Trump oo si ka duwan sidii hore uga hadlay xaaladda Minneapolis

Xigashada Sawirka, Getty Images
Isagoo la hadlayay barnaamijka raadiyaha Mareykanka ee Sid & Friends in the Morning, Trump wuxuu sheegay in labadii wicitaan ee uu la yeeshay Duqa Minneapolis Jacob Frey iyo Guddoomiyaha Minnesota Tim Walz ay ahaayeen kuwa “aad u wanaagsan” isla markaana uu“si weyn u ixtiraamayo ”.
“Waxa aan u baahanahay waa dambiilayaash. Waxay haystaan dambiilayaal, wixii aan iri oo dhan waxay ahaayeen, ‘kaliya nagu soo wareejiya dambiilayaashiinna’. Haddii ay na siiyaan dambiilayaashooda, wax walba way dhammaanayaan.”




















