TOOS, Xisbiga Dimuqraadiga oo ugu baaqay Trump in uu ciidammada ICE ka saaro Minnesota

Ku soo dhawaada tebinteena tooska ee maanta

Kooban

Tebin toos ah

  1. Trump oo caawa war cusub ka soo saaray xaaladda Minneapolis

    Donald Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Maraynaka ayaa la filayaa in uu goor dhow jeediyo khudbad tan iyo markii ay sii xumaatay xaaladda Minneapolis.

    Trump oo ku sugan Lowa ayaa hadda wareysi siinaya Fox News ka hor khudbaddiisa la filayo in uu jeediyo.

    Mar la weyddiiyay xaaladda Minneapolis, wuxuu sheegay in tirakoobka dambiyada uu yahay “mid fiican”, sababtoo ah hawlgallada socda ee socdaalka ayaa meesha ka saaray dambiilayaal khatar ah oo waddooyinka ku sugnaa.

    Wuxuu xusay in “sarkaalka xuduudaha” ee Aqalka Cad, Tom Homan, uu hadda halkaasi kula kulmayo mas’uuliyiin deegaanka ah.

    “Waxaan hoos u dhigi doonaa xiisadda waxoogaa,” ayuu yidhi.

  2. 'Waxa ka socda Minneapolis waa wax baalmarsan sharciga Maraykanka'

    Joe Biden

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynihii hore ee Maraykanka Joe Biden ayaa ka hadlay xarigga iyo masaafurinta muhaajiriinta ee ka dhacday Minneapolis, isaga oo sheegay in dhacdooyinka toddobaadyadii u dambeeyay ay ka hor imanayaan mabaadi’da aasaaska u ah dalka.

    Waxa uu yidhi Maraykanku ma aha waddan muwaadiniintiisa lagu toogto waddooyinka, mana aha mid oggolaanaya in dad lagu silciyo ama lagu cadaadiyo ku dhaqanka waxyaabaha uu Dastuurku u oggol yahay inay sameeyaan.

    Hadallo u muuqday kuwo si dadban loogu jeediyay Donald Trump, ayuu Mr. Biden ku sheegay in aanu jirin hal qof, xitaa madaxweynaha, oo burburin kara qiyamka iyo himilooyinka Maraykanka.

  3. FBI oo baadhitaan ku samaynaysa dadka deggan Minnesota

    Kash Patel

    Xigashada Sawirka, DANIEL HUER/AFP via Getty Images

    Agaasimaha FBI-da, Kash Patel, ayaa sheegay in hay’addu ay furtay baadhitaan ku saabsan wada-sheekaysiyada kooxeed ee Signal ee ay adeegsadaan dadka deggan Minnesota si ay isugu dubbaridaan mudaaharaadyada ka dhanka ah ICE.

    Dadka deggan gobolkaasi ayaa la sheegay in qaarkood ay ku xidhan yihiin app-ka fariimaha sirta ah si ay u wadaagaan lambarada taarikada gaadiidka iyo goobaha ay joogaan wakiillada federaalka ah, ka hor inta aanay isu abaabulin kormeer ama mudaaharaad ka dhan ah hawlaha wakiillada ICE.

    Wareysi uu siiyay ninka muxaafidka ah Benny Johnson, Patel wuxuu sheegay in uu doonayo in uu ogaado in hawlgalka noocan ah uu gelinayo wakiillada federaalka “khatar”.

  4. Degdeg: Trump oo xaaladda Minneapolis ku tilmaamay mid murugo badan

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Isagoo ka baxaya Aqalka Cad una socda khudbad uu ka jeedinayo Iowa, Madaxweyne Trump wuxuu ku tilmaamay dhacdooyinkii dhawaan ka dhacay Minneapolis “xaalad aad u murugo badan”.

    Markii la weydiiyay haddii ay sax ahayd in Alex Pretti u uku dhintay gacanta sarkaal ka tirsan ICE wuxuu sheegay in baaritaan socda uu jiro islamarkaana uu rabo inuu noqdo baaritaan “dhab ah”.

    Trump wuxuu sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo Kristi Noem, oo uu aaminsan yahay inay qabatay “hawl aad u wanaagsan” marka loo eego xilka Xoghayaha Amniga Gudaha.

    Wuxuu intaa ku daray in Tom Homan uu hadda joogo Minneapolis, islamarkaana wadahadalkiisa uu la leeyahay Guddoomiyaha Minnesota Tim Walz iyo Duqa Minneapolis Jacob Frey uu “si fiican u socdo”.

  5. Hadal hayn ka dhalatay jaakad ay xiratay Melania Trump

    Melania Trump.

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Melania Trump.

    Baraha bulshada iyo warbaahinta qeybaheeda kala duwan ayaa waxaa durbaba qabsaday fasiraado iyo eedeymo kala duwan oo ku wajahan jaakad fariini ku qorantahay oo ay xiratay xaaska madaxweynaha Maraykanka, haweenayda lagu magacaabo Melania Trump.

    Waxay noqotay wax aad loola yaabo in xaaska Trump ay soo xiratay jaakad ay samaysay shirkadda Zara oo ay ku qoranyihiin erayada "Wax iga quseeya ma jiraan, adigana?", taas oo joogta qiimo dhan $39 doolar.

    Waxa la sheegay in Ms Trump ay jaakadan xiratay xili ay kusii jeedday goob lagu hayay carruur laga soocay waalidkooda oo sharci daro ku galayay Maraykankan, kuwaas oo xabsi la dhigay.

  6. Madaxweynihii hore ee Mareykanka Biden oo si adag uga hadlay xaaladda Minneapolis

    Biden

    Xigashada Sawirka, EPA

    Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Joe Biden, ayaa ka hadlay tallaabooyinka adag ee lagula tacaalayo socdaalka ee ka socda Minneapolis, isagoo sheegay in wixii dhacay bishii la soo dhaafay ay ka hor imanayaan qiyamka aasaasiga ah ee Maraykanku ku faano.

    “Ma nihin qaran rasaas ku fura muwaadiniintiisa,” ayuu yiri, “mana nihin qaran oggolaanaya in muwaadiniintiisa si arxan darro ah loola dhaqmo iyagoo adeegsanaya xuquuqdooda dastuuriga ah.”

    Isagoo si dadban ula jeeday Donald Trump, Mr Biden wuxuu sheegay in hal qof oo keliya uusan burburin karin waxa Maraykanku u taagan yahay oo uu rumaysan yahay, xitaa haddii uu yahay madaxweyne.

    Wuxuu ku baaqay in la sameeyo baaritaanno dhamaystiran, caddaalad ah, oo hufan oo ku saabsan dhimashada laba ka mid ah mudaharaadayaashii ka soo horjeeday tallaabooyinka ICE.

  7. Trump oo si ka duwan sidii hore uga hadlay xaaladda Minneapolis

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Isagoo la hadlayay barnaamijka raadiyaha Mareykanka ee Sid & Friends in the Morning, Trump wuxuu sheegay in labadii wicitaan ee uu la yeeshay Duqa Minneapolis Jacob Frey iyo Guddoomiyaha Minnesota Tim Walz ay ahaayeen kuwa “aad u wanaagsan” isla markaana uu“si weyn u ixtiraamayo”.

    “Waxa aan u baahanahay waa dambiilayaash. Waxay haystaan dambiilayaal, wixii aan iri oo dhan waxay ahaayeen, ‘kaliya nagu soo wareejiya dambiilayaashiinna’. Haddii ay na siiyaan dambiilayaashooda, wax walba way dhammaanayaan.”

  8. Taliyihii ICE ee xilka laga qaaday oo hoteelkii uu deganaa dad ku xoomeen

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Booliiska ayaa sheegay in dhowr qof oo shacab ah la xiray intii lagu jiray mudaharaad ka dhacay bannaanka hoteel lagu tuhunsanaa in uu ku sugnaa Taliyaha Ilaalada Xudduudaha Gregory Bovino xalay, ka dib markii dadku ku qeyliyeen oo waxyeello u geysteen hanti dadweyne kun tuureen walxo askarta. Booliisku waxay sheegeen dadka aan amarada kala dirista u hoggaansamin ama falal dambiyeed sameeyay in la xiray.

