Baardheere: sheekada doonta dadka deegaanku samaysteen ee magaalada u kala gooshta

Muddo kaddib markii ay burburtay oo meesha ay ka baxday buundadii isku xidhi jirtey magaalada Baardheere ee Gobola Gedo, ayaa iskaashