Maxaabiista Falastiin oo ka warramay tacadiyo iyo in si xun loola dhaqmay xabsiyada Israel

Maxaabiista falastiin oo ka warramay tacadiyo iyo in si xun loola dhaqmay xabsiyada Israel

Kooban

Tebin toos ah

  1. Cutubyo ka tirsan milateriga Madagaskar oo sheegay in ay la wareegeen talada dalkaas

    Madagascar

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Col Michael Randrianina ayaa la wareegay awoodda dalka Madagaskar

    Ciidamada Madagaskar ee qeybta ka ah militariga ayaa sheegay in ay la wareegeen talada dalkaasi kadib todobaadyo ay dalkaasi ka socdeen qalalaase siyaasadeed.

    Ciidanka Militariga ee loo yaqaano CAPSAT ayaa ah kuwa ugu awoodda badan Madagaskar, waxaana mowjado ka dhan ah Madaxweyne Rajoelina ay ciidamdu ka weecdeen madaxweynaha mar ay ciidamadu sabtidii soo galeen saaxada siyaasada.

    Markaas ayay ciidamadu ka soo baxeen xeryahooda, waxayna ku biireen dibadbaxayaal ay horkacayeen dhallinyarada caasimadda Antananarivo, iyagoo dalbanayay in madaxweynaha uu is casilo.

    Askarta CAPSAT ayaa mudaaharaadayaasha lug ku galbinayey – qaar kalena waxa ay gudaha u galeen magaalada, iyadoo dad badani ay madaxa kasoo raariciyeen baabuurtooda.

    Falkan gabood-fallada ah ee ka dhanka ah dowladda Madaxweyne Rajoelina ayaa waxaa hoggaaminayay Col Michael Randrianirina – oo ah ninka hadda haya talada Madagascar.

  2. Israa'iil oo sheegtay in marinka muhiimka ah ee Qaza uu sii xirnaan doono

    Gaza

    Israa'iil ayaa sheegtay in marinka muhiimka ah ee Qaza uu sii xirnaan doono sababo la xiriira dib u dhigista Xamaas ee soo celinta meydadka la haysto

    Israa'iil ayaa lagu soo waramayaa in aysan dib u furi doonin xadka Rafah ee u dhaxeeya Gaza iyo Masar Maalinta Arbacada ah waxayna yareyn doontaa qulqulka gargaarka ee dhulkaas.

    Warbaahinta Israel iyo wakaalada wararka ee Reuters ayaa ku warameya in go’aankan uu yimid ka dib markii Xamaas ay soo celisay afar ka mid ah meydadka 28 Israa’iili ee la qafaashay Isniintii.

    Madaxa bini'aadannimada ee Qaramada Midoobay ayaa uga digay Israa'iil inaysan xirin marinnada Gaza kuwaas oo "si ba'an loogu baahan yahay" si gargaarka loo gaarsiiyo.

    Tom Fletcher ayaa u sheegay tifaftiraha caalamiga ah ee BBC Jeremy Bowen heshiiska xabbad joojinta waa in ay "si buuxda u fuliyaan labada dhinac" wuxuuna yiri Xamas "waa in ay meydadka soo celisaa"

    IDF ayaa sheegtay in ay aqoonsatay meydadka afarta qof ee la qafaashay – qorshaha xabbad joojinta ayaa u muuqda in aqoonsiga iyo helista 24 ka harsan ay qaadan doonto waqti.

    Marinka Gaza, Ciidamda difaaca madaniga ah ee Falastiin ayaa BBC-da u sheegay in toddobo qof ay ku dhinteen rasaas ay Israa'iil ku ridday laba dhacdo oo kala duwan - Milateriga Israa'iil ayaa sheegay in ay rasaas ku fureen dad ka soo tallaabay xariiqda ay ciidamadoodu ka baxeen

  3. Boqollaal qoys oo dib ugu laabtay Awdheegle in kasta oo dagaalku uu burburiyay guryahoodii

    Somalia

    Boqollaal qoys ayaa bilaabay in ay dib ugu laabtaan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose kaddib markii la xaqiijiyay amniga magaalada, isla markaana saraakiisha ciidamadu ku baaqeen in dadka ay soo guryo noqdaan.

    Xaafaddaha qaar ayaa waxa gaaray burbur weyn intii ay socdeen dagaalladii looga saaray Al-shabaab Awdheegle todobaadkii hore.

    Dadka qaxay oo qaarkood ay tageen meelo fogfog sida daafaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa bilaabay in ay dib u xaarxaartaan guryihii ay colaadda darted uga tageen.

