Goosha ilaa hadda la kala dhaliyay

Xigashada Sawirka, BBC Sport

Xigashada Sawirka, BBC Sport
Halkan kala soco kulammo xiiso badan oo ka tirsan horyaalka Qaaradda Yurub ee Champions League oo hadda socda.

Xigashada Sawirka, BBC Sport

Xigashada Sawirka, BBC Sport
Arsenal ayaa gool dhalisay daqiiqadihii ugu horreeyay ee kulan ay la dheelayso FC Kairat. Waxa u dhaliyay ciyaaryahanka Viktor Gyökeres.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kulammo xiise badan oo ka tirsan horyaalka Qaaradda Yurub ee Champions League ayaa goor dhow bilaaban doona. Kulammada la wada sugayo waxa ka mid ah Paris Saint-Germain vs Newcastle UnitedNapoli vs ChelseaBenfica vs Real Madrid, iyo kulammo kale oo xiiso leh
Halkan waxa aanu idiinku soo gudbin doonaa wararka ciyaaraha ee iska soo daba dhacaya.

Xigashada Sawirka, ICE
Wakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka (ICE) ayaa la sheegay in uu Talaadadii isku dayay in uu galo qunsuliyadda Ecuador ee magaalada Minneapolis, balse shaqaalaha qunsuliyadda ayaa ka hor istaagay in uu gudaha u galo, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ecuador.
Isku daygaas gelitaanka ayaa sababay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay u dirto Safaaradda Mareykanka ee Quito, caasimadda Ecuador, “warqad cabasho ah,” iyadoo ku dalbanaysa in dhacdooyinka noocaas ah “aanay mar kale soo noqon,” ayay wasaaraddu ku tidhi bayaan ay soo saartay.
Bayaanka ayaa watay cinwaan dhacdada ku tilmaamayay “isku day weerar ah oo ay wakiillo ka tirsan ICE ku qaadeen Qunsuliyadda Ecuador ee magaalada Minneapolis, sida ay warrantay Wakaaladda Wararka ee Rueters.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Isaac Herzog ayaa sheegay in dalka si tartiib tartiib ah uga soo kaban doono rabshadihii uu la kulmay. Herzog waxa uu hadalkan ka jeediyay aaska qofkii ugu dambeeyay ee la haystayaashii ku dhintay gacanta Xamaas, kaddib markii maydkiisa laga soo celiyay Qaza.
Waxa uu sidoo kale tacsi u diray qoyska Ran Gvili, isaga oo uga tacsiyeeyay khasaaraha weyn ee soo gaaray, isla markaana ka garaabay dhibaatadii iyo sugitaankii adkaa ee ay la kulmeen intii ay sugayeen in maydkiisa dib loogu soo celiyo dalkiisa.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in cadowga Israa’iil ay bixin doonaan qiimaha ficillada ay gaysteen.
Gvili waxa uu ahaa askari booliis ah oo naftiisa ku waayay iska horimaad uu la galay dagaalyahanno ka tirsan Xamaas, xilli ay weerar ku qaadeen Israa’iil 7-dii Oktoobar, 2023.

Xigashada Sawirka, Abiy Ahmed/ Facebook
Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Christopher Landau, ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, isaga oo ku booqday xafiiskiisa.
Mas’uulka Maraykanka ah waxaa safarkiisa ku wehliyay Taliyaha Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM).
Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa shalay ka qayb galay xafladaha dabaaldegga sannad-guurada 90-aad ee Ciidamada Cirka Itoobiya, oo ka dhacday saldhigga Ciidanka Cirka ee Itoobiya.
Kulanka kaddib, Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa barihiisa bulshada ku qoray:
“Waxaan ku faraxsanahay in aan yeelanay wada-hadal wanaagsan oo is-faham leh, kaas oo diiradda lagu saaray iskaashi waara iyo ixtiraam wadajir ah.”
Mas’uulka sare ee Maraykanka ayaa booqashadiisa Afrika ka bilaabay dalka Masar dhammaadka toddobaadkii tagay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa bayaan hore ku sheegtay in uu sidoo kale Itoobiya kala hadli doono “nabadda iyo xasilloonida gobolka.”
Intaa kaddib, wafdigu waxa ay u safri doonaan dalalka Kenya iyo Jabuuti.
Booqashadiisu waxa ay ku soo beegmaysaa xilli Madaxweyne Trump uu marar badan khudbado ka jeedinayo arrinta biyo-xireenka Webiga Niil.

