Baarlamanka Israa'iil oo cod u qaaday Daanta Galbeed lagu daro dalkooda
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Baarlamanka Israa'iil
Baarlamanka Israa’iil
ayaa tiro aad isugu dhow ugu codeeyay in la sii wado sharci ay soo jeedisay
xildhibaan ka tirsan garabka midigta fog, kaas oo lagu doonayo in lagu daro Daanta
Galbeed Israa’iil. Codeynta ayaa ku soo
beegantay booqashada uu Israa’iil ku tagay madaxweyne ku xigeenka Maraykanka JD
Vance ee uu xabbad joojinta Qaza kala hadlay hoggaanka Israa’iil.
Bishii aynu soo
dhaafnay madaxweyne Trump ayaa sheegay in uusan ogolaan doonin in Israa’iil la
wareegto Daanta Galbeed, taas oo ay Falastiiniyiintu u doonayaan dowladdooda u
gaarka ee ay leeyihiin.
Xisbiga ra’iisul
wasaare Benjamin Netanyahu ee Likud ayaan taageerin sharciga laakiin xubno kale
oo maamulka isbahaysiga ayaa qayb ka ahaa.
Waa kuma wiilka Soomaaliga ee mar kale taariikhda ka dhigay kubadda cagta adduunka?
Xigashada Sawirka, Baraha bulshada
Qoraalka sawirka, Cumar Cartan
Cumar oo horrey usoo dhigay rikooro sare oo uu ka gaaray garsooranimada kubada cagta ee Qaarada Afrika ayaa hadda ka mid noqday garasoorayaal loo doortay tartanka koobka adduunka ee FIFA.
Waxa uu ka mid yahay saddex garsoore dhexe oo laga soo doortay Afrika iyo wakiilka kaliya ee ka socda dalalka Afrikada ee Saxaraha ka hooseeya si uu u dhexdhexaadiyo koobka adduunka ee ciyaartooyda da'adoodu ka yartahay labaatan sanno jir ee loo qayaan FIFA U-20 World Cup 2025.
Ammaanta hoggaamiyahan Afrikaanka oo loo adeegsan jiray macluumaad khaldan
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Traoré
Boqolaal fiidiyow oo AI lagu soo saaray ayaa muujinaya Traoré inuu yahay geesi Afrikaan ah, oo badankoodu ay ku jiraan macluumaad been ah, kuwaasi oo qulqulaya baraha bulshada guud ahaan Afrikada Saxaraha ka hooseeya tan iyo dhammaadkii bishii Abriil.
Hadalhaynta waa mid baahsan, iyada oo adeegsadayaasha baraha bulshada ee X, Facebook, Instagram, TikTok, WhatsApp iyo Youtube oo ka soo kala jeeda dalal ay ka mid yihiin Nigeria, Ghana, iyo Kenya ay ku amaanayaan Traoré inuu tusaale u yahay hoggaamiyeyaasha kale ee Afrika.
Waxaa ay ka
wada hadleen arrimaha ciidamada Masar ee la filayo in la geeyo gudaha
Soomaaliya. Warkani waxaa baahiyay wasaaradda arrimaha dibadda Masar markii uu
shirka soo dhammaaday.
Badr
Abdelatty ayaa sheegay inay si dhakhso ah ay ku dammaynayaan nidaamka lagu soo
daabulayo ciidamada Masaarida ee lagu keenayo gudaha Soomaaliya.
ICJ oo ka tala bixinaysa mamnuucida Israa'iil ee UNRWA
Qoraalka sawirka, Qaza
Maxkamadda
caalamiga ah ee caddaalada (ICJ) ayaa la filayaa inay go’aan la talin ah ka soo
saarto dhowaan oo ku aadan waajibaadka sharciga ee Israa’iil ay ka saaran tahay
in ay u oggolaato gargaar bini’aadanimo dadka reer Falastiin iyo in ay la
shaqayso hay’adda Qaramada Midoobay ee gargaarka Falastiiniyiinta, UNRWA.
Fikirka la
talinta ee maxkamadda ayaa waxaa codsaday golaha guud ee Qaramada Midoobay ka
dib markii Israa’iil ay mamnuucday UNRWA, iyada oo ku eedeynaysay in la shaqaynayso
Xamaas. Hay’adda UNRWA ayaa beenisay eedeymahaasi.
WHO oo ka dayrisay xaalada caafimaad ee Qaza wajahayso
Xigashada Sawirka, WHO
Qoraalka sawirka, Qaza
Madaxa ururka caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegay in
Qaza ay la daalaa dhacayso musiibo caafimaad oo saamayn doonta jiilal badan oo
soo socda.
Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa u sheegay BBC in Qaza ay
wajahayso isku dhafka xaalado halis ah sida gaajo, cudurro iyo nidaamka
caafimaadka ee burburay, taas oo ka sii dartay sababo la xiriira xayiraadaha saran
gargaarka bini’aadanimo.
Tedros ayaa sheegay in qaybinta gargaarka ay aad u hoosayso loona
baahan yahay dib u dhiska nidaamka caafimaadka ee deegaanka.
Waxa uu ugu baaqay Israa’iil in aysan shuruudo ku xirin gaarsiinta
gargaarka Qaza, isaga oo intaa ku daray in aan gargaarka loo adeegsan hub
ahaan.
Duqaymihii u dambeeyay Ruushka ee Ukraine oo carruur ay ku dhinteen
Xigashada Sawirka, DSNS Ukraine
Qoraalka sawirka, Ukraine
Ugu yaraan todobo qof oo ay ku jiraan carruur ayaa lagu
dilay, ka dib weerarro culus oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ka gaysteen
Ukraine, sida ay saraakiishu ay sheegeen.
Dugsiga barbaarinta ayaa la duqeeyay kaasi oo ku yaala
magaalada labaad ee ugu weyn ee Ukraine ee Kharkiv iyo sidoo kale waxyeelo weyn
oo soo gaartay caasimada Kyiv. Carruur ayaa kamid ahayd 27 qof oo dhaawacmay.
Saacado kahor, madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa
sheegay in qorshihiisa la kulanka Putin ee dhowaan ee ka dhici lahaa Budapest la
hakiyay, maadaama uusan doonayn ‘’kulamo aan waxba soo kordhinayn’’
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in
weeraradu caddeynayaan in Moscow aysan weli dareemin cadaadis ku filan oo lagu
joojinayo dagaalka ay wadaan.
Netanyahu iyo Vance oo ka hadlay hubka dhigista Xamaas
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Taangi
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Jerusalem
kula kulmay madaxweyne ku xigeenka Maraykanka JD Vance oo maalinkii shalay
gaaray Israa’iil.
Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlaya xabbad joojinta Qaza
ee Maraykanku gar wadeenka ka yahay.
Shir jaraa’id oo ay wada qabteen ayay ka sheegeen inay shaqo
adag ku soo wajahan tahay oo ah hubka dhigista Xamaas iyo dib u dhiska
Falastiin oo uu rajo wanaagsan ka muujiyay.
Netanyahu ayaa sheegay Maraykanka iyo Israa’iil ay ka wada
shaqaynayaan beddelida wajiga bariga dhexe.
Qaramada Midoobey oo ka digtay xiisadda sii kordheysa ee Venezuela iyo Mareykanka
Xigashada Sawirka, Donald Trump/Truth Social
Qoraalka sawirka, Trump ayaa muuqaal mar sii horeysay soo galiyay bartiisa bulshada
Weerarada Mareykanka ee ka dhanka ah Venezuela ee biyaha caalamiga ah waa mid sii kordhinaysa xiisadda oo halis ah waana falal " sharciga ka baxsan," waxaa sidaasi sheegay koox khubaro ah oo madax-bannaan oo Qaramada Midoobay ka tirsan Talaadadii.
Bilihii la soo dhaafay, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in la weeraro ugu yaraan lix markab oo laga shakisan yahay in ay marayeen badda Caribbean, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 27 qof.
Khubarada Qaramada Midoobay ayaa sheegay in tallaabo milatari oo qarsoodi ah ama toos ah ay noqon doonto jebinta Axdiga Qaramada Midoobay
Afar waxyaabood oo aad ku ogaan karto inaad qof si dhab ah u jeceshahay iyo in kale
Qof walba weydii jaceylku waa wax aan la fahmi karin, waxaa laga yaabaa inay dadku kugu raacaan taas. Arrintaas waxaa qeyb ka qaata xaqiiqda ah inay caqabad kula soo dersi karto marka qofka aad jeceshahay uusan si kula mid ah kuu dareemin.
ku dhufo lifaaqa hoose si aad faahfaahinta u hesho
Tobaneeyo qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen qarax booyad shidaal ah oo ka dhacday bartamaha gobolka Niger ee dalka Nigeria.
Booyadda ayaa ka baxay wadada ,waxana ka dib qubtay shidaalkii ay sidday.
Dadka deegaanka ayaa ku soo yaacay goobta uu shilku ka dhacay, si ay u dhaansadaan shiidaalka gaariga rogmaday, balse waxaa si lama filaan ah u dhacay qarax ka dhashay dab xooggan oo kacay.
Ilaa 30 qof ayaa lagu soo waramayaa inay dhinteen, halka ugu yaraan 40 kalena ay soo gaareen dhaawcyo gubasho heerar kala duwan leh.
Ukrain oo ku garaacday warshad kiimiko oo Ruushku leeyahay gantaalada Storm Shadow ee UK
Hadalkan ayay sheegtay mar ay ka hadlaysay Shir-madaxeedka Financial Times Africa ee London Talaadadii.
Waxay sheegtay in dhimista gargaarka ay dhaqaalaha u dhimeyso siyaabaha aysan mas'uuliyiintu fileynin, taasoo dhaawaceysa dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha islamarkana saameyn ku yeelanaysa dakhliga canshuurta iibka ee dowladda.
Kuuriyada Woqooyi oo gantaalada ballistic-ga ku ridday badda Japan
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Gantaalo
Kuuriyada Waqooyi ayaa dhowr gantaal oo riddo gaaban ah ku ridday badda Japan oo ka baxsan xeebta bari ee dalkaas, waana markii ugu horreysay oo nooceeda ah oo la rido muddo bilo ah.
waxay tijaabadan sidoo akle ku soo beegmaysaa toddobaad uun ka hor inta aysan hoggaamiyeyaasha adduunka oo uu ku jiro madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay gaaraan Kuuriyada Koonfureed oo uu ka furmayo shirka iskaashiga dhaqaalaha ee Aasiya iyo Baasifiga.
Pyongyang ayaa markii ugu dambeysay ee ganto gantaalada riddada gaaban waxay ahayd bishii May. Tani waxay ahayd dhacdadii ugu horeysay ee Kuuriyada Waqooyi tan iyo intii uu xilka qabtay madaxwaynha Kuuriyada Koonfureed Lee Jae-myung.
Waxa uu xafiiska la wareegay bishii June, waxa uuna ballan qaaday in uu sameyn doono dadaal kasta oo lagu dhimayo xiisadaha militari ee ka taagan gacanka Kuuriya. Sida laga soo xigtay militariga Kuuriyada Koonfureed, gantaalada riddada gaaban ayaa duulay ilaa 350 kilomitir.
Bishii October, mas'uuliyiinta Waqooyiga Kuuriya ayaa ku soo bandhigay gantaal ballistic-ga cusub ee Hwasong-20 dhoolatus milateri xilli la xusayay sannad-guuradii 80-aad ee aasaaska Xisbiga Shaqaalaha ee Kuuriya.
War deg deg ah, In ka badan 60 qof oo ku dhintay shil ka dhacay Uganda
Lixdan iyo saddex qof ayaa dhintay ka dib markii dhowr baabuur ay shil ku galeen waddo weyn oo ku taal Uganda, sida ay booliisku sheegeen saakay.
Labo bas oo ku safrayay jihooyin iska soo horjeeda ayaa "isku dhacay" iyaga oo isku dayaya in ay dhaafaan labo baabuur oo kale oo marayey Waddada Kampala-Gulu 00:15 wakhtiga maxaliga ah (21:15 GMT), sida ay sheegeen Ciidanka Booliiska Uganda.
Mid ka mid ah baska ayaa leexday isagoo isku dayaya inuusan shil gelin, balse markii ay arrintu socotay waxa uu sababay "isku dhac madaxa iyo dhinaca ah" kaas oo sababay dhowr shil, oo gawaadhida kale ay is xakameyn waayeen isla markaana rogmadeen.
Sidoo kale shilkan ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen dad rakaab ah oo la socday gaadiidka iyo dad kale, sida ay booliisku sheegeen, waxaana la bilaabay baaritaan.
Waa kuwee shanta cudur ee Soomaalida qurbaha faraha baas ku haya?
Xigashada Sawirka, CAAFI
Qoraalka sawirka, Qurba joogta Soomaaliya ayaa waxaa ku badan qaar ka mid ah cudurada
Soomaali badan oo qurbaha tagay iyagoo caafimaad qaba ayaa waxa dhacda in muddo kadibna arkaan caafimaadkooda oo hoos u dhacay, inta badan qurbaha waxaa laga hadlaa iyadoo dadka Soomaalida ee yimid waddamada reer galbeedka ay dabeecadda iyo deegaanku sameeyn ku yeelatay caafimaadkooda.
Trump oo shaaciyay tallaabada la qaadayo haddii ay Xamas jabiyaan heshiiska
Xigashada Sawirka, Bloomberg via Getty Images
Qoraalka sawirka, Trump
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku andacoodey in haddii Xamaas ay jebiso heshiiska nabadda ee Gaza, in bariga dhexe iyo dalalka deriska la ah ay diyaar u yihiin inay si buuxda u galaan Gaza, "Xamaasna la saxo oo runta loo sheego".
Fariin uu soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada ee Truth Social ayuu madaxweynaha Mareykanka ku andacooday in xulafada Mareykanka ee bariga dhexe iyo nawaaxigeeda ay si cad ugu wargaliyeen in hadii ay jebiyaan heshiiska Xamaas ay soo dhaweynayaan fursada ah in si xoog ah ay ku galaan Gaza.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in haddii Xamaas aysan sidaas yeelin, in “dhammaadka ay noqon doonto mid degdeg ah, khatar ah oo naxariis daran”.
Donald Trump ayaa sheegay in uu u mahadcelinayo dhammaan dalalkii gacan ka geystay, heshiiska.
Maxay askarta Mareykanka u ooyeen markii la daldalayay Saadaam Xuseen?
Xigashada Sawirka, G
Qoraalka sawirka, Saadaam Xuseen
12 askari oo Mareykanka ah - oo loo diray in ay waardiyeeyaan Saadaam Xuseen - ayaa lagu tilmaamay in ay ahaayeen saaxiibbadii ugu dambeeyay ee uu yeeshay madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq.
Lix qof ayaa la xiray ka dib markii booliska Ireland lagu weeraray dhagxaan, baaruud iyo dhalooyin xilli ay ku sugnaayeen bannaanka hotel ay degganaayeen dad magangelyo doon ah magaaalda Dublin.
Gaari booliis ah ayaa sidoo kale dab la qabadsiiyay hoteelka Citywest, fiidnimadii Talaadada. Ciidamo ka tirsan kuwa rabshadaha ka hortaga ayaa ka hor istaagay dibad baxayaasha in ay gaaraan hoteelka.
Qaarkood waxay siteen fargeetooyiin iyo qalab beeraha, halka qaar kalena ay waxyeelo gaarsiiyeen darbiyada .
Taliyaha booliiska Garda Justin Kelly ayaa yiri: "Falalka waxaa lagu tilmaami karaa oo kaliya tuugnimo.
Ayatollah Khamenei oo Trump ku tilmaamay "beenaale" diidayna casuumaad loo fidiyay
Xigashada Sawirka, Reuters
Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei ayaa Isniintii ku gacan seyray wadahadal dib u cusbooneysiin ah oo uga yimid madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, wuxuuna beeniyay sheegashadiisa ah in Mareykanka uu burburiyay awooddii Nukliyeerka ee Iiraan.
Tehran iyo Washington ayaa wada yeeshay shan wareeg oo wada xaajoodyo aan toos ahayn oo dhanka nukliyeerka ah kaas oo lagu soo afjaray dagaalkii 12-ka maalmood socday ee bishii June kaas oo Israa'iil iyo Maraykanku ay ku duqeeyeen xarumaha Nukliyeerka ee Iiraan.
"Trump waxa uu sheegay in uu yahay ganacsade, laakiin haddii heshiiska uu la socdo jujuub, natiijada ka soo baxdana la go'aamiyo, ma aha heshiis ee waa wax kusoo rogid iyo cagajugleyn," Khamenei ayaa sidaas yiri sida ay sheegtay warbaahinta dawladda.
Toddobaadkii hore, Trump wuxuu u sheegay baarlamaanka Israa’iil inay aad u wanaagsan tahay haddii Washington ay kala xaajooto “heshiis nabadeed” Tehraan, kaddib markii xabbad-joojin ay Qasa ka billaabatay taasoo u dhaxeysa Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas.
"Madaxwaynaha Maraykanku wuxuu si kalsooni leh u sheegay in ay duqeeyeen oo ay burburiyeen warshadihii nukliyeerka ee Iiraan. Si fiican u wad riyada!" Khamenei ayaa intaas ku daray.
"Maxaa ka khuseeya Maraykanka haddii Iiraan ay leedahay tas-hiilaad nukliyeer ah iyo haddii kale?Faragelintani waa mid aan habboonayn, khalad ah iyo qasab."
Quwadaha reer galbeedka ayaa Iiraan ku eedeeya in ay si qarsoodi ah isugu dayayso in ay samaysato bam nukliyeer ah iyada oo la tayeynayo Uranium-ta, waxaana ay doonayaan in ay joojiso hawshaas.
Tehran ayaa beenisay in ay doonayso in ay hub tayayso, iyada oo sheegtay in barnaamijku leeyahay ujeeddooyin tamar rayid oo keliya.