You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
"Cago juglaynta" awgeed waa in Mourinho loo xiro
Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho waa in xabsiga loo dhigaa "u caga juglaynta" uu ku hayo Bastian Schweinsteiger awgeed, sida uu sheegayo xubin ka tirsan ururuka ciyaaryahanada adduunka ee FifPro.
Ciyaaryahankan 32 jirka ah ee khadka dhexe ka ciyaara ayaa qardaraas saddex sano ah saxiixay 2015-kii wuxuuna saftay 31 ciyaarood, laakiin intii uu Mourinho kooxda la wareegay wuxuu la tababartaa kooxda 23-ka sano ka yar marmarna kaligii ayaaba tabobarta.
Dejan Stefanovic oo u dhashay dalka Slovenia xubinna ka ah FifPro ayaa BBC-da u sheegay in arrintaasi ay tahay "cago juglayn cad".
"Haddii ay goobtu Slovenia ahaan lahayd Mourinho waan dacwayn lahayn waxaana codsan lahayn in lagu xukumo xukunka ugu dheer oo ah xabsi saddex sano ah" ayuu hadalka sii raaciyay.
Mourinho wali kama uusan hadlin mustaqbalka Schweinsteiger laakiin jimcaha yuu shir jaraaid qaban doonaa.
BBC Sport ayaa la xiriirtay United laakiin wali wax jawaab ah kama aysan helin.