    Mudaharaadka ayaa ka dambeeyay dilkii naxdinta lahaa ee Alex Pretti, oo ahaa kalkaaliye caafimaad, oo lagu toogtay Minneapolis intii uu socday hawlgal ay fuliyeen wakiillo federaal ah kuwaas oo qayb ka ahaa kordhinta howlgallada ICE ee Minneapolis.

    Booliiska gobolka Minnesota iyo dadweynaha ayaa ka careysan sida kiisaska dilalka ah ee ay geysteen ciidamada federaalka ay u dhaceen, gaar ahaan iyadoo muuqaal laga soo qaaday uu muujinayo in Pretti uusan hanjabaad u gaysan markii rasaas lala dhacay.

    Wararka ugu dambeeya waxay sheegayaan in Gregory Bovino uu ka baxayo Minneapolis maanta, iyadoo arrinta dilka Pretti ay keentay cadaadis siyaasadeed iyo dibadbaxyo sii xoogaysanaya. Madaxweyne Trump ayaa u magacabay Tom Homan inuu ka talo geliyo howlgalka dhulka ka socda.

    Mudaharaadayaasha ayaa ku baaqaya in la baabi’iyo hay’adda ICE iyagoo ku qaylinayay erayo ka dhan ah ICE.

  9. Degdeg: Xaaska Trump oo hadda ka hadashay howlgallada ICE ee Minneapolis

    Melania Trump

    Xigashada Sawirka, ANDREW CABALLERO-REYNOLDS / AFP via Getty Images

    Marwada Koowaad ee Maraykanka, Melania Trump, ayaa “ku baaqday midnimo” iyadoo xiisadaha ka dhashay xakamaynta socdaalka ee Minneapolis ay sii socdaan.

    Markii ay ka qayb gashay barnaamijka Fox & Friends maanta, waxay tiri: “Waan ogahay in ninkeyga, madaxweynaha, uu shalay wicitaan wanaagsan la yeeshay guddoomiyaha gobolka iyo duqa magaalada, waxayna si wadajir ah uga shaqeynayaan in xaaladu noqoto mid nabad ah oo aan rabshado laheyn.

    Anigu waxaan ka soo horjeedaa rabshadaha. Haddii aad mudaharaad sameyneyso, nabad ku mudaharaad , ayay tiri”.

  10. Yaa la socda diyaaradda Milatari ee Mareyknku leeyahay ee Itoobiya ka degtay

    Wefdi Mareykan ah

    Xigashada Sawirka, EBC

    Diyaarad nooca qumaatiga u kaca aj oo Osprey ah isla markaana uu leeyahya milatariga Mareykanka ayaa ku degtay Bishoftu, iyadoo Ciidamada Cirka Itoobiya ay u dabaal-degayeen sannad-guuradii 90-aad ee aasaaskooda.

    Diyaaradda qumaatiga u kacda waxaa la socday Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Christopher Landau, kaas oo ka qayb galay munaasabadda ay Ciidamada Cirka Itoobiya qabsadeen .

    Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Christopher Landau, Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) Lieutenant General Dagvin Anderson, iyo Safiirka Mareykanka ee Itoobiya, Ervin Masinga ayaa ka qayb galay xafladda.

    Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan ciidanka, oo ay ka mid yihiin Taliyaha Guud ee Ciidanka Dhulka Field Marshal Birhanu Jula iyo Taliyaha Ciidamada Cirka Lieutenant General Yilma Mardasa, ayaa martida ku soo dhoweeyay xarunta Ciidamada Cirka Itoobiya.

  11. Degdeg:Ku simaha ICE oo Maxkamad la soo taagayo

    .

    Garsoore Degmo oo lagu magacaabo Patrick Schlitz ayaa amar ku bixiyay in ku-simaha Agaasimaha hay’dda socdaalk ee ICE uu ka soo hormuuqdo maxkamadda Jimcaha soo aadden.