Xigashada Sawirka, LasVegasAirportLive
Waxaa bilowday baaritaan si loo ogaado sida mid ka mid ah taayirrada diyaarad ay leedahay British Airways uu uga dhacay diyaarada, kadibna uu dhulka ugu dhacay wax yar kaddib markii ay ka kacday Garoonka Diyaaradaha ee Las Vegas.
Dhacdadan ayaa si toos ah loo duubay, waxaana muuqaalkii lagu baahiyay baraha bulshada.
Diyaaradda oo sumadeedu tahay Airbus A350 ayaa awood u yeelatay inay sii waddo safarkeeda, waxayna si nabad ah ugu degtay London sagaal saacadood kadib dhacdadaas.
Bayaan ay soo saartay shirkadda diyaaradaha ayaa lagu sheegay inay si dhab ah u qaadanays badbaadada iyo amniga dhammaan hawlaheeda, isla markaana ay la shaqeyn doonto mas’uuliyiinta baaritaanka wada.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Inkasta oo madaxtooyada Nigeria ay soo saartay bayaan ay ku doonayso inay dejiso doodda ka dhalatay safarka madaxweynaha dalkaas, Bola Tinubu, uu ku tegay Turkiga, haddana arrintu weli way sii soctaa oo uma muuqato mid hakanaysa.
Tinubu, oo 73 jir ah, ayaa simbiriirixday kuna dhacay intii lagu guda jiray xaflad soo-dhaweyn weyn oo ka dhacday Ankara, caasimadda Turkiga.
Ka hor ikufitaanka, Tinubu waxa uu dhex maray ciidamo saf ugu jiray salaantiisa iyo saraakiil sare oo ka tirsan dowladda oo soo dhaweeyay.
Si kastaba ha ahaatee, xilli uu la socday Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayuu si lama filaan ah u turunturooday una dhacay.
Muuqaal soconaya 45 ilbiriqsi ayaa muujinaya dad isku dayaya inay kor u qaadaan, ka hor inta aan mar dambe la arag isagoo la socda madaxweynaha Turkiga oo sii wata safarkooda.

Xigashada Sawirka, Roberto Schmidt/Getty
Dowladda Ecuador ayaa cambaareysay waxa ay ku tilmaantay isku day uu sameeyay wakiil ka tirsan hay’adda socdaalka federaalka ee Maraykanka ICE, si uu u galo qunsuliyadda Ecuador ee magaalada Minneapolis.
Wakiilkaas ayaa laga hor istaagay inuu galo dhismaha, kadib markii saraakiisha qunsuliyaddu ay tallaabo qaadeen “si ay u xaqiijiyaan ilaalinta muwaadiniinta Ecuador ee ku sugnaa qunsuliyadda waqtigaas,” sida lagu sheegay bayaan ay shalay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ecuador.
Ecuador, oo madaxweynaheedu xulafo la yahay Trump, ayaa gudbisay cabasho rasmi ah.
Sida ku cad Heshiiska Vienna ee 1963 ee Xiriirka Qunsuliyadaha, dhismayaasha qunsuliyadaha waxaa loo tixgeliyaa kuwo “aan la taaban karin,” waxaana mamnuuc ah in mas’uuliyiinta dalka martida loo yahay ay galaan qaybaha qunsuliyadda ee shaqada loo isticmaalo “iyadoo aan oggolaansho laga helin madaxa qunsuliyadda.”
Muuqaal ay baahiyeen warbaahinta Ecuador, oo BBC-du aaney si madax-bannaan u xaqiijin, ayaa muujinaya sarkaal qunsuliyadeed oo ku ordaya albaabka laga galo, kuna leh wakiilka ICE: “Tani waa qunsuliyad, laguma oggola inaad halkan gasho.”
Wakiilka ayaa ku jawaabaya sarkaalka: “Haddii aad i taabato, waan ku qaban doonaa.”