    Gudoomiyaha Arimaha Bulshada ee Awdheegle Maxamuud Sayid Axmed (Saakow) ayaaBBC-da uga warramay sida dadku ugu soo laabanayaan magaalada waxa uuna sheegay maadaama degmada ammaankeeda la xasiliyay baaritaankiina uu dhamaaday in ay go’aansadeen in shacbku ay dib ugusoo laabtaan.

    Qoysaska iyo shacabka ayaa bilaabay inay dib ugu laabtaan deegaankaas kuwaas oo markii hore u qaxay deegaanda u dhaxeeyo Muqdisho iyo Afgooye sida Xaawo Cabdi , Lafoole, ceelasha Biyaha iyo degmada Afgooye .

    Guddoomiyaha aya sheegay in xaafadda Malable ay gebi ahaanba baaba’day “Guddi ayaan u saarnay iyo injineero anagoo Ciidamada Midowga Afrikana ka codsanay in ay Cagaf iyo gacan na siiyaan” ayuu yiri Maxamuud Sayid Axmed oo intaas ku daray in dadku ay dib ugu laabteen tacabka beeraha.

  4. Ciidamada dowladda oo dab qabadsiiyay darooga lagu beeray beero ku yaal gobolka Shabeelaha Hoose

    Somalia

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Magaalada Marka iyo deeganada ku dhaw sida Jannaalle iyo Shalanbood ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ka soconaya howlgal lagu baabinayo beeraha maandooriyaha ah gaar ahana nooca loo yaqaan xashiishka kuwaas oo ku yaal dhulka howdka ah ee magaalooyinkan u dhaxeeyo .

    Howlaglkan oo ay si wadjir ah u wadaan masuuliyiinta deegaanka iyo ciidamda xoogga ee deegaankaas ka howlgala ayaa lagu buufinayey beeraha maandooriyaha ee deegaankaas si loo xaqiijiyo in si dhab ah loo baabi'yay beerahaas si aanay dib danbe ugusoo noqon.

    Taliyaha Saldhiga Booliska ee degmada Marka Dhamme Maxamed Cabdalla Cabdullaahi iyo Taliyaha Nabadsugidda degamnda, Maxamed Sheekh Xasan ayaa sheegay in howlagalkan uu yahay mid lagu badbaadinayo mustaqbalka jiilka cusub, loogana hortagyo wax kasat oo caqabd ku ah amniga buslahda .

    Masuuliyiinta ayaa uga digay in cid kasta oo ku lug leh beersita xashiisha la hor geyn doono maxkamad.

    Ciidamda ka howlagalo deegaankaas aya la arkayey iyagoo dab qabadsiinayo xashiishka ku beeran beerahaas isla maekaasina buufinayo si loo dabar gooyo.

  5. Maxaabiista Falastiin oo ka warramay tacadiyo iyo in si xun loola dhaqmay xabsiyada Israel

    Gaza

    Maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ku laabtay Gaza iyo Daanta Galbeed ayaa ku eedeeyay maamulka Israa’iil in ay si xun ula dhaqmeen, iyagoo sheegay in la garaacay, la jirdilay oo la siiyay “cunto qudhuntay”.

    Ku dhawaad ​​2,000 oo maxbuus - oo intooda badan la xiray dambi la'aan - ayaa la sii daayay taasoo qayb ka ah I sdhaafsiga la haystayaasha Israa'iil iyo Xamaas.

    Eedeymaha ayaa la mid ah wararka kale ee Falastiiniyiinta ee sheegaya in tacadiyo iyo jirdil loogu geystay xabsiga Israa’iil, iyo sidoo kale natiijooyinkaas in ay soo saartay Qaramada Midoobay.

    Ku dhawaad ​​2,000 oo Falastiiniyiin ah oo ku xirnaa Israa’iil ayaa dib ula midoobay qoysaskooda taas oo qeyb ka ahayd in lagu bedesho lahaysatayaasha ay Xamaas afduubka ugu haysatay Gaza.

  6. Venezuela oo xirtay safaarada Norway kadib markii hogaamiyaha mucaaradka uu ku guuleestay abaalmarinta Nobel

    Venezuela

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Venezuela ayaa Isniintii ku dhowaaqday inay xirayso safaaradeeda Oslo, maalmo kadib markii hogaamiyaha mucaaradka María Corina Machado la guddoonsiiyay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize.

    War qoraal ah oo ay soo saartay dowladda Venezuela kama aysan hadlin abaalmarinta Machado, iyadoo sheegtay in xiritaankan uu qeyb ka yahay dib u habeyn lagu sameynayo adeeggeeda arrimaha dibadda.

    Wasaaradda arrimaha dibadda Norway ayaa xaqiijisay in Caracas ay xirtay safaaradeeda Oslo, iyadoo aan la sheegin sababta.

    Guddiga Nobe ee magaalada Oslo ayaa ku abaalmariyay abaal-marintan Jimcihii waxa ay ugu yeereen “shaqada hagar la’aanta ah ee ay ku horumarinayso xuquuqda dimuqraadiga ah ee dadka Venezuela”, halka hoggaamiyaha Venezuela Nicolás Maduro uu ku tilmaamay 58-jirka ku guuleystay abaal-marinta “sixiroole sheydaan”.

    Wasaaradda arrimaha dibadda Norway ayaa go’aankan ku tilmaantay mid laga xumaado.

    "In kasta oo aan ku kala duwannahay arrimo dhowr ah, Norway waxa ay rajeyneysaa in ay wadahad la furto Venezuela, waxaana ay sii wadi doontaa inay ka shaqeyso jihadaas," ayay tiri afhayeen u hadashay wasaaradda.

    Waxay intaas ku dartay in abaalmarinta Nobel Prize "ay ka madax bannaan tahay dowladda Norway".

    Caracas ayaa sidoo kale xirtay safaaradeeda Australia iyada oo furaysa xarumo cusub oo ku yaala Zimbabwe iyo Burkina Faso, kuwaas oo ay ugu yeertay "saaxiibada istiraatiijiga ah ee dagaalka" ka dhanka ah "cadaadisyada kuwa isla weyn".

    Xiritaanka safaaradaha Venezuela ee labada dal ee saaxiibada dhow la ah Mareykanka ayaa timid ka dib toddobaadyo ay xiisad adag ka taagneyd magaalada Caracas iyo Washington.

  7. Madaxweynaha Madagascar oo kala diray baarlamaanka si uu uga hortago in xilka laga qaado

    Madagascar

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Sawirka Madaxweynaha Madagascar Andry Rajoelina ee todobaadkii hore - lama arag tan iyo Arbacadii la soo dhaafay

    Madaxweynaha Madagascar Andry Rajoelina ayaa kala diray baarlamaanka ka hor codeyn la qorsheeyay in xilka looga qaado

    Ma cadda halka uu ku sugnaa - fiidnimadii Isniinta isagoo si toos ah ummadda kala hadlay barta Facebook isagoo ku sugan "meel ammaan ah"

    Arrintan ayaa timid ka dib mudaaharaadyo toddobaadyo socday oo ay hoggaaminayeen koox dhallinyaro ah oo loo yaqaan Gen Z Mada

    Jeneraal sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii loo ilaalin lahaa nidaamka.

    Cutubyo ciidan oo xoog badan ayaa taageeray mudaaharaadayaasha, taasoo wiiqday awoodda Rajoelina.

    Axaddii waxa uu sheegay in uu socdo isku day lagu doonayo in xukunka lagula wareego

    Diyaaradda Air France ayaa sheegtay in ay kordhinayso waqtiga hakinta duulimaadyada Madagascar ugu yaraan ilaa Jimcaha, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

    "Dib u bilaabista qiimeeynta waxay ahaan doontaa mid ku xiran qiimaynta maalinlaha ah ee xaalada dhulka," ayay u sheegtay Shirkada Diyaaradaha Faransiiska.

    Dabayaaqadii Toddobadka, shirkadu waxay sheegtay in hakinta ay socon doonto laba maalmood.

  8. Xamaas oo Falastiiniyiin ku fulisay dil iyo caro ka dhalatay

    Warar sheegaya rag hubeysan oo afka soo duubtay oo Xamaas ka tirsan oo meel fagaare ah dil ku fuliyay siddeed Falastiini ah ayaa cabsi ku abuurtay dadka Qasa - oo ah meel horeba uga daashay labo sano oo dagaal ah, burbur iyo barakac.

    Dilka, oo ay Xamaas sheegtay inay ku beegsadeen “dembiilayaal iyo dad la shaqeynayay Israa'iil”, ayaa imaanaya maalmo uun kadib markii isku dhac hubeysan uu Qasa ku dhex maray dagaal-yahannada Xamaas iyo qabiilka awoodda leh ee Dughmush, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof - oo 12 ka mid ah yihiin Xamaas.

    Qoysaska oo u dabaal degayay sii deynta ilaa 2,000 oo maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ay ku beddesheen 20 la heyste Israa'iili ah, ayaa waxaa saakay subax degmada koofurta Qasa ku taalla ee Shejaiya laga maqlay dhawaqa rasaasta.