    Schlitz wuxuu sheegay in Lyons ay waajib ku yahay inuu sharaxo sababta hay’addiisu ugu guul-darreysatay inay qabato dhageysi ku saabsan qof muhaajir ah oo xiran, muddadii ay maxkamaddu amartay.

    Schlitz wuxuu yiri “dulqaadkii maxkamaddu wuu dhammaaday,” isaga oo qaadaya tallaabo uu isagu ku tilmaamay mid “aan caadi ahayn,” taas oo ah inuu maxkamadda ugu yeero ku-simaha madaxa ICE.

    Wuxuu dalbaday in ku-simaha Agaasimaha ICE, Todd Lyons, uu si shaqsi ah uga soo hormuuqdo maxkamadda kadib markii, sida ku cad qoraal maxkamadeed oo Isniintii la gudbiyay, “tallaabooyin ka fudud la tijaabiyay balse ay fashilmeen.”

    “Dulqaadkii Maxkamaddu wuu dhammaaday. Sidaas darteed, Maxkamaddu waxay amar ku bixin doontaa in Todd Lyons, Ku-simaha Agaasimaha ICE, uu si shaqsi ah uga soo hormuuqdo Maxkamadda,” ayuu yiri.

  12. Ma markabka Mareykanka ayaa sababay hoos u dhaca lacagta Iiraan?

    Iiraan

    Lacagta Iiraan ayaa hoos u dhacday mar kale, iyadoo gaartay heerkii ugu hooseeyay ee abid, oo ah 1.5 milyan oo riyaal ah halkii doolar ee Maraykan ah, suuqyada sarifka ee Tehran, xilli markab dagaal oo Maraykan ah uu yimid gobolka.

    Imaatinka markabka USS Abraham Lincoln ayaa kordhiyay walaaca laga qabo in Madaxweyne Trump uu fuliyo hanjabaaddiisa ah tallaabo milatari oo uu ka qaado taliska Iiraan, taasoo jawaab u ah cabburinta arxan-darrada ah ee mudaaharaadyada ballaaran.

    Kooxo u dooda xuquuqda aadanaha ee Iiraan ayaa sheegay inay xaqiijiyeen in ku dhowaad lix kun oo dibadbaxayaal ah la dilay.

  13. Hoggaamiyaha Midowga Yurub oo hadal maldahan ku gantay Trump

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Guddiga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa u dabaaldegtay saxiixa heshiis ganacsi oo lala galay Hindiya, iyadoo sheegtay in heshiiskaasi uu dirayo farriin muujinaysa in iskaashiga caalamiga ahi weli shaqayn karo.

    Hadalladaas oo ka yimid hoggaamiyaha fulinta Yurub ayaa loo fasiray inay tahay dhaliil dadban oo loo jeediyay Madaxweyne Trump, iyadoo heshiiska laftiisu qayb ahaan ka dhashay dadaalka Yurub ay ku raadinayso saaxiibbo ganacsi oo ka baxsan Maraykanka.

    Cashuuraha ayaa si tartiib tartiib ah loo baabi’in doonaa, taas oo kor u qaadaysa rajada ah in ganacsiga wax kala iibsigu uu kordho. Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, ayaa sheegay in inkastoo dunidu ku jirto qalalaase, haddana heshiiskani uu xoojin doono xasilloonida nidaamka caalamiga ah.

  14. Dowladda Spain oo ku dhawaaqday war farxad galinaya dadka soo galootig ah

    Qaxooti

    Wasiirka socdaalka ee Isbaanishka ayaa xaqiijiyay in dowladda hantiwadaagga ah ee laga tirada badan yahay ay maanta soo saari doonto wareegto siinaysa sharciyad deggenaansho boqolaal kun oo muhaajiriin ah. Tallaabadan uma baahna ansixinta Baarlamaanka, halkaas oo xisbiyada garabka midig ay u badan tahay inay hor istaagi lahaayeen.

    Wareegtadu waxay khusayso dadka aan lahayn dembi hore oo dalka yimid ka hor bilowgii sannadkan, kuwaas oo dalka ku noolaa in ka badan shan bilood.

    Waxaa lagu qiyaasayaa in in ka badan nus milyan qof ay ka faa’iidaysan doonaan (kuwa codsiyadooda lagu guuleysto waxaa la siin doonaa oggolaansho deggenaansho hal sano ah, kadibna waxay codsan karaan deggenaansho joogto ah. Siyaasaddan waxay si weyn uga duwan tahay tan dalal badan oo Midowga Yurub ah oo adkeynaya siyaasadaha socdaalka.

  15. Imaaraadka oo doonaya in wax kasta oo jira lagu xalliyo hannaanka diblumaasiyadda

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Imaaraadka Carabta

    Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in aysan oggolaan doonin in hawadeeda, birrigeeda iyo badeeedaba laga wareero dalka iiran.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa war uu soo saaray Isniintii shalay ku sheegay in dalkiisu muujinayo in uusan marnaba oggoleyn in hawadooda, dhulkooda iyo baddoodaba loo adeegsado saldhig milatari oo ka dhanah Iiraan isla markaana aysan arrintaa taageryn.

    Warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka ayaa intaasi ku daraya in ay taageerayaan in hoos loo dhigo xiisadda gobolka loona hoggaamsamo sharciga caalamiga ah ee ilaalinaya madax bannaanida dalkaasi.

    Imaaraadku waxaa uu sheegay in uu doonayo in dhamaan arrimaha taagan lagu xalliyo hannaanka diblumaasiyadda.

  16. Eric Trump oo sheegay in uusan kulan gaar ah dhexmarin isaga madaxwayanha Somaliland

    Eric Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Eric Trump

    Wiilka madaxwaynaha Mareykanka Eric Trump ayaa beeniyay in kulan uu la qaatay madaxwaynaha jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Cabdi Raxman Maxamed Cabdulahi (cirro)

    Sida ay baahisa wakaalada wararka ee Afhayeen u hadlay Eric Trump ayaa xaqiijiyay in Cirro uu ka qaybgalay cashadii soo dhaweynta ahayd isla markaana uu sawir la galay wiilka madaxweynaha Mareykanka, balse waxa ay beenisay in labada nin ay yeesheen kulan gaar ah, iyada oo sheegtay in ay qolka ku sugnaayeen in ka badan 100 qof.

    “Marna (Eric Trump) kulan lama uusan yeelan madaxweynaha Somaliland. Sidoo kale marna kama uusan hadlin arrin ku saabsan deked,” ayay tiri Kimberly Benza oo bayaanka soo saartay.

  17. Ra'isul wasaaraha Britain oo sharaxay cidda uu dalkiisa dooranayo Shiinaha iyo Mareykanka

    Keir Starmer,

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Keir Starmer,

    Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay inuusan oggolaan doonin in lagu khasbo inuu kala doorto xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha, ka hor booqashadii ugu horreysay ee ra’iisul wasaare Ingiriis ah uu ku tago Shiinaha muddo sideed sano ah.

    Ra’iisul Wasaare Starmer wuxuu sheegay in Ingiriisku sii wadi doono xiriir dhow oo uu la yeesho Mareykanka dhinacyada ganacsiga, amniga, iyo difaaca.

    Wuxuu sidoo kale yiri:“Ma aha arrin caqli ah n Shiinaha la iska indho-tiro.”

    Wareysi uu siiyay Bloomberg News, ayuu ku sheegay in booqashadan uu ku tagayo dalka labaad ee ugu weyn dhaqaalaha dunida ay keeni karto fursado waaweyn oo ganacsi shirkadaha Ingiriiska.

    Sidoo kale, tobannaan hoggaamiye ganacsi oo Ingiriis ah ayaa la socon doona safarkan uu Shiinaha ku tagayo

    Booqashadan ayaa imaneysa dhowr maalmood ka hor, Ingiriisku oggolaaday qorshe muran dhaliyay oo lagu dhisayo safaarad Shiineys ah oo aad u weyn magaalada London.