Xigashada Sawirka, Getty Images
Saacado ka dib weerarkii lagu qaaday Wakiilka Minnesota Ilhan Cumar, ayaa Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump waxaa u sheegay ABC News inuusan daawan fiidiyowga balse uu Cumar ku tilmaamay “dhaqan xumo” ama “been-abuur”.“Waxaa suuragal ah inay iyadu isku buufisay, iyada oo la ogyahay dabeecaddeeda,” ayuu ABC u sheegay Trump.
Trump iyo Ilhaan Cumar ayaa horey isku khilaafay marar badan, waxaana madaxweynaha si joogto ah uga jeediyay dhaleeceyn iyo muujin cad oo ah inuu ka xun yahay xildhibaanimadeeda.
Ninkii Ilhaan weerarka u gaystay oo ah nin 55 jir ah ayaa lagu hayaa xabsiga, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta gobolka.
Farriin ay Ilhaan Cumar soo dhigtay barteeda X kadib dhacdadaas, waxey tiri: “Anigu waan fiicanahay. Waana badbaaday,”.

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty
Warbaahinta maxalliga ah ee Turkiga ayaa soo warisay in lix qof lagu xiray dalkaas iyaga oo lagu tuhunsan yahay inay u shaqeynayeen Ilaalada Kacaanka Iiraan.
Warbixinno la baahiyay ayaa sheegaya in dadkaas lagu tuhunsan yahay inay la socdeen xarumaha milatariga iyo meelo istiraatiiji ah oo ku yaal qaybo kala duwan oo Turkiga ah.
Telefishinka dowladda Turkiga (TRT) ayaa sheegay in ciidamada ammaanku sameeyeen howlgal isku mar ah oo ka dhacay shan gobol, oo ay ku jiraan Ankara iyo Istanbul; howlgaladan waxaa ka dambeeyay baaritaan wadajir ah oo ay sameeyeen Waaxda La-dagaallanka Argagixisada iyo Hay’adda Sirdoonka Turkiga, sida warbixinta lagu sheegay.
TRT, ayaa intaas ku daray in dadka la xiray ay u muuqdeen inay sameynayeen howlgallo indha-indheyn iyo kormeer ku saabsan Saldhigga Diyaaradaha ee Incirlik ee gobolka koonfureed ee Adana, halkaas oo ay joogaan ciidamada Mareykanka.
Wakaaladda wararka gaarka ah ee Demirören News Agency (DHA) ayaa warbixinteeda ku sheegtay in mid ka mid ah lixda qof ee la xiray uu asal ahaan yahay Iiraani, halka telefishinka dowladda Turkiga uu sheegay in raggaas lagu eedeeyay inay sirdoon iyo macluumaad farsamo u gudbinayeen wakiillo sirdoon oo Iiraan ah.

Madaxweyne Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in duqa magaalada Minneapolis inuu “ku ciyaarayo dab” markii xiisadaha ku saabsan fulinta sharciyada socdaalka ay ka sii baaheen gobolka Minnesota. Tani waxay ka dambeysay ka dib markii duqa magaalada Jacob Frey uu Habeenkii xalay ku qoray barihiisa bulshada in “Minneapolis aysan fulin doonin sharciyada socdaalka ee federaalka”, taas oo madaxweynuhu ku tilmaamay inuu jebinayo sharciga.
Dhanka kale, xiisadaha siyaasadeed ee gobolka ayaa sii kordhaya ka dib markii xildhibaan Ilhaan Cumar lagu weeraray habeenkii xalay walxo dareero ah oo aan la aqoonsan ilaa iyo hadda.
Weerarka ka dib, Ilahaan waxay sheegtay in Xoghayaha Amniga Gudaha Kristi Noem ay tahay inay “is casisho ama laga gudbiyo dacwad” sababtoo ah dhacdooyinka gobolka ka socda ayaa in badan oo ka mid ah lagu eedeyay.
Dhacdooyinkani waxay imaanayaan iyadoo labada xisbiba ay ku baaqayaan in xaaladda la dejiyo, ka dib markii wakiilada xuduudaha ee federaalka ay toogteen oo dileen 37-jir Alex Pretti dhammaadkii usbuucii hore. Pretti, oo ahaa kalkaaliye caafimaad, ayaa lagu dilay howlgallo ICE ay sameyaan, taas oo dhalisay mudaaharaadyo iyo cambaareyn baahsan.