    Dad badan ayaa aaminsan in kooxda ay dooneyso aamusiinta kuwa kasoo horjeeda iyadoo ku gabbaneysa sugidda amniga magaalada.

  9. Askari kamid ahaa ilaalada madaxtooyada Kenya oo lagu dilay weerar qaanso iyo leeb

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Askari Kenyan ah oo ka howlgalayay mid ka mid ah albaabada guriga rasmiga ah ee madaxweynaha Kenya, William Ruto ee caasimadda Nairobi ayaa dhintay ka dib markii lagu toogtay fallaar, sida ay saraakiishu sheegeen.

    Booliisku waxay sheegeen in subaxnimadii Isniinta, nin 56 jir ah, oo ku hubeysan qaanso iyo fallaar, uu u soo dhawaaday saraakiisha ku sugnaa albaabka Aqalka Madaxtooyada, waxaana lagu amray inuu is dhiibo. Taas bedelkeeda, wuu soo dhaqaaqay oo fallaartii wuxuu ku dhuftay PC Ramadhan Matanka oo uu kaga dhuftay dhinaca feeraha.

    Askariga booliiska ah ayaa isla markiiba loo qaaday isbitaal, laakiin wuxuu dhintay xilli la dabiibayay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay booliiska.

    Weerarku wuxuu abuuray su'aalo ku saabsan suurtagalnimada dayac dhanka ammaanka maadaama Aqalka Madaxtooyadu uu yahay mid ka mid ah goobaha ugu ammaanka badan ee Kenya.

    meydka PC Matanka waxaa hadda lagu hayaa goobaha meydadka lagu keydiyo.

    Sidoo kale waxaa socda baaritaan ku aaddan sababta ka dambeysay weerarka.. Warbaahinta maxalliga ah waxay ku warramayaan in askarigii dhintay uu ka mid ahaa kuwa baadhayay gaadiidka gelaya Aqalka Madaxtooyada.

    Ninka weerarka lagu eedeeyay, oo la sheegay inuu isku ekaysiiyay qof derbi jiif ah isla markaana sitay boorso uu hubka ku qarsaday, ayaa la xiray ka dib weerarka.

  10. Waa kuwee ragga caanka ah ee laga reebay liiska maxaabiista Falastiiniyiinta ee Israa'iil sii deysay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Xamaas ayaa dhawaan cadaadis ku saartay Israa'iil in ay ku darto magacyada maxaabiis Falastiiniyiin caan ah liiska dadka la sii daynayo.

    Dalabka adag ee Xamaas ayaa yimid kaddib markii wasaaradda cadaaladda Israa'iil ay shaacisay magacyada maxaabiista la siidaayay, balse laga reebay toddobo maxbuus oo caan ah, oo ay ku jiraan Marwan Barghouti iyo Ahmad Sa'adat.

    Raggan oo xukuno lagu riday ayaa waxaa lagu helay dambi ah inay ku lug lahaayeen weeraro lagu hoobtay oo ka dhacay Israa'iil, waxaana dadka reer Falastiin ay muddo dheer u arki jireen calaamado iska caabin ah.

    Xamaas ayaa horey u gudbisay liis maxaabiis ah oo ay dooneyso in la sii daayo, kaas oo ay ku jireen Marwan Barghouti iyo Ahmad Sa'adat.

    Barghouti wuxuu wajahayaa xukuno shan ah oo madaxaa ha ku furtaa ah oo lagu daray afartan sanno oo dheeraad ah, kadib markii lagu helay dambiyo ku saabsan qorsheynta weerarro sababay dhimashada shan qof rayid ah sanadkii 2004-tii.

    Ra'yi ururinno isdaba joog ah ayaa muujinaya in Barghouti weli yahay hogaamiyaha ugu caansan ee Falastiiniyiinta, islamarkaana haddii doorasho madaxtinimo la qabto, uu ka guuleysan karo Madaxweynaha haatan ee Maamulka Falastiiniyiinta ama hoggaamiyaha Xamaas .

    Barghouti weli waa siyaasi sare oo ka tirsan garabka Fatah, kaasoo haya tallada Maamulka Falastiiniyiinta, maamulkaas oo gacanta ku haya qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ee la haysto, kuwaas oo aan si toos ah u hoos imaanin xukunka Israa'iil.

    Saadat, oo ah hoggaamiyaha Jabhadda caanka ah ee Xoraynta Falastiin (PFLP), ayaa lagu xukumay 30 sano ka dib markii lagu helay 2008dii inuu madax u yahay "urur argagixiso oo sharci darro ah" iyo ku lug lahaanshiyaha weeraro, uu ku jiro dil wasiir Israa'iil ah sanadkii 2001-dii.