  18. Israa'iil oo ka hadashay xiriirka kala dhaxeeya Turkiga

    Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Gideon Saar

    Xigashada Sawirka, Resul Rehimov/ Anatolia/ Getty Images

    Qoraalka sawirka, Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Gideon Saar

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Gideon Saar, ayaa sheegay:“Waxaan rajeynayaa inaan gaarno mustaqbal ka duwan, kana wanaagsan xiriirkeena Turkiga, balse arrintaasi waxay gebi ahaanba ku xiran tahay dhinaca Turkiga.”

    Saar wuxuu sheegay in bishii hore mas’uuliyiin ka kala socday labada dhinac ay yeesheen kulan heer sare ah si loo dhiso hannaan looga hortago xiisado ka dhasha xiriirka Turkiga.

    Saar ayaa wareysi gaar ah siiyay wakaaladda wararka APA intii uu ku guda jiray booqasho rasmi ah oo uu ku joogay Azerbaijan.

    Isaga oo ka jawaabaya su’aal ku saabsan in Israa’iil ay “wado wadahadallo diblomaasiyadeed oo lagu caadiyeynayo xiriirka Suuriya iyo Turkiga,” Saar wuxuu sheegay inaysan “dooneynin in xiriirka Turkiga uu ka sii xumaado sida uu hadda yahay.”

    Saar ayaa sheegay in uusan filayn in xiriirka Israa’iil iyo Suuriya uu caadi ku soo laabto mustaqbalka dhow.

  19. Tirada la yaabka leh ee bishii Rajab booqatay Labada Masjid ee Barakaysan Maka iyo Madina

    Kacbadu waa qiblada Muslimiintu u tukadaan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Kacbadu waa qiblada Muslimiintu u tukadaan

    War ka soo baxay labada masjid ee barakeysan ayaa lagu sheegay in tiro aad u badan ay sanadkan soo booqdeen labada masajid.

    Qoraal lagu daabacay bogga rasmiga inside the Haramain ayaa lagu sheegay in In ka badan 78 milyan oo qof ay booqdeen Labada Masjid ee Barakaysan bishii Rajab 1447 Hijriyada.

    Tirada cumrada u timid ayaa lagu sheegay 14,875,003 qof oo cumrada gudanaya. Dadka ku cibaadeysanaya Masjidka Xaramka ayay tiradoodu gaartay 34,954,367 oo qof.

  20. Dowladda Soomaaliya oo raashiin dib ugu celisay WFP

    Bakhaar

    Xigashada Sawirka, Social Media

    Qoraalka sawirka, Bakhaar WFP

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dhammaan caawimada bini’aadantinimo ee cuntada ee laga qaaday bakhaar wayn oo ku yaalla Dekedda Muqdisho si dhameystiran loogu celiyay Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP).

    War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in dowladda ay qaadeyso mas’uuliyadda buuxda ee dhacdada, isla markaana muujisay naxdin, iyada oo ku celisay ballanqaadkeeda ku aaddan mabaadi’da bini’aadantinimo iyo wada-shaqeynta la-hawlgalayaasha caalamiga ah.

    “Dhammaan agabka bini’aadantinimo ee laga qaaday xarunta si buuxda ayaa loogu celiyay Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP),” ayay sheegtay wasaaradda.

    Si looga hortago carqalad ku timaadda gaarsiinta gargaarka, dowladda ayaa sheegtay inay u qoondeysay WFP bakhaar ka ballaaran kii hore oo ku habboon, kuna dhex yaalla aagga dekedda. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in xarunta cusub ay hagaajin doonto awoodda kaydinta.

    Mas’uul sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, kana mas’uul ah gargaarka dibadda, ayaa sheegay in burburinta bakhaarka iyo habka loo maareeyay sahayda cuntada ay kicisay walaac culus oo la xiriira ixtiraamka hawlgallada bini’aadantinimo iyo heshiisyada deeq-bixiyeyaasha.