Xigashada Sawirka, Reuters
Ciidamada cirka ee Taiwan ayaa maanta oo Arbaco ah muujiyay awooddooda ay ku shidaal siin karaan diyaaradahooda dagaalka ee F-16 inta lagu guda jiray dhoolatus, ujeeddadiisu ahayd in lagu muujiyo tababar dagaal.
Ciidamada cirka ee Taiwan waxay dhibaato kala kulmaan ku dhowaad maalin kasta inay la socdaan oo ay digniin ka bixiyaan diyaaradaha Shiinaha, kuwaas oo si joogto ah ugu dul hee-haaba jasiiradda.
Taipei waxay u aragtaa duullaannadan inay qayb ka yihiin olole joogto ah oo lagu carqaladeynayo isla markaana lagu doonayo in lagu daaliyo ciidanka Taiwan oo lagu saaro cadaadis siyaasadeed.
Duuliye Shih Shun-de ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dadka loo muujiyo sida ay ciidamada cirka si degdeg ah tallaabo u qaadi karaan.
“Dhoola-tuskan wuxuu u suurtagelinayaa dadweynaha inay arkaan natiijooyinka tababarka dhabta ah ee dagaal-ku-saleysan ee ciidamada cirka,” ayuu yiri.
Shiinaha wuxuu u arkaa Taiwan, oo si dimoqraadi ah loo maamulo, inay tahay dhul uu leeyahay, inkasta oo ay arrintaas ka soo horjeedaan dowladda fadhigeedu yahay Taipei.

Xigashada Sawirka, Bloomberg via Getty Images
Ra’iisul-wasaarihii hore ee Ciraaq, Nouri al-Maliki, ayaa diiday waxa uu ku tilmaamay faragelin cad kadib markii Madaxweyne Trump uu ku hanjabay in Maraykanku kala noqon doono taageerada Baqdaad haddii hoggaamiyaha Shiicada uu mar kale xukunka ku soo laabto.
Maliki, oo xiriir la leh Iiraan, waxaa xushay isbahaysi ka kooban xisbiyada Shiicadu hoggaamiyaan inuu noqdo musharraxooda ra’iisul-wasaaraha.
Faragelintiisii ugu dambeysay ee siyaasadda dal kale, Madaxweyne Trump ayaa sheegay in ay noqon doonto “go’aan aad u xun” haddii Maliki mar kale dib loo magacaabo.
Wuxuu ahaa ra’iisul-wasaarihii ugu horreeyay ee si dimoqraadi ah loo doorto ee dalka Ciraaq kadib ridistii Saddam Xuseen.

