Iran oo dal-dashay nin lagu eedeeyay inuu “basaas u ahaa Israa’iil.”
Mizan, oo ah wakaaladda wararka ee garsoorka Iran, ayaa sheegtay in Hamidreza Sabet Esmailpour, oo la xiray bishii May, la daldalay kaddib markii lagu helay dembiga basaasnimo uu u sameynayay Israa’iil iyo hay’adda sirdoonka ee Mossad.
Garsoorka Iran ayaa sheegay in Mr. Sabet uu ku lug lahaa dirista dukumiintiyo iyo xog sir ah, isla markaana uu la shaqeynayay Israa’iil si loo carqaladeeyo xarumaha gantaallada ee Wasaaradda Difaaca .
Sida ay Mizan sheegtay:“Kaddib markii Maxkamadda Sare ay dib u eegis ku sameysay oo ay xaqiijisay xukunka, Hamid Reza Sabet waxaa la daldalay waaberigii maanta.”
Mr. Sabet waa qofkii labaad ee lagu dilo Iran bishan gudaheeda iyadoo lagu eedeeyay inuu u basaasayay Israa’iil.
Dilalka lagu fulinayo Iiraaniyiinta lagu xukumo basaasnimo ay u sameeyeen Israa’iil ayaa si weyn u kordhay tan iyo gu’gan, kaddib isku dhacyo toos ah oo dhex maray labada dhinac.









