War deg deg ah, Trump oo sheegay in Ilhaan iyadu isbuufisay, xilli xalay lagu weeraray walxo dareero ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Saacado ka dib weerarkii lagu qaaday Wakiilka Minnesota Ilhan Cumar, ayaa Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump waxaa u sheegay ABC News inuusan daawan fiidiyowga balse uu Cumar ku tilmaamay “dhaqan xumo” ama “been-abuur”. “Waxaa suuragal ah inay iyadu isku buufisay, iyada oo la ogyahay dabeecaddeeda,” ayuu ABC u sheegay Trump.
Trump iyo Ilhaan Cumar ayaa horey isku khilaafay marar badan, waxaana madaxweynaha si joogto ah uga jeediyay dhaleeceyn iyo muujin cad oo ah inuu ka xun yahay xildhibaanimadeeda.
Ninkii Ilhaan weerarka u gaystay oo ah nin 55 jir ah ayaa lagu hayaa xabsiga, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta gobolka.
Farriin ay Ilhaan Cumar soo dhigtay barteeda X kadib dhacdadaas, waxey tiri: “Anigu waan fiicanahay. Waana badbaaday,”.



