Xigashada Sawirka, AFP
Madaxweynaha dalka Mareykanka Donland Trump ayaa bartiisa Truth Social ku baahiyay qoraal u uku sheegay in ciidamo badan oo ah kuwa badda ay ku wajahanyihiin dalka Iiraan.
Wuxuu sheegay in ay yihiin cudud xooggan oo xiiso u qaba shaqada loo idmaday kuwaas oo xawaare ku socda.
“Waa maraakiib ka tiro badan kuwii loo diray Venezuela, waxaana hoggaaminaya markabka weyn ee xambaara diyaaradaha, Abraham Lincoln,” ayuu yiri Trump.
“Sida ku dhacday Venezuela, ciidankanu waa mid diyaar ah, doonaya, awoodna u leh in uu si dhakhso leh u fuliyo hawshiisa, xawaare iyo xoog, haddii loo baahdo”.
Wuxuu intaa ku daray Trump: “Waxaan rajaynayaa in Iran ay si degdeg ah “u timaaddo miiska wada-xaajoodka” oo ay ka gorgortanto heshiis caddaalad iyo sinaan ku dhisan , MA JIRO HUB NUKLIYEER AH, heshiis faa’iido u leh dhammaan dhinacyada. Waqtigu wuu sii dhammaanayaa; arrintu waa mid aad u degdeg ah!
Sidii aan hore ugu sheegay Iran mar hore, heshiis gaara ! Way diideen, waxaana dhacay “Howlgalkii Midnight Hammer,” oo ahaa burbur weyn oo loo geystay Iran. Weerarka xiga wuxuu ahaan doonaa mid ka sii daran!, ha oggolaanin in taasi mar kale dhacdo.
"Waad ku mahadsan tihiin inaad arrintan fiiro gaar ah siisaan" ayuu ku soo gabagabeyay qoraalkiisa.

Xigashada Sawirka, Reuters
Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa u xaqiijisay Iiraan inaysan oggolaan doonin in hawadeeda loo adeegsado wax tallaabo ah oo ka dhan ah Iiraan.
Sida ay sheegayaan warbixinno, Madaxweynaha Iiraan Masoud Peshmerga ayaa taleefan kula xiriiray Dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan, waxaana uu Bin Salman u xaqiijiyay in “aysan oggolaan doonin in hawadeeda ama dhulkooda loo isticmaalo wax hawlgal militari ah oo ka dhan ah Iiraan ama weerar ciddii doontaa ha fulisee,.”
Madaxweynaha Iiraan ayaa Israel iyo Mareykanka ku eedeeyay inay “kicinayaan dadka careysan” ee dhigay mudaharaadyadii dhawaan dhacay.
Waxa uu sheegay in labadaas dal ay “u maleeyeen in tallaabooyinkan ay Iiraan ugu rogi karaan Suuriya ama Liibiya,” balse “joogitaanka ballaaran ee wacyiga leh ee shacabka Iiraan ee fagaaraha dadweynaha uu fashiliyey yoolalkoodii iyo shirqoolkoodii.”
Sida ay sheegayaan warbaahinta Iiraan, Maxamed bin Salmaan ayaa sidoo kale yiri in “Sacuudi Carabiya ay u aragto khatar ama xiisad kasta oo ka dhan ah Iiraan mid aan la aqbali karin,” isla markaana ay “diyaar u tahay inay iskaashi la sameyso si loo hirgeliyo nabad iyo amni waara oo ka hanaqaada gobolka waa arrin muhiim ah.”

Xigashada Sawirka, @PresOfPakistan
Madaxweynaha Pakistan, Asif Ali Zardari, ayaa Abu Dhabi kula kulmay Madaxweynaha Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Maxamed bin Zayed Al Nahyan. Kulankan, labada hoggaamiye waxay muujiyeen go’aankooda ah in la sii xoojiyo xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Pakistan iyo Imaaraadka.
Intii ay wada hadalladu socdeen, waxaa si qoto dheer loo eegay iskaashiga iyo fursadaha cusub ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, tamarta, kaabeyaasha iyo tignoolajiyada. Labada dalba waxay mar kale cusbooneysiiyeen ballanqaadkooda ku aaddan horumarinta nabadda, horumarka iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee gobolka.

