Waxa aynu ka ognahay iyo waxa aynaan ka ogayn ee ku saabsan toogashadii ICE ee Minneapolis

Haweeney, oo markii dambe la aqoonsaday inay tahay Renee Nicole Good, 37 jir ah, ayaa waxaa toogtay ciidamada ICE qiyaastii 10:25 subaxnimo waqtiga maxalliga a h ee (16:25 GMT) Arbacadii.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Dowladda Sacuudiga oo faahfaahin ka bixisay hoggaamiyaha gooni-u-goosadka Yemen oo dhanka Soomaaliya u baxsaday

    Yemen

    Xigashada Sawirka, X

    Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudigu ee Yemen ayaa Khamiistii maanta sheegay in Imaaraadka Carabta uu si qarsoodi ah dooni uga saaray dalka hoggaamiyaha gooni-u-goosadka ah, arrin si weyn u kicisay khilaafka u dhexeeya quwadaha Khaliijka, xilli ciidamo ay Sacuudigu taageerayaan ay dib ugu sii siqayeen dekedda Cadan kaddib markii ay halkaas dhul ka lumiyeen.

    Baxsashada Caydaruus Al-Zubaydi, oo ah madaxa kooxda gooni-u-goosadka ah oo Imaaraadku taageero, ayaa sii xumayn karta xiisadda u dhexeysa Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ah laba dal oo miisaankoodu culus yahay dhinaca saliidda isla markaana xulufo dhow u ah Mareykanka.

    Eedaynta Sacuudiga ee ah in Imaaraadku ka caawiyay Zubaydi inuu baxsado ayaa sii kordhisay halista qalalaasaha qarxay bishii hore, markaas oo gooni-u-goosadka ay si degdeg ah ula wareegeen koonfurta Yemen, oo ay ku jirto Cadan, isla markaana ay u soo dhowaadeen xadka Sacuudi Carabiya. Riyaad ayaa tallaabadaas ku tilmaantay mid khatar ku ah ammaanka qaran ee Sacuudiga.

    Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ayaa sheegay in Zubaydi uu Yemen uga baxay dhanka Somaliland, kaddibna uu diyaarad uga gudbay Muqdisho, taas oo markii dambe lagu ogaaday inay ku degtay garoon ciidan oo ku yaalla Abu Dhabi.

    Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay billowday baaritaan lagu hubinayo in garoomadeeda diyaaradaha loo adeegsaday qaadista “qaxooti siyaasadeed,” iyada oo loola jeedo Zubaydi. Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa sheegtay in haddii arrintaasi caddaatay ay noqon doonto “xadgudub culus oo ka dhan ah madaxbannaanida qaranka Soomaaliya.”

  2. Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in warqad uu qoray Netanyahu aan lagu kala qaybin karin Soomaaliya

    Madaxweynaha Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, Radio Muqdisho

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa jeediyay khubad uu inta badan kaga hadlay aqoonsigii dhawaan Israa’iil siisay Somaliland ayaa sheegay in ujeedka Israa’iil uu yahay in ay is ballaariso Falastiiniyiinta reer Qasa-na ay u soo rarto dhulka Somaliland isla markaana halkaa Israa’iil ka sameysato saldhigyo.

    Tallaabadan ayuu sheegay madaxweynaha Soomaaliya in ay khatar gelin karta amniga gobolka.

    Madaxweyne Xasanayaa sheegay in mas’uuliyiinta Somaliland ay waddo aan sax ahayn ka raadiyeen aqoonsiga, isagoo intaa ku daray in “warqad uu saxiixay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Netanyahu aan lagu kala go’yn karin Soomaaliya”.

    Wuxuu ku sheegay ra'iisul wasaaraha Israa'iil nin caan ku ah barakacinta Falastiiniyiinta reer Qasa.Khudbadda ayuu madaxweynuhu ku sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay wax walba oo lagu heli karo midnimo iyo wada-jir.

    Sidoo kale waxaa uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in aqoonsigu Somaliland kaga xiranyahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, balse aanu ka jirin dhanka Israa’iil.

