ruushka waxay sheegen in aysan jirin sabab ay u jaraan xiriirka ganacsi ay la leeyihiin Iran.

    Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa shir jaraa’id ka sheegay si kasta oo ay ji raan hanjabaadaha canshuuraha uu ku soo rogayo Mareykanka saaxiibada iran hadana Moscow way sii wadeysaa xiriirka ganacsi ay la leedahay Iran hadii ay u aragto in ay haboon tahay

    “Go’aanka ganasigeena anaga ayaa iska leh. Qorshooyin wanaagsan ayaa nagala dhexeeya Iran, ganacsi oo kaliya ma ahan, ee sidoo kale waxaan la leenahay maalgashi. Warshadda korontada ee Bushehr ayaan hadda kala shaqeyneynaa. Waxaan kala shaqeyneynaa qeybaha ugu muhiimsan ee marinka waqooyiga iyo koonfurta ee isku xiri doona Iran, Ruushka iyo Azerbaijan”.

    Madaxweynaha Mareykanka Donalnd Trump ayaa sheegay toddobaadkii la soo dhaafay in dalalka la leh xiriirka ganacsi Iran la saarayo canshuur gaareysa 25 boqolkiiba ganacsi ay la leeyihiin Mareykanka

  16. Qiimaha dahabka ayaa sare u kacay iyadoo saamiyadana ay hoos u dhaceen

    qiimaha dahabka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qiimaha dahabka iyo qalinka ayaa gaaray halkii ugu sareeyay markale maanta kaddib markii suuqyada saamiyada Yurub ay hoos u dhaceen iyadoo maalgashatada ay ka sii jawaabayaan hanjabaadaha canshuuraha ee ka imaanaya madaxweyne Trump.

    Cabirka dahabka ee u dhigma 28.35 garam ayaa maanta la kala siisanayay $4,700 markii ugu horeysaytaas oo ka dhigan in uu gaaray meel aad u sareysa. Qiimaha qalinka ayaa isna gaaray $ 94.72.

    Qiimahan ayaa ka dhigan in halkii garam oo dahab ah uu joogo lacag ku dhowaad165 doolar .

    Dahabka iyo macdanaha kale ee qaaliga ayaa loo arkaa hanti badqab ah oo la keydsan karo waqtiyada ay hubaal la’aantu jirto, waxayna taas keentay in qiimaha uu sare ku kaco sanadihii la soo dhaafay.

    Suuqyada saamiyada Yurub ayaa meel hoose ku furmay. Saamiyada shirkadaha UK, Jarmalka iyo Farancsiiska ayaa hoos u dhacay 0.8 boqolkiiba markii uu suuqa furmay. Waxaa hadda la sugayaa marka ay suuqyada Mareykanka furmaan maadama ay shalay fasax ahaayeen oo aan la furin. Hadalka Trump ayaa ah waxa keena isbaddeladan.

  17. Madaxweyne Trump ayaa ku sheegay “doqonimo weyn” in UK ay iska dhiibtay jasiiradaha Chagos

    Starmer iyo Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweyne Donald Trump ayaa ku tilmaamay “fal daqonimo ah” in UK ay Mauritius ku wareejisay jasiiradaha Chagos taas oo ka dhigan in isbaddel weyn uu ku yimid go’aanka Mareykanka.

    Maamulka trump hore ayey u soo dhaweeyeen in UK ay jasiiradaha ku wareejiso Mauritius.

    Markii raysalwasaaraha UK, Keir Starmer, uu saxiixay heshiiska 22-ka bishii May ee sanadkii hore, waxa uu sheegay, “Madaxweyne Trump iyo isbahaysiga kale way soo dhaweeyeen go’aanka, sababtoo ah waxay u arkaan saldhigan mid istaraatiiji ah”

    Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa sidoo kale soo dhaweeyay, wuxuuna soo saaray qoraal sheegaya in Trump uu muujiyay “taageerada uu u hayo guushan muhiimka ah”.

    Jasiiradahan ayaa ka go’naa Mauritius ilaa iyo 1965-tii markaas oo boqortooyada UK ay gumeysaneysay. Britian waxay ku iibsatay dhulkaas 3 milyan oo lacagta istarliinka UK ah balse Mauritius ayaa ku dooday in si sharcidarro ah loogu qasbay in ay ku dhiibto dhulkaas.

  18. Bobi Wine ayaa sheegay in wiilka Moseveni uu ‘ku faanay’ in uu dilay 22 qof

    Bobi Wine

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Hoggaamiyaha mucaaradka Uganda, Robert Kyagulanyi, balse loo yaqaan Bobi Wine ayaa sheegay in dad ka badan 100 qof la dilay ilaa toddobaadkii la soo dhaafay.

    Wuxuu kaloo sheegay in tirada aysan aheyn 22 sida ay hore ugu qoreen internetka wiilka Moseveni iyo taliyaha ciidamada janaraal Muhoozi Kainerugaba.

    “Xalay markii wiilka Museveni uu iigu hanjabayay dil, wuxuu u muuqaday in uu ku “faraxsan yahay” dilka 22 taageerayaasheena ah, balse dhabtii wuxuu dilay dad ka badan 100 laga soo bilaabo toddobaadkii hore”.

    Bobi Wine wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamo ay isku hareereeyeen gurigiisa iyagoo amray in dhammaan dadka gudaha ku jira ay ka wada baxaan.

    Dhowr maalmood lama arag Bobi Wine, wuxuuna sheegay in uu dhuumanayay. Wuxuu sheegay in uu ka baxsaday boolis gurigiisa xoog ku soo galay.

    Janaraal Muhoozi Kainerugaba waxa uu mucaaradka siiyay 48 saac si ay isugu soo dhiibaan booliska.

    Booliska Uganda waxay sheegeen in Bobi Wine uu weli joogo gurigiisa loona diiday wariyayasha in ay u tagaan.

  19. Shey aan laga waayin guryaha Soomaalida oo faa'iido cajiib ah u leh caafimaadkaaga

    Xawaashka aad ku darsato cuntada waxay kaa caawin karaan inaad nuugto fitamiinno iyo macdan badan. Saynisyahannadu waxay aaminsan yihiin inay kor u qaadi karaan nafaqada aan ka helno cuntada.

    Filfisha, oo inta badan aan laga waayin xawaashyada cuntada lagu macaaneeyo, gaar ahaanna Soomaalidu ay ku darsadaan maraqa iyo mashaarida, waxay ahayd mid la isticmaalayay kumannaan sano, sababtuna waa awoodda ay u leedahay inay dhadhan u yeesho xataa cuntooyinka aan dhadhanka lahayn. Filfisha waxaa markii ugu horreysay lagu beeray dalka Hindiya in ka badan 3,500 oo sano ka hor, halkaas oo uu asal ahaan kasoo jeedo geedka soo saara xawaashkan; waxayna noqotay mid ka mid ah badeecadaha ugu qiimaha badnaa dunidii hore. Maanta badideennu waxaynu ku darsannaa cuntadeenna innaga oo aan xataa ka fekerin.

    Laakiin ku darista filfisha ee cuntadaada waxay qaban kartaa wax ka badan dhadhan kaliya. Waxay kordhin kartaa xaddiga nafaqada aad ka helayso cuntadaada

  20. Markii uu Trump yiri "Waan jeclahay Ilhan Omar"- dib u milicsi

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday Soomaalida iyo xildhibaan Ilhaan Omar oo ka tirsan Aqalka Kongareeska lagana soo doorto gobolka Minnesota, xilli uu ka hadlayay isku soo bax ka dhacay Pennsylvania, shalay.

    Ujeedka isku soo baxa ayaa ahaa dib u guulaysashada farriintiisii dhaqaalaha iyo hoos u dhigga kharashaadka wax iibsiga ee doorashooyinka dhexe ee la filayo inay Maraykanka ka dhacaan sannadka 2026.

    Intii uu ka hadlayay isku soo baxa oo uu dhinacyo badan soo hadal qaaday ayaa waxaa sidii dhowaanahanba uu waday aan ka marnayn khudbaddiisa Soomaalida.

    Barasaabka gobolka ay Soomaalidu ku badan yihiin ee Minnesota Tim Walz ayuu ku tilmaamay mid kamid ah ''kuwii ugu xumaa'' ee taariikhda barasaabyada, halka xildhibaan Ilhaan Cumar uu ku tilmaamay ''naag xun'' kahor inta aysan dadkii isku soo baxay ku dhawaaqin iyaga oo isla jiibinaya ''dib u celiya''.

    Waxa uu soo hadal qaaday xijaabkeeda oo uu ku tilmaamay ''koofiyad yar'' isaga oo ku baaqay in la masaafuriyo.

    "Waan jeclahay Ilhan Omar, wax walbuu magaceedu yahayba, iyadoo xiran koofiyadda yar," Trump ayaa yiri, isagoo kala jeeda xijaabkeeda.

    Madaxweynuhu isaga, Ilhaan uma arko "qof fiican oo Mareykanka usoo haajirtay". Balse iyadoo ku faaneysa ayay u doodday xuquuqdeeda xirashada xijaabka ee gudaha Aqalka Wakiillada, taasoo meesha ka saartay mamnuucid saarneyd 181 sano.