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in Mareykanku joojin doono taageerada uu siiyo Ciraaq haddii ay dib u doorato Ra’iisul Wasaarihii hore NuUri al-Maaliki.
Al-Maaliki oo xiriir wanaagsan la leh Iiraan, ayaa dhammaadkii toddobaadkii la sooo dhaafay loo xushay xilkaasi kaddib markii ay taageereen isbahaysi ka kooban xisbiyo Shiico ah.
“Malaiki waa nin xun, mana aha doorashada saxda ah,” ayuu Trump ku qoray bartiisa Truth Social.
“Markii ugu dambeysay ee Maliki xilka hayay, dalka wuxuu galay saboolnimo iyo rabshado,” ayuu Trump yiri.
Maaliki, oo xukunka hayay intii u dhexeysay 2006 ilaa 2014, ayaa xilka laga qaaday kaddib markii kooxda isku magacowday Dowladda Islaamiga ah (IS) ay la wareegtay qaybo badan oo ka mid ah Ciraaq.
Sarkaalka waaya-aragga ah ee Ciraaqiga ah ayaa la filayaa in madaxweynaha uu ansixiyo, kaddib markii isbahaysi xisbiyo Shiico ah ay Sabtidii soo magacaabeen.
Ciraaq gudaheeda, awoodda madaxweynaha aad uma badna.
Kooxda Shiicada ah ee ugu awoodda badan Ciraaq waxay xiriir dhow la leeyihiin dalka deriska la ah ee Iiraan. Iiraanna waxaa hoggaamiya hoggaamiye diimeed Shiico ah.
Mareykanku ma la shaqeeyo koox ama dal kasta oo xiriir la leh Iiraan, waxaana ka mid ah Ciraaq.
“Haddii Nuuri al-Maaliki noqdo ra’iisul wasaare, waan joojin doonnaa caawinta Ciraaq,” ayuu Trump yiri, isagoo intaa ku daray in aanay suurtagal ahayn in dalkaasi guuleysto taageerada Mareykanka la’aanteed.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa muujiyay walaac ku saabsan Maaliki intii uu khadka taleefanka kula hadlayay ra’iisul wasaaraha xilka haya ee Ciraaq, Maxamed Shi’a al-Sudani.
“Dowlad ay Iiraan maamusho ama taageerto ma hor marin karto baahiyaha iyo danaha shacabka Ciraaq,” ayuu yiri Marco Rubio.

Wararka ka imaanaya dalka Hindiya ayaa sheegaya in ruug-cadaa siyaasadeed oo lagu magacaabi jiray Ajit Pawar uu ku geeriyooday shil diyaaradeed oo dalka Hindiya ka dhacay saaka.
Diyaaradda ayaa ka duushay magaalada Mumbai waxeyna ku socotay Baramati ee gobolka Maharashtra oo u jirta 250-km Mumbai.
Diyaaradda ayaa shilka gashay markii ay isku da’day in ay ku degto garoonka Baramati sida ay ku warrantay BBC Marathi.
Ilaai yo hadda ma cadda waxa sababay shilka diyaaradeed. Diyaaradda waxaa la sheegay in ay la socdeen ilaa shan qof oo uu ku jiray ninkaan siyaasiga weyn ahaa Pawar,dhamaantoodna waa ay dhinteen.
Diyaaradda waxey ahayd diyaaradaha yaryar oo ka shaqeysa duulimaadyada gudaha Hindiya ah.Siyaasiga ruug-cadaaga ahaa ee geeriyooday ayaa u socday inuu ka qayb galo kulmo siyaasadeed oo ku saabsanaa arrimo doorasho.

Xigashada Sawirka, .
Rai'sul wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer ayaa soo gaaray Shiinaha si uu u sameeyo booqasho saddex maalmood ah – taasoo ah markii ugu horreysay ee Ra’iisul Wasaare ka socda UK uu dalka booqdo tan iyo 2018.
Starmer, oo la socdaan ku dhawaad 60 hoggaamiyaal ganacsi iyo dhaqameed oo British ah, ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, wuxuuna sidoo kale ka shaqeyn doonaa xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal.
Starmer, isagoo ku jira duulimaadkiisa Beijing, ayaa sheegay in booqashadu faa’iido u keeni doonto dadka “guryahooda ku sugan”, isla markaana uu doonayo “qaab dhameystiran oo joogto ah oo ku wajahan Shiinaha.”