    Wuxuu sheegay in aqoonsiga Israa’iil siisay Somaliland uu yeelan karo saameyn dhinacyo kala duwan leh oo taabaneysa amniga, dhaqaalaha iyo deegaanka.

    Wuxuu carrabka ku adkeyay in dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa shacabkeeda iyo saaxibbadeeda caalamiga ah ay ka hortagi doonto wax u uku tilmaamau xad-gudubka Israa’iil.

  3. Ilhaan Cumar oo sheegtay ICE ay qas ka wado Minnesota

    Xildhibaan Ilhaan Cumar

    Xigashada Sawirka, Ilhan omar

    Qoraalka sawirka, Xildhibaan Ilhaan Cumar

    Xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto Minneapolis ayaa sheegtay ciidamada socdaalka ICE ay qas ka wadaan gobolka Minnesota, ka dib dilkii Renee Good.

    "ICE waxay qas ka abuuraysaa Minnesota oo dhan" ayay tiri

  4. War deg deg ah, Trump oo u hanjabay Iraan iyo dowladda dalkaas oo wajahaysa bannaanbaxyadii ugu ballaarnaa

    Iiraan ayaa wajahaysa habeenkeedii 12-aad oo mudaharaadyo ay ka socdaan dhowr magaalo oo waaweyn, kuwaas oo ah mowjad weyn oo kacdoon ah oo ka dhalatay qalalaase dhaqaale iyo hoos u dhac ku yimid heerka nololeed.

    Dadweyne aad u tiro badan ayaa isugu soo baxay Tehran iyo magaalooyin kale oo aan horey u arag rabshado noocan ah.

    Habeennadii hore, meelo ka mid ah dalka waxaa ka dhacay iska horimaadyo rabshado wata oo u dhexeeyay mudaharaadayaasha iyo ciidamada ammaanka, taas oo keentay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu digniino u jeediyo dowladda Iiraan.

    Caawa, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale sheegay in Mareykanku uu “si aad ah u weerari doono” Iiraan haddii dowladdu ay layso mudaharaadayaasha.

    Kooxda kormeerka internet-ka ee Netblocks ayaa sheegtay in dalka uu ka jiro “xaalad internet la’aan ah oo guud ahaan dalka ah”.

  5. Wasiirka amniga gudaha Maraykanka oo difaacday ICE kuna tilmaamtay dilka “argagixiso gudaha ah.”

    Noem

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Noem

    Wasiirka amniga gudaha Maraykanka oo difaacday ICE kuna tilmaamtay dilka “argagixiso gudaha ah”

    Wariye ayaa weydiiyay Wasiirka amniga gudaha Maraykanka Noem qeexidda ka maamul ahaan dhacdada lagu dilay Renee Good oo ay ku sheegtay “argagixiso gudaha ah.”

    Waxay ku eedeysay Renee Good in ay “khash khashaaday” saraakiisha isla markaana caqabad ku noqotay howlgallka, iyada oo ay kasoo horjeesadeen sida ay wax u dhaceen saraakiisha deegaanka

  6. Maxaad ka taqaan ciidanka ICE ee dilay Renee Good

    Ciidamada ICE

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, ciidamada ICE

    ICE oo ah ciidan waayahan aad loo maqlo, gaar ahaan tan iyo markii uu madaxweyne Trump amarka ku bixiyey in la ugaarsado dadka sharci darrada ku jooga Maraykanka ayaa waxaa soo baxayey in su'aalo la iska weydiiyo waxay yihiin ciidankan hubaysan ee afka duuban.

    TVyada caalamka ayaa tabinaya ayagoo wajigu u duuban yahay oo baacsanaya dad ka cararaya, qofkii ay qabtaan ee sharci lahaynna waxaa la geeyaa xarumaha tarxiilka.

    Magaca ICE wuxuu u taagan yahay ciidanka u hogaansanaanta ilaalinta socdaalka iyo kastamada ama (Immigration and customs enforcement).

