BRICS oo sheegay inay samaynayaan bangi

Xigashada Sawirka, Reuters
Hogaamiyayaasha shanta dal ee ugu wayn ee dhaqaalahoodu soo koroya ayaa ku taliyayay inay sameeyaan bangi horumarineed oo la tartama Bangiga Adduunka .
Hogaamiyayaasha shanta dal ee Brazil, Ruushka. Hindiya Shiinaha iyo Koonfur Afrika oo la isku dhaho Brics, ayaa ku taliyay inay isla samaystaan xiriir ganacsi iyo mid lacag oo dhow si ay u yareeyaan ku tiirsanaantooda Yurub iyo America.
Shantan wadan ayaa dhaqaalahoodu u dhignmaa labaatan iyo siddeed boqolkiiba dhaqaalaha adduunka.
Isagoo ka hadlaya xaalada Syria iyo bariga dhexe ayaa Raiisalwasaaraha Hindiya Manmohan Singh uu ka digay in la qaado talaabo wax u dhinta suuqyada shidaalka aduunka iyo ganacsiga.