  11. Itoobiya oo u jawaabtay madaxweynaha Masar

    Itoobiya

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images/ Office of the Prime Minister-Ethiopia

    Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa sheegay in dalkiisa uu qaadayo dhammaanba tallaabooyinka muhiimka ah si uu u ilaaliyo danihiisa qaran iyo amniga biyaha kadib dhismihii iyo furitaankii biyo-xireenka Itoobiya.

    Madaxweynaha ayaa sheegay in dalkiisa "uusan iska eegan doonin" hannaanka maamulka "mas'uuliyad darrada ah" ee biyox-reenka, sida ay baahisay warbaahinta Ahram Online.

    Farriin muuqaal ah oo uu soo duubay Toddobaadka Biyaha 8-aad oo ka dhacay Qaahira, ayuu al-Sisi ku sheegay "in kalsoonida ay Masar ku qabto diblomaasiyadda iyo saaxiibbada caalamiga ah sida Mareykanka aan loo qaadan daciifnimo."

    Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Itoobiya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay iyadoo aan soo hada qaadin khudbadda Al Sisi in hab-dhaqanka aan habbooneyn ee Masar ee Itoobiya uu weli sii socdo.

    Warka, ayaa lagu sheegay in "Masar ay wiiqeyso iskaashiga Itoobiya iyadoo xoogga saareysa siyaasadda khaldan ee ku wajahan aragtiyada xilligii gumeysiga."

  12. Ku dhowaad 50 qof oo ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay Koonfur Africa

    .

    Xigashada Sawirka, Supplied

    Qoraalka sawirka, .

    Afartan iyo laba qof oo u dhashay dalalka Zimbabwe iyo Malawi ayaa dhintay ka dib markii bas ay la socdeen oo ku sii jeeday xaafadahoodi uu ku rogmaday waddo ku taal Koonfur Afrika, sida ay saraakiishu sheegeen.

    Shilku wuxuu dhacay habeenimadii Axadda iyadoo baska uu marayay "qeyb buuraley ah" oo ka mid ah wadada weyn ee N1 ee ku taal gobolka Limpopo ee Koonfur Afrika, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan gaadiidka maxalliga ah.

    Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ka tacsiyadeeyay tirade dhimashada oo badan, oo ay ku jiraan toddoba carruur ah, wuxuuna sheegay in tani aysan ahayn oo keliya masiibo ku timid dalka, balse ay sidoo kale tahay musiibo ku timid "dalalkeena walaalaha ah ee Zimbabwe iyo Malawi".

    Sababta shilku ma cadda, laakiin baaritaan ayaa la billabay.

    Sida wararku sheegayaan, baska wuxuu ka soo ambabaxay magaalada Gqeberha ee ku taal gobolka Eastern Cape.

    Ma cadda inta qof ee la socday baska markii uu shilku dhacay, ama inta uu qaadi karo.

    Sidoo kale toddobada carruurta ah, 18 haween ah iyo 17 rag ah ayaa dhintay, halka 49 qof ay dhaawacmeen, sida ay saraakiishu xaqiijiyeen.

    Saraakiil ka tirsan dowladda, oo ay ku jirto Wasiirka Gaadiidka Barbara Creecy, ayaa loo qorsheeyay inay booqdaan goobta shilku ka dhacay iyo sidoo kale rakaabka dhaawacmay.

  13. Dib u milicsi qaraxii Zoobe: Wan diiday in aan asaay qaado maadama aan aamini waayay geerida kediska ah ee ninkeygi

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    14-kii October sanadkii 2027-kii waxa ay taariikh madow u tahay bulsho weynta Soomaaliyeed, waa maalin ku asteysan dhiig iyo hilbo gubtay, waxa ay dad badan ku waayeen ehel iyo asxaab iyo kuwii ay dadka ugu jeclaayeen.

    Waa maalintii guud ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ay isku badashay holac qiiq iyo uuro madow, waxa toddobaadyo la uruurinayay meydad iyo dhaawacyo, waxaana ay guud ahaan Soomaliya u ahayd maalmo baroor diiq oo dadku ay xirteen maryo midab ahaan cas.

    Waxaa halkaasi laga diiwaan geliayay qisooyin badan, waxaa ku naafoobay boqllaal ruux, waxaana ku rajo belay kumanaan, balse arrinta ugu xanuunka badan ayaa ahayd in dad badan ay weli raq iyo ruuxba ku la’yihiin kuwii dad ugu dhawaa oo iyagoo nabad qaba ay isugu aragti dambeysay.

    Dad badan oo waayay kuwo kamida ehelladoodii, ayaan weli si rasmi ah u samrin maadaama ay waayeen xitaa astaan yar oo kamida qofkoodii geeriyooday, waxaana ay kamid ahayd dhacdooyinkii laga diiwaan geliyay qaraxii 14-kii Octoobar ee ka dhacay isgoyska soobe.

  14. 'Adoo cayilan baad caafimaad qabi kartaa waa quraafaad''

    .

    Xigashada Sawirka, BEELDBEWERKING

    Qoraalka sawirka, .

    Fikradda sheegaysa in dadku iyagoo cayilan ay haddana caafimaad qabi karaan waa quraafaad, sida ay sheegayaan khuburo ku sugan boortaqiiska.

    Cilmibaaristan oon wali la daabicin ayaa lagu darsay macluumaadyada caafimaadka ee dhakhaatiirtu ka diiwaan galiyeen 3.5 milyan oo ruux oo ku nool UK.

    Waxay sheegeen in dadka aadka u cayilan ee aan marka hore lagu arkin calaamadaha horudhaca u ah wadne xannuunka iyo macaanka in qaybaha dambe ee noloshooda aysan ka nabad galin xannuunno, arrintaas oo burinaysa cilmibaaris horay loo sameeyay.

    Cilmibaaristooda oo kooban ayaa lagu falanqeeyay shirka cayilka ee Yurub.

    Odhaahda ah "buurni badqabta" ayaa ahayd aragti sheegaysay in cayilka siyaadada ah uusan dhib lahayn haddii ay siddii loo baahnaa yihiin cabirka dhiigga iyo sonkorta dhiiga ku jirta.

    Laakiin cilmibaaristan oo ay sameeyeen cilmibaareyaal ka socda jaamacadda University of Birmingham ayaa darsay macluumaadkii laga arruuriyay malaayiin bukaan ah intii u dhaxaysay 1995tii ilaa 2015kii, si ay u eegaan bal in sheegashadaasi ay run tahay.

    Cilmibaareyaashu waxay ogaadeen in dadka aadka u cayilan ee markaas xaaladdooda caafimaad ay siddii loo baahnaa tahay in ay halis wayn ugu jiraan in ay qaadaan wadne xannuun, qayb ka mid ah jidhka oo hawlgab noqoda, wadnaha oo istaaga, marka la barbar dhigo kuwa cayilkoodu uu siddii loo baahnaa yahay.

  15. Madaxweynaha Somaliland oo maanta ku wajahan Itoobiya

    .

    Xigashada Sawirka, Telefishanka qaranka SL

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa lagu wadaa inuu maanta u safro dalka Itoobiya.

    Safarkan oo ah mid shaqo ayaa waxaa ku wehlin doona wefdi ka kooban wasiirro sida wasiirka arrimaha dibedda, wasiirka madaxtooyada, wasiirka maaliyadda, wasiirka hawlaha guud iyo wasiirka maalgashiga.

    Madaxweyne Cirro ayaa Somaliland dib ugu laabtay kadib safar uu maalmihii u dambeeyay ku joogay dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

    Wixii faahfaahin ah oo ka soo baxa safarka madaxweyne Cirro, halkan ayaan idinkugu soo gudbin doonaa.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa warbixinadan hore

  16. Waa kuma "Qoyane", sarkaalkii Al-shabaab ka tirsanaa ee macwiisleydu dileen?

    Habeen hore, rag hubeysan oo ka tirsan miliishiyooyinka qabaa'ilka ee loo yaqaano Macawisley ayaa sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab ku dilay tuulada Mabaax oo u dhaxaysa magaalooyinka Moqokori iyo Aadan Yabaal ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

    Sarkaalkan oo lagu magacaabo Cali Axmed Guure (Qoyane) ayaa horey maxkamadda Ciidamada ee Soomaaliya ugu xukuntay dil sanad kii 2019-kii markaas oo lagu helay in uu ka dambeeyay qarax lagu dilay gudoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Maxaas oo isla sanadkaas lagu khaarajiyay Maxaas.

    Cali Jeyte waxa uu sheegay in markii ay dagaalada ka bilaabmeen degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan dagaalkaas oo ay kula jireen Alshabaab in gaadiid u kala socday degmada Beledweyne iyo degmada Maxaas in uu ninkaasi gawaaridii labada dhinac ka timid isku celiyay oo dad ka badan labaatan qof ku laayey halkaas gaadiidkiina uu gubay.

    Cali Jeyte waxa uu sheegay in Cali Axmed Guure (Qoyane) uu aha nin dadka masaafuurka ah mar walba dhibaatooyin kula kacayey.

    Mar la weeydiiyay Cali Jeyte sida lagu ogaaday in uu isagu ka danbeeyya dhacdadii 3 Siteembar 2023 ee dadka lagu laayey waxa uu sheegay in isagoo doonaya in uu dadka deegaanka kala reebo oo uu kala jabsho si uu qaar culeys u saaro, oo kuwa kale u cabsadaan, ayuu dadkii qaarna sii daayey qaarna laayey "Hal jifo ayeey ahaayeen dadka la laayey" ayuu yiri Cali Jeyte oo intaas ku daray waxa ay ujeedadiisu ay ahayd qeybi oo xukun .

    sida uu sheegay Cali Jeyte .

    Dilkii dadka rayidka ahaa ee ka dhacay inta u dhaxeeyso Maxaas iyo Beledweyne ee lagu eedeeyay in ay Alshabaab ka danbeeysay gaar Ahaana Cali Axmed Guure (Qoyane) ayaa ahaa kii abuuray kacdoonkii dagaal ee markii ka danbe ka bilawday gobolka Hiiraan kaas oo dhul badan looga saaray in kasta oo markii danbe duulaan ay dib u soo qaadeen ay ku qabsadeen qaar ka mid ah deegaandii horey loo qabsaday.

    Balse Cali Jeyte ayaa qaba in dagaalka iyo kacdoonku uu ka horeeyay dilkii dadka rayidka ahaa loogu geeystay inta u dhaxaysa Maxaas iyo Beledweyne, laakinse ay bulshadu xanuun badan dareentay uuna mideeyay dadkii deegaanka haddii ay markii hore ku kal raaceen ayuu yiri Cali Jeyte oo intaas ku daray in dagaalkaasi uu si dhab ah u bilowday bishi Agoosto ee sanadkii 2022dii.

    Cali Jeyte mar uu ka hadlayey dilka ninkan ka tirsanaa Alshabaab waxa uu uga dhigan yahay dadka deegaanka, waxa uu sheegay in dadka deegaanka ay uga dhigan tahay "neecaaw iyo caafimaad usoo hoyatay, cadaw ka baxay ".

    Warkan oo faahfaahsan sidoo kale halkan ayaad ka akhrisan kartaa:

  17. Shifa Cabdi oo BBC uga warrantay qaabkii ay ciidamada Israa'iil u qabteen Doomihii Qasa u socday

    .

    Xigashada Sawirka, Daljir media

    Qoraalka sawirka, .

    Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Israa'iil ay qabteen doomo ku sii jeeday Marinka Qaza oo ay saaran yihiin cunto iyo sahay caafimaad .

    Wxaay ahayd 2 Oktoobar markii milatariga Israa'iil ay joojiyeen kolonyo gargaar oo siday oo ka koobnaa 42 doonyood oo ay saarnaayeen 479 qof oo ah dad u dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta, oo ay ku jirtay Greta Thunberg oo u ololaysa arrimaha cimilada Sweden.

    Dadkan ayaa markii dambe ay Israa'iil ka musaafurisay dalkeeda oo waxaa lagu celiyay goobihii ay ka yimaadeen.

    Dadkii doomahaasi saarnaa waxaa ka mid ahayd gabadh Soomaaliyeed oo haysta dhashada dalka Finland.

    Shifa Cabdi oo laanta af-Soomaaliga ee BBC la hadashay ayaa faahfaahin ka bixisay sida ay wax u dhaceen iyo sida ay ciidamada Israa'iil gacanta ugu dhigeen.

    Sidee wax u dhaceen?

    Shifa ayaa sheegtay in ay iyadu saarnayd Doontii ugu wayneyd ee Almond taasi oo ay ciidamada israa'iil ay ka bilaabeen markii ay doomaha qabanayeen.

    "Maalintii Arbacada markii ay 8 ahayd ayaa qabashada doomaha bilaabatay laakiin doomo badan ayaan ahayn oo waxaan ahayn 43 doon, waxay ka bilaabeen midda ugu wayn oo almond la dhaho 8 iyo barkii ayay na qabteen".

    Shifaa oo ka sheekeynaysa qaabkii ay ciidamada Israa'iil ku qabteen ayay sheegtay in doomo ay askarta Israa'iil wateen ay ceyrsadeen ka dib-na ay soo koreen doontii ay sarnaayeen sidaasina gacanta loogu dhigay.

  18. Madaxweynaha DDS oo shaaca ka qaaday saamiga ay Soomaalidu ka helayso shidaalka laga soo saarayo deegaanka

    .

    Xigashada Sawirka, SRTV

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar ayaa shaaca ka qaaday saamiga ay dawlad deegaanka Soomaalidu ka helayaan shidaalka deegaankaas laga soo saarayo.

    Mustafe oo maanta ka hadlayey munaasabadda xuska maalinta calanka ee Itoobiya ayaa sheegay in boqolkiiba konton ay Soomaalidu ka heli doonaan dakhliga ka soo xarooda Shidaalka, halka faa’iidada dakhliyada kalena loo heli doono sidii caadiga ahayd. Mustafe ayaa hadalka ku durayey dadka ay siyaasad ahaan dhaliilaha qorshayaasha DDS.

    “Shidaalka iyo Khayraadka ka soo baxaya iyo ganacsiga iyo shaqo abuurka laga helayo iyo dakhliga laga helayo oo si cad loogu ansixiyey golayaasha iyo sharciyada dalka in boqolkiiba konton la siinayo deegaanka Soomaalida oo ay leeyihiin, wixii kale ee dawladda dhexe u xaroodana uu yahay waxa aan haddaba ka faa’iideyno ee meel walba lagu dhisayo ee ah lacagaha dawladda federaalka ay miisaaniyadda ku darayso in haddana dano siyaasadeed iyo kuwo shaqsi awgood dadka six un loogu sawiro waa nasiib darro” ayuu yiri Mustafa.

  19. Dabaadegyo ka socda Israa'iil iyo guud ahaan Qaza ka dib sii deynta maxaabiista

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in "Ducadii malaayiin qof la aqbalay" ka dib markii heshiis nabadeed oo Gaza laga gaaray lagu saxiixay shir caalami ah oo ka dhacay dalka Masar.

    Mr Trump oo ah shaqsiga ugu mudnaa shirka ka dhacay Sharm el-Sheikh isaga iyo hoggaamiyeyaasha Masar, Qadar, iyo Turkiga - oo dhamaantood gacan ka geystay dhexdhexaadinta heshiiska xabbad-joojinta, ayaa saxiixay heshiiska.

    Hoggaamiyaha Mareykanka ayaa sheegay in wejiga labaad ee qorshaha wadahadallada nabadeed ee Gaza uu hadda socdo.

    Dhanka kale, dabaaldegyo ayaa ka dhacay guud ahaan Israel iyo dhulka Falastiin ka dib is-weydaarsigii maxaabiista iyo dadkii la haystay ee Isniintii.

    Sii dayntu waxay u dhacday sida qorshuhu ahaa, laakiin qaar ka mid ah dadka Israa'iil ayaa muujiyay caro ka dib markii Xamaas ay soo celisay meydadka afar qof oo kaliya oo ka mid ah dadkii dhintay ee la haystay.

  20. Maxay tahay sababta ay xukuumadda Mali ugu soo rogtay $10,000 muwaadiniinta Maraykanka ee doonaya inay dalkaas tagaan

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Xukuumadda Maali ayaa ku dhawaaqday in muwaadiniinta Mareykanka ee booqanaya dalkaas ku yaalla galbeedka Afrika laga doonayo inay bixiyaan dammaanad dhan $10,000 (£7,500) oo loogu talagalay fiisaha ganacsiga iyo dalxiiska, taas oo ay kaga jawaabayaan shuruud la mid ah tii uu maamulka Trump ku soo rogay muwaadiniinta dalkaas.

    Safaaradda Mareykanka ee Mali ayaa sheegtay Jimcihii in dhankooda lacagtan la soo bandhigay si loo xoojiyo "ka go'anaanshaha Washington ee ilaalinta xuduudaha Mareykanka iyo ilaalinta amniga qaranka Mareykanka".

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mali ayaa Axadii sheegtay in dammaanadda uu soo rogay hal dhinac, waxayna go'aansatay in "la sameeyo barnaamij fiiso oo kaas la mid ah" oo khuseeya muwaadiniinta Mareykanka.

    Isbeddelka siyaasadeed ee fiisaha ayaa imaanaya ayada oo ay jiraan tallaabooyin lagu hagaajinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

    Bishii Luulyo, saraakiisha Mareykanka ayaa booqday Mali si ay ugala hadlaan iskaashiga ka hortagga argagixisada iyo iskaashiga dhanka dhaqaalaha, oo ay ku jiraan suurtagalnimada helitaanka dahabka iyo kaydka lithium-ka Mali.

    Xiriirka ayaa xumaaday ka dib afgambi ka dhacay dalka Mali sanadkii 2021-kii taas oo keentay in Gen Assimi Goïta uu xukunka la wareego.

    Waxa uu u jiheeyay dawladii Galbeedka Afrika dhanka Ruushka si uu uga hortago kacdoonka sii kordhaya ee mujaahidiinta.