    Waxa ay hoos yimaadaan waaxda amaanka gudaha, waxaana shaqada loo igmaday ka mid ah inay dhaqan galiyaan shuruucda socdaalka, dhowqrista amaanka qaranka, iyo ilaalinta bedqabka bulshada.

    Waxaa la aasaasay 2002, ka dib markii uu dhacay weerarkii 9/11 ee lau qaaday daarihii dhaadheeraa ee Maraykanka. Waxay markaas isku qabanayeen hawlihii waaxda socdaalka iyo waaxda adeegga kastammada.

  7. Madaxweynaha Jarmalka ayaa sheegay in Maraykanku burburinayo nidaamka caalamiga ah

    Madaxweynaha Jarmalka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Jarmalka

    Madaxweynaha Jarmalka Frank-Walter Steinmeier ayaa si adag u dhaleeceeyay siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka xilliga hoggaanka Madaxweyne Donald Trump, isaga oo ugu baaqay caalamka in aan la oggolaan in nidaamka dunidu burburo oo isu beddelo “goob tuugo” ay kuwa aan daacadda ahayn ay qaataan wixii ay rabaan.

    Hadallo adag oo u muuqday inay tixraacayaan tallaabooyin ay ka mid yihiin xil ka qaadistii madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro dhammaadkii toddobaadka, ayuu wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ku sheegay in dimuqraadiyadda caalamka lagu hayo weerar aan hore loo arag.

    Inkasta oo madaxweynaha Jarmalku uusan inta badan lahayn awood siyaasadeed oo weyn, haddana hadalladiisu miisaan ayay leeyihiin, wuxuuna leeyahay xorriyad hadal oo ka ballaaran tan siyaasiyiinta kale.

  8. Renee Good oo lagu dilay hal mayl oo keliya meel u jirta halkii lagu dilay George Floyd lagu 2020

    Goobta lagu dilay Good
    Qoraalka sawirka, Goobta lagu dilay Good

    Renee Good waxaa ku toogtay sarkaal ka tirsan ICE waddada Portland Avenue, agagaarka East 34th Street, xaafadda bartamaha magaalada Minneapolis.

    Khariidadda hoose waxaad ka arki kartaa meesha Good lagu toogtay.

    Toogashadu waxay ka dhacday qiyaastii hal mayl goob u jirta halkii George Floyd lagu dilay sanadkii 2020, xilligaas oo uu dilay sarkaal booliska magaalada oo lagu magacaabay Derek Chauvin.

    Geerida Floyd dilkiisa waxa ay kicisay mudaaharaadyo caalami ah oo ka dhan ah cunsuriyadda.

    Khariidad
    Qoraalka sawirka, Khariidad
  9. Golaha Senate-ka Mareykanka oo u codeynaya in Trump xilka looga qaado arrinta Venezuela

    Trump iyo wasiiradiisa

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Trump iyo wasiiradiisa

    Golaha Senate-ka Mareykanka ayaa la filayaa inuu Khamiista u codeeyaan qaraar ka hor istaagaya Madaxweyne Donald Trump inuu qaado tallaabo militari oo dheeraad ah oo ka dhan ah Venezuela, haddii uusan helin oggolaanshaha Baarlamanka (Congress)-ka.

    Arrintan waxay imanaysaa maalmo kaddib markii ciidammada Mareykanku ay qabteen Madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro, intii lagu jiray weerar militari oo ka dhacay caasimadda Caracas.

    Codkii ugu dambeeyay ee noocan ah wuxuu ku guuldarreystay inuu dhaafo, iyada oo natiijadu noqotay 49–51, laba senatar oo ka tirsan xisbiga Trumpna ay ku biireen Dimuqraadiyiinta si ay u taageeraan qaraarkii bishii Nofeembar.

    Mas’uuliyiinta maamulka Trump ayaa u sheegay sharci-dejiyayaasha intii lagu jiray codbixinta in Mareykanku uusan qorshaynayn isbeddel dowladeed ama weerarro militari oo lagu qaado Venezuela.

    Kadib xarigga Maduro, qaar ka mid ah sharci-dejiyayaasha ayaa ku eedeeyay dowladda inay marin-habaabineyso Congress-ka, kuwaas oo ay ku jiraan Dimuqraadiyiin iyo qaar ka mid ah Jamhuuriyiinta oo arrintaas si qarsoodi ah uga hadlay.

  10. Dadka degan Minneapolis oo qaxwo la dabajooga dadka mudaharaadaya

    Samii Perez Gomez

    Xigashada Sawirka, BBC / Madeline Halpert

    Qoraalka sawirka, Samii Perez Gomez

    Si looga ilaaliyo mudaharadaayasha qabowga, dadka deegaanka ayaa bixiyay qaxwe waxayna u oggolaadeen musqulaha guryahooda dadka ajnabiga ka ah.

    Samii Perez Gomez ayaa u adeegaysay mudaaharaadayaasha laga bilaabo 9 subaxnimo ilaa 11 fiidnimo.

    Gabadha ay dhaleen qaxooti reer Mexico ah , Perez Gomez ayaa ku sheegtay dhacdada gabadha lagu dilay inay ahayd mid “niyad-jab leh”.

    Toogashada ayaa ku abuurtay walwal ay ka qabto dhib gaara hooyadeed, oo iskaa wax u qabso ugu digta bulshada marka ay yimaadaan ciidamada ICE, iyaga oo rajeynaya in dadka qaxootiga ah ay ka badbaadaan xiritaanka ciidamadaasi.

    Digniin siinta bulshada meelaha ay ICE-ku kasoo muuqdeen ee magaalada ayaa dadka isxilqaamay ay rajaynayaan dadka qaxootiga ah inay ka badbadaan.

    “Waalidkaygu, waxay halkan yimaadeen iyaga oo soo qaxay waxayna ii rabaan mustaqbalka ugu wanaagsan aniga,” ayay tiri Samii.

  11. Trump oo sii wada ololihiisa ka dhanka ah Soomaalida

    Donald Trump

    Xigashada Sawirka, Pbs.org

    Qoraalka sawirka, Donald Trump

    Madaxweynaha Trump ayaa mar kale ku celiyay eedeymaha khiyaanada ee ka dhanka ah bulshada Soomaalida ee Minnesota.

    “Dhammaantood xir. Waa dambiyayaal!!!” ayuu kusoo qoray bartiisa Truth Social.

    Wuxuu isku xiriiriyay maqaal sheegaya in lacagtii la geeyay dibadda iyada oo lagu sii riday boorsooyinka ay qaadeen “Alaab qaadayaasha Soomaalida” ee garoonka diyaaradaha Minneapolis ay ka badneyd “wadarta lacagaha dibadda ee laga soo saaray” garoomo waaweyn oo Maraykan ah labadii sano ee la soo dhaafay.

    Maqaalkan ayaa waxaa daabacay warbaahinta midigta ee Just The News, kaas oo sheegaya in sheegashada lagu saleeyay tirakoob ay ururiyeen saraakiisha Ammaanka Gudaha (Homeland Security).

    Si loo fahmo xaaladda, bishii Diseembar, Trump wuxuu joojiyay lacagaha daryeelka carruurta ee gobolka kadib markii YouTuber xisbiga midigta uu ku eedeeyay in dhowr xarumood oo ay maamulaan qaxooti Soomaali ah ay lacag dadweyne ka qaadanayeen iyaga oo aan adeeg bixin.

    Saraakiisha gobolka ayaa ka horyimid eedeymaha khiyaanada ee muuqaalka. Bahwadaagta BBC ee Mareykanka, CBS News, ma aysan helin wax caddeyn ah oo khiyaano ah markii ay dib u eegis ku sameeyeen diiwaannada dadweynaha ee xarumaha, inkastoo ay heleen tilmaamo la xiriira badbaadada, nadaafadda, qalabka, iyo tababarka shaqaalaha.

  12. Trump oo saxiixay in dalkiisu ka baxo 66 hay'adood

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweyne Trump ayaa saxiixay dukumenti amraya in Maraykanku ka baxo 66 hay’adood oo caalami ah.

    Aqalka cad wuxuu sheegay in ay u shaqeeyaan si ka soo horjeedda danaha Maraykanka.

    Hay’adahaas waxaa ka mid ah, hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan isbeddelaka cimilada, sanduuqa Qaramada midoobay ee dimoqaraadiyadda, iyo ku dhawaad 30 hay’adood oo kale oo ah kuwa QM.

    Madaxa cimilada ee Midowga Yurub ayaa ku tilmaamay go’aankaas ka soo baxay soo saaraha 2aad ee ugu weyn ee sii daaya naqaska ka soo baxa shidaalka adkaha ah ee dunida, inuu yahay mid nasiib darro ah.

    Wopke Hoekstra Wuxuu sheegay in hay’adda UNFCCC ay taareeraysay sidi talaabo ficil ah looga qaadi lahaa isbeddelka cimilada ee dunida.

  13. Trump oo qorshaynaya canshuuro 500% oo uu kusoo rogo dalalka iibsada saliida Ruushka

    Donald Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Donald Trump

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa taageeray sharci canshuuro ilaa 500% uu kusoo rogo waddamada iibsada saliida Ruushka oo gaarsiisan ilaa 500%.

    Sharcigu wuxuu Aqalka Cad siinayaa fursad uu ku cadaadiyo waddamada sida Hindiya iyo Shiinaha si ay uga joojiyaan iibsiga saliida jaban ee Ruushka.

    Waa in la xasuustaa in Trump uu kusoo rogay canshuur dhan 50% Hindiya, oo ay ku jirto 25% canshuur iibsiga saliida Ruushka.

    Senator-ada kala ah Lindsey Graham iyo Richard Blumenthal ayaa soo bandhigay sharciga cunaqabataynta Ruushka ee 2025, kaas oo canshuur iyo cunaqabatayn ku soo rogi lahaa waddamada “maalgelinaya dagaalka Ruushka ku haysto Yukreyn.”

  14. Dawladda Soomaaliya oo hadal ka soo saartay eedeyn ka timid Maraykanka oo la xiriirta gargaar la lunsaday

    Raashin gargaar

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Dawladda Soomaaliya ayaa ka hadashay raashin gargaar oo la sheegay in lala baxay, ayadoo dawladdu Maraykanku sheegtay in ay joojisay kaalmadii gargaarka ee ay Soomaaliya siin jirtay arrintaas darteed.

    Qoraal saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in raashinkaas uu koonatroolkiisa gacanta ugu jiro hay’adda WFP, taasoo ay ku jirto caawimada ka timid Maraykanka.

    Waxaa kale oo dawladda Soomaaliya ay intaas ku dartay in in bakhaarrada WFP ee la sheegay in raashinka lagala baxay ay k yaallaan meel u dhow dekedda Muqdiho, halkaasoo ay ka socoto hawl ballaarin ah, tasoo qayb ka ah horumarinta dekedda.

    “Hawlahaas saamayn kuma yeelan haynta, maamulka ama qaybinta gargaarka bani’aadminimo” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Hadalkan ayaa soo baxay ayadoo Ameerikaanku sheegay in uu joojiyey dhammaanba gargaarkii uu siin jiray dowladda Soomaaliya, iyadoo sababta uu ku sheegay dhacdo la sheegay oo ah in saraakiil ka tirsan Soomaliya ay burburiyeen bakhaar ay lahayd Hay'adda Cuntada Adduunka (WFP) isla markaana ay kala baxeen 76 metric tan oo gargaar cunto ah oo loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed ee nugul.

  15. Milateriga Lubnaan oo ka hadlay hub ka dhigista Xisbullah

    Hub ka dhigis

    Xigashada Sawirka, X

    Milateriga Lubnaan ayaa sheegay inuu soo gabagabeeyay wajigii koowaad ee qorshahooda hub ka dhigista ah ee Xisbullah, balse Israa'iil ayaa ka digtay in loo baahan yahay in wax badan laga qabto.

    Milateriga ku sugan Lubnaan ayaa sheegay in koonfurta dalkaasi ay hadda ka xorowday hubka aan ahayn kan dawladda.

    Aaggaas waxaa muddo dheer maamulayey Xisbullah oo Israa’iil la saxiixday xabbad-joojin sannadkii 2024.

    Kooxda ayaa ka cago jiiday in ay hubka iska dhiibaan taas oo qayb ka ah heshiiska. Israa'iil waxay ku eedaysay Xisbullah in ay jabisay, taas oo horseedaysa cabsi laga qabo in ay mar kale weerarto Israa'iil.

  16. Waxa aynu ka ognahay iyo waxa aynaan ka ogayn ee ku saabsan toogashadii ICE ee Minneapolis

    Goobta toogashadu ka dhacday ee Minneapolis

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Qoraalka sawirka, Goobta toogashadu ka dhacday ee Minneapolis

    Waxa aynu ka ognahay iyo waxa aynaan ka ogayn ee ku saabsan toogashadii ICE ee Minneapolis

    Waxa aan ognahay:

    Haweeney, oo markii dambe la aqoonsaday inay tahay Renee Nicole Good, 37 jir ah, ayaa waxaa toogtay ciidamada ICE qiyaastii 10:25 subaxnimo waqtiga maxalliga a h ee (16:25 GMT) Arbacadii.

    Muuqaal laga duubay dhacdada ayaa muujinaya wakiillo ICE ah oo u soo dhowaanaya gaari dhex taagan waddada. Markii uu gaarigu isku dayo inuu dhaqaaqo, mid ka mid ah askarta ICE ayaa qori ku jeediya darawalka, waxaana la maqlayaa ugu yaraan laba xabbadood.

    Gaariga ayaa la arkayaa isagoo xakamaynta-waayay kadibna ku dhacay gaari kale oo waddada dhinaceeda yaallay.

    Xoghayaha Amniga Gudaha, Kristi Noem, ayaa sheegtay in sarkaal ICE ah uu ku dhacay gaariga SUV-ga, isla markaana lagu daweeyay isbitaalka ka hor inta aan laga soo saarin.

    Waxa aynaan ogayn:

    In wax tallaabo ah laga qaadi doono askarta ICE ee ku lugta lahaa dhacdada. Mas’uuliyiinta federaalka iyo Madaxweyne Trump ayaa sheegay in askarigu u baqay naftiisa isla markaana uu rasaas furay kadib markii Good ay isku dayday inay ku jiirto, iyada oo Trump uu ku tilmaamay arrintaas “is-difaacid”.

    Duqa magaalada, Jacob Frey, ayaa ku dooday in tallaabadu aanay ahayn mid loo cudur daari karo, isagoo ku tilmaamay dhacdada “askari si taxaddar la’aan ah u isticmaalay awood taasoo keentay in qof dhinto”.

    Aqoonsiga sarkaalka ICE ee ku lugta lahaa dhacdada.

    Waxa ay Good ka samaynaysay goobta. Mas’uuliyiinta federaalka ayaa ku tilmaamay “rabshad-wade rabshado ka qayb qaadanaysay” waxayna sheegeen in gaarigeedu xannibay hawlgal ICE ah oo ka socday aagga, balse guddoomiyaha gobolka ayaa ku tilmaamay “mid aan waxba galabsan” isagoo sheegay in loo dilay “sabab la’aan gebi ahaanba”.

    In FBI-du sii deyn doonto muuqaallo dheeraad ah oo la xiriira toogashada. Noem ayaa sheegtay in ay ku xiran tahay hay’adda inay sii deyso muuqaallada kamaradaha jirka ee wakiillada ICE.

  17. Israa'iil oo arrimo ammaanku uu ku jiro ay ka wada shaqaynayaan Somaliland

    Gideon Sa'ar iyo Cabdiraxmaan cirro

    Xigashada Sawirka, baraha bulshada

    Qoraalka sawirka, Gideon Sa'ar iyo Cabdiraxmaan cirro

    Wasiirka arrimaha dibada Israa'iil Gideon Sir oo u warmayay kanaalka C14 ee Israa'iil ayaa sheegay in Somaliland ay iska kaashanayaan arrimaha ammaanka, siyaasada iyo horumarinta.

    Waxa uu sheegay heshiiska ay gaareen Somaliland in uusan ku jirin in qaxooti Falastiiniyiin ah la geeyo Somaliland, sida uu sheegay wasiirku.

  18. Waalidiinta haweenayda ay dileen ciiidamada ICE oo ka baroor diiqay geerida gabadhooda

    Renee Nicole Good

    Xigashada Sawirka, facebook

    Qoraalka sawirka, Renee Nicole Good

    Waalidiinta dhalay haweenayda lagu dilay Minneapolis ee ku baxday gacanta ciidamada ICE ayaa ka hadlay nolosha gabadhooda.

    ‘’Waxay lahayd nolol wanaagsan, balse sidoo kale nolol adag. Waxay ahayd qof cajiib ah’’ ayuu yiri aabbaha gabadha, Tim Ganger, sida uu u sheegay wargeyska Washington Post

    Waxay ahayd gabyaa ku guuleystay abaalmarinno isla markaana si hiwaayad ah u garaaci jirtay gitaarka. Sida ay sheegtay Senator-ka Minnesota, Tina Smith, waxay ahayd muwaadin Mareykan ah.

    Renee Nicole Good waxay cilmiga qorista hal-abuurka ah ka baratay Jaamacadda Old Dominion ee Norfolk, gobolka Virginia. Asal ahaan waxay ka soo jeedday Colorado Springs, waxayna u guurtay Minneapolis sanadkii hore, iyadoo ka timid Kansas City.

    Hoggaamiyeyaasha magaalada ayaa sheegay in Good ay ahayd kormeere sharciyeed oo la socday hawlaha Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka (ICE). Hase yeeshee, maamulka Trump ayaa ku tilmaamay ‘argagixiso gudaha ah.’”

  19. Wasiirka arrimaha dibadda Isra'iil oo ka hadlay waxa ka jira Falastiiniyiin ay geynayaan Somaliland

    Gideon Sa'ar iyo cabdiraxmaan cirro

    Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada

    Qoraalka sawirka, Gideon Sa'ar iyo cabdiraxmaan cirro

    Wasiirka arrimaha dibadda Israa'iil Gideon Sa'ar ayaa waxba kama jiraan ku sheegay inay qorshayanaan inay geyaan qaxootiga Falastiiniyiinta Somaliland oo dhowaan ay u aqoonsadeen dal madax banaan.

    ''qayb kama aha heshiiskayaga'' ayuu yiri isaga oo u waramayay kanaalka C14 Israel.

    Somaliland ayaa dhowaan dhankeeda isska fogaysay arrintaasi, inkasta oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in qodobkaasi qayb ka ahaa saddex qodob oo ay ku heshiiyeen Israa'iil iyo Somaliland.

  20. Ciidamo la dagaalamay Alshabaab oo la abaal mariyay

    Deeq xoolo ah

    Xigashada Sawirka, sntv

    Qoraalka sawirka, Deeq xoolo ah

    Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee la dagaalamay Alshabaab ayaa lagu abaalmariyay xoolo, ka dib dagaalkii dhowaan ka dhacay wargaadhi oo ka tirsan Shabeellada dhexe.

    Masuuliyiin uu kamid yahay guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe Maxamuud Maxamed Nuur ayaa dhiirigalin ugu tagay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa xaq u dirirka deegaanka ee ku sugan Wargaadhi.