Liibiya oo tahriibayaasha loogu gaysto falal argagax leh iyo warbixin laga soo saaray

Xigashada Sawirka, UNICEF
Warbixin cusub oo ay soo saareen Qaramada Midoobey ayaa muujisay in muhaajiriin ka kala yimid dalal badan, oo ay ku jirto Itoobiya, kuwaas oo sii mara Liibiya iyagoo u socda Yurub, lagula kaco kufsi qasab ah, ka ganacsi galmo oo qasab ah, shaqo adag oo khasab ah iyo jirdil.
Warbixintu waxay sheegtay in “xadgudubyada naxariis darrada ah ee nidaamsan ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha” ee loo geysanayo muhaajiriinta ay ka dambeeyaan shabakado ka ganacsada dadka si sharci darro ah wax u tahriibiya, kuwaas oo inta badan lala xiriirinayo mas’uuliyiin Liibiyaan ah.
Qaramada Midoobey iyo hay’adaha kale ee udooda xuquuqda aadanaha ayaa si wadajir ah u soo saaray warbixinta 18-kii Janaayo 2026-ka, taas oo faahfaahin ka bixisay dhibaatada ay muwaadiniinta Itoobiya ku wajahayaan Liibiya.
Warbixintu waxay muujisay xaaladda labadii sano ee la soo dhaafay ay tahriibayaashu ku wajahayeen dalkaas, waxaana la waraystay 100 muhaajiriin ah oo ka kala yimid Suudaan, Eritrea, Koonfurta Suudaan iyo dalal kale oo ay ku jirto Itoobiya.
Sida lagu sheegay warbixinta, muhaajiriinta, magangelyo-doonka iyo qaxootiga yimaada Liibiya waxaa badanaa lagu weeraraa qoryo, si khasab ahna waa loo xiraa, loo afduubaa, loogana soocaa qoysaskooda. Kadibna waxaa loo taxaabaa xabsiyo sharci ah iyo kuwo aan sharci ahayn.
Warbixintu waxay sheegtay inay bixiyaan lacago aad u badan si ay uga baxsadaan jirdilka iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee halkaas ka jira.
Waxay sidoo kale tilmaantay warbixintu in dadka wax tahriibiya ay muhaajiriinta ku khasbaan ka ganacsi galmo, shaqo khasab ah iyo addoonsi si ay dhaqaale uga sameeyaan.
Intii warbixinta la diyaarinayay, waxaa la wareystay 45 haween iyo gabdho da’doodu u dhaxaysay 17 ilaa 43 sano, oo ay ku jiraan Itoobiyaan.
Warbixintu waxay sheegtay in dhammaan haweenkaasi ay sheegeen inay la kulmeen “xadgudub galmo, oo ay ku jiraan kufsi, isku day kufsi iyo faraxumayn” goobahooda shaqo iyo xarumaha tahriibinta.
Sidoo kale, warbixintu waxay xustay in gabadh Itoobiyaan ah oo 19 jir ah ay sanadkii hore u geeriyootay kadib markii loo diiday daryeel caafimaad, iyadoo la kulantay “xadgudubyo argagax leh oo ay ku jiraan garaacid, gaajo iyo kufsi.”
Warbixinta Qaramada Midoobay waxay ugu baaqday mas’uuliyiinta Liibiya inay si degdeg ah u sii daayaan dhammaan dadka si sharci darro ah loogu xiray xabsiyaasha sharciga iyo kuwa aan sharci ahayn, waxayna ugu baaqday ciidamada amniga Liibiya inay joojiyaan “afduubka khatarta ah” ee lagu hayo dadka isku dayaya inay ka gudbaan Liibiya una gudbaan Yurub.



















