'Sababta aan lacagtayda jaamacadda ugu kharash gareeyay dagaalka Soomaalida ee TikTok'

TikTok
    • Author, Jack Goodman, Bushra Mohamed & Fauziyya Tukur
    • Role, Global Disinformation Unit, BBC World Service & BBC Trending

Marka la eego lacagaha ay Zara bankiga kala baxday waxay muujineysaa inay kumannaan doollar ku kharash gareysay TikTok.

Zara, ma aha magaceeda saxda ah, waxay ku jirtaa da'da labaatanmeeyada, waxayna ku nooshahay Mareykanka waxayna kasoo jeeddaa Soomaaliya. Waxay noqotay qof aad ugu fooggan qeybta tooska ah ee dagaalka ee bartan - kaasoo labo qof oo TikTok saameyn ku leh uu hadal dhex-maro mararka qaarna uu midba kan kale dacaayadeeyo iyagoo isla markaana lacag weydiisanaya taageerayaashooda si ay ugu guuleystaan dagaalka.

Waxay mar dambe ogaatay in dhinac aad u xun ay leeyihiin ciyaarahan waxayna sheekadeeda la wadaagtay BBC World Service.

Dagaalladan ayaa caan ka ah dadka isticmaala TikTok dhexdooda ee daafaha dunida ku kala sugan balse waxa ay ku saleysan tahay cayaarta Soomaalida ayaa ah mid goonni ah sababtoo ah dadka TikTok saameynta ku leh midba wuxuu aalaaba wakiil ka yahay qabiil Soomaaliyeed mararka qaarna waxay is dhaafsadaan aflagaaddo sii qaraaraan karta.

Waxaa loo yaqaannaa Ciyaarta Qabiilka Weyn tobnaan kun oo qof ayaana aalaaba daawada iyadoo TikTok-leyda ay daaraan muusik raab ah oo buunbuunineysa qiimaha qabiilkooda, iyadoo erayada ay faaninayaan geesinnimada iyo quruxda dadkooda.

Mid aan daawannay habeen Sabti ah oo bishan October dhexdeeda ah ayaa tusaale cad ahayd: waxaa labo shaashad kala saarnaa labo ka mid ah kuwa TikTok ugu caansan. Ilaa 50,000 oo qof ayaa nala daawanayay.

In "dagaal" la isla galo waxay inta badan la micno tahay in daawadayaasha lagu dhiirri-geliyo inay labada qof siiyaan haddiyado badan, taasoo ay u baahan yihiin inay ku guuleystaan wareegga walba ee shan daqiiqo soconaya.

Guuleystaha ayaa ah qofka haddiyadaha ugu badan helaya - qofka guul-darreystay ayaana kadib laga fishaa inuu u hambalyeeyo qofka kale isagoo qiranaya in qabiilkooda uu habeenkaas aad u awood badan yahay.

Mararka qaar kulamada ayaa lagu sii xayeysiiyaa online-ka dhowr bilood kahor.

TikTok-leyda caanka ah, ee aalaaba ku sugan Mareykanka iyo Yurub, ayaa toos usoo gala TikTok kahor inta aysan cayaartu bilaaban, iyagoo sii kicinaya dadweynaha.

TikTok

Xigashada Sawirka, TikTok

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Billowga, mararka qaar dooduhu way sii socsaan, balse wada-hadalka cayaarta dhexdeeda wuxuu noqon karaa mid xiiso beelay.

Waxaa la adeegsanayaa luqad dhan oo cusub, lacag dhigitaal ah iyo shuruuc badan oo daahsoon kuwaasoo cayaarta qeyb ka ah, taasoo dhadhan usii yeeleysa.

Waxaan aragnay qaar ka mid ah waxyaabaha ugu qiimaha badan ee haddiyad ahaan la isku siinayo, sida "adduunka TikTok", kaasoo qiimo ahaan dhan in ka badan $500 (£385) una dhiganta ku dhowaad 50,000 oo shilinka TikTok ah. Waxay muujinayaan farshaxanka dad ku jaasaya hees macaan.

Mid ka yara rakhiisan oo $400 (£308) iyo kan uu taageeraha ugu jecel yahay waa libaaxa, kaasoo si xoog ah u ciya marka uu dhex marayo shaashadda. Ama waxaa jirta mid ka jilicsan oo ah jeer dabaal uga soo baxaysa biyaha hoostooda oo god ah.

Haddiyadaha qaar waxay wejiga dadka dheelaya mariyaan filtarro sida koofiyad iyo shaarbo, koofiyad cas amaba madaxa bocorka ee xilliyada ku saleysan.

Zara ayaa sheegtay inay billowday cayaaridda sababtoo ah waxay dooneysay inay difaacdo sharafta qabiilkeeda.

Waxay ahayd "wax xiiso leh" isla markaana "dhankeyga ayay mar walba guushu raaci jirtay", ayay dib u milicsatay.

Balse Zara ayaa in ka badan $7,000 ku kharash gareysay cayaarta, taasoo loogu talogalay inay isaga bixiso lacagta jaamacadda.

"Waaliddiinteyda, haddii ay ogaadaan inaan lacag badan ku bixiyay TikTok, way muraara-dillaaci doonaan - kuma farxi doonaan - balse marka si loo eego waa nooc ka mid ah la qabsiga."

Waxay sidoo kale mar walba is weydiisaa sababta ay lacag si adag lagu soo shaqeeyay u siisay TikTok-leyda kuwaasoo inta badan aan ka mahad-naqin.

Balse iyadoo si qoto-dheer usii dhex-gashay adduunkan, waxay kala kulantay wax kaba sii xun.

Waxaan aragnay caddeynta in nin TikTok-leyda ugu caansan ka mid ah oo Mareykanka deggan uu ceynayay haweenka TikTok-leyda ah uuna u hanjabi jiray - isagoo ugu gooddinaya inuu baahin doono sawirro galmo oo iyaga ah.

Zara ayaa sheegtay in tan ay badanaa dhacdo: "Waxay ogaanayaan cidda aad tahay, waxay soo qaadanayaan sawirrada qoyskaaga, sawirkaaga waxayna leeyihiin, 'waan kusoo qarxin doonaa.'"

Waxay sheegtay in ninka ka midka ah kuwa TikTok-leyda ugu caansan ee Mareykanka deggan uu sidan iyada ku sameeyay isla markaana ay aad u baqday kana walwalshay in qoyskeeda ay arkaan sawir la farsameeyay oo uu ugu hanjabay inuu baahin doono, ma aysan seexan habeenkaas.

"Bal qiyaas qoyskaaga oo arkay sawirradaada oo la saaray jirka qof qaawan. Ma yaqaannaan in la farsameeyay."

Markii Zara ay akoonka ku dacweysay TikTok, waxay sheegtay inaysan waxba ka qaban.

Ninkan ayaa online-ka ku isticmaala magaca Xuseen Kibray wuxuuna leeyahay in ka badan 200,000 oo taageerayaal ah. Wuxuu inta badan ka qeyb-qaataa ciyaaraha.

Zara ayaa aaminsan in haweenka kale qaabkan loogu gooddiyay balse ma aynaan arag sawirradeeda oo la farsameeyay - ama haweenka kale - oo uu isaga internet-ka kusoo wadaagay.

Waxaan wax ka weydiinnay dhaqankiisa balse farriinteenna kama uusan jawaabin.

Kadib markii BBC ay la xiriirtay TikTok kuna wargelisay akoonnada Xuseen Kibray, barta baraha bulshada ayaa ku jawaabtay oo sheegtay inay haatan xannibeen akoonnada sababo la xiriira inay meel uga dhaceen siyaasadaheeda la xiriira tacaddiga galmo iyo tan jireed ee dadka waaweyn.

War kasoo baxay afhayeenka TikTok ayaa lagu yiri: "Waxaan mudnaanta siinnaa badqabka bulshadeenna iyadoo shuruucda waxyaabaha ugu badan barta ee la adeegsado, oo ay ku jiraan siyaasadaha gaarka ah ee nuxurka ciyaarta, aaladaha badbaadada ee wax laga beddeli karo ee daawadayaasha, iyo u oggolaanshaha kaliya dadka ka weyn 18 inay TikTok toos hawada u galaan amaba ay haddiyado diraan."

Ciyaaraha tooska ee TikTok ayaa lagu quudiyaa iska hor imaad mararka qaarna waxa ugu yar ay tahay muuqaalka xanaaqu ka muuqdo - ama hala jilo ama run ha ahaatee. Cayaaraha ayaa kululaan kara marka ay TikTok-leydu ka doodaan awoodaha qabaa'illo kala duwan.

Aqoonsiga qabiilku wuxuu si weyn ugu milmay bulshada iyo siyaasadda Soomaalida, balse wuxuu noqon karaa mawduuc xasaasi ah. Qabaa’illada waxay ku dagaallameen dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya kaasoo bilowday kadib markii xukunka laga tuuray taliskii muddada dheeraa ee Siyaad Barre 1991-kii dagaalladii ugu xumaa ayaana sii socday ilaa 2001-dii.

Mararka qaarkood dadka saamaynta leh waxay dib u milicsadaan dagaalladii sokeeye - yaa guuleystay, maxaa dhacay - waxayna aflagaaddeeyaan awoowayaashood iyaga oo xitaa ku faana inay dileen kuwa ka soo horjeeda.

Dad badan ayaa ka walwalsan in ciyaaraha ay sidoo kale gacan ka geysanayaan ​​jawiga internetka ee sunta ah. TikTok ayaa inoo sheegay in waxyaabaha toos looga baahiyo ay waajib ku tahay inay u hoggaansamaan hab-raacyadooda bulshada, kuwaas oo quseeya barta oo dhan.

Marka laga tago fagaaraha Ciyaarta Qabyaaladda ee Weyn, waxaa walaac xooggan laga muujinayaa heerka qabyaaladda iyo hadallada naceybka ah ee lagu faafinayo baraha bulshada ee ay baahinayaan akoonnada Soomaalida ee saameynta leh, oo aalaaba saldhiggoodu yahay dalka dibaddiisa.

Mustafa Axmed, oo ah cilmi-baare dhanka amniga ah oo diiradda saara Geeska Afrika, ayaa sheegay in arrintaas ay ku jirto wax la yaab leh.

"Dadka ka tagaya dalka ee noloshooda ku dhisanaya Galbeedka sababo la xiriira colaadaha, xiisadaha ay ka tageen awgood, ay qeyb ka noqonayaan meertada soo celineysa colaadda iyo xiisadaha bulshooyinka ee gobolka," ayuu yiri.

Ciyaarta Qabaa'ilka weyn ayaana caan ka noqoneysa Soomaaliya dhexdeeda - waxaa looga doodaa goobo shaaha laga cabo oo badan oo ku yaalla caasimadda Muqdisho, iyo qeybaha sare ee bulshada dhexdeeda.

“Mararka qaar waxaad arkaysaa siyaasiyiin iyo odayaal ka sheekaynaya oo ku kaftamaya sidii uu qabiilkoodu ugu guulaystay ciyaartii xalay. Ma aha wax ay tahay in aan ku kaftanno,” ayuu yiri Bilaal Bulshaawi oo ay ku xiran yihiin ku dhawaad ​​labo milyan oo taageerayaal ah caanna ku ah muuqaallo madadaalo ah iyo xujooyin dhanka internet-ka ah. .

Isagoo ku nool Soomaaliya, si ka duwan qaar badan oo qeyb ka ah dagaalka TikTok, wuxuu sheegay in uu ka qayb qaatay ciyaar markii ay bilaabeen si ay caan u noqdaan balse ma ahayn cayaar qabiil ku saleysan oo hore loo sii qorsheeyay.

Bilaal Bulshawi/TikTok

Xigashada Sawirka, Bilaal Bulshawi

Wuxuu daawanayay sida lacagta ciyaarahaas lagu kharash gareeyo ay usii kordheysay wuxuuna soo jeedinayaa in lacagtan loo adeegsan karay in dalka lagu caawiyo.

"Dhabtii waa nasiib-darro, in lacag sidaa u badan la kharash gareeyo, iyadoo la ogyahay in Soomaaliya ay dhibaato ku jirto adduunkana caawinaad ka baryeyso," ayuu yiri.

Haddii aad isku dhufato xisaab fudud oo aasaasi ah waxay u muuqan karrtaa in dadka TikTok saameynta ku leh ay la hoydaan kumannaan kun oo doollar inta ay socdaan ciyaaraha ugu sarreeya.

Si kastaba, xaqiiqdu waxay u badan tahay mid aan qurxooneyn, sida ay sheegtay Crystal Abidin, aasaasaha shabakada TikTok Cultures Research isla markaana daraasadaha internet-ka ka dhigta Jaamacadda Curtin ee Australia.

Ma aysan daraaseyn "dagaallada" Soomaalida, laakiin waxay sheegtay in dadka saameynta leh ay aalaaba abuuraan khiyaaliga hanti degdeg ku timaadda.

"Taageerayaal badan ayay ku dhalataa fikradda ah in dhammaan qadaadiicda iyo sawirrada dhalaalaya ee shaashadda dhex socda ay muujinayaan in lacag badan oo caddaan ah ay si toos ah ugu dhacdo jeebabka kuwa saameynta ku leh TikTok," ayay tiri bare sare Abidin.

"Runtiina, tirada saxda ah, mugga ama u kala jejebinta boqolleyda ayaa dhab ahaantii ah mid aan caddeyn."

Waxay sheegtay in cilmi-baaristeeda meelo kale ay jiraan kharashaad aan la arki karin: barta ayaa is dhinta, mararka qaarkood waxaa jira dad xakameeya TikTok-leyda, mararka qaarkood waxaa jira lacag abuur si loo abuuro fikradda ah bixintu waa mid dabiici ah.

Waxaan ognahay in qaar badan oo ku lug leh Ciyaarta Qabyaaladda Weyn, in dareenka iyo xiisaha ay dhab ka yihiin.

Dhacdooyinkan waxaa laga dhur-sugaa bilopyin waxayna horseedaan ka-qaybgalid aad u sarreysa - laakiin Zara waxay fahansan tahay sababta "haddiyad-bixiyeyaasha" qaarkood ay ugu hammuun qabaan inay isaga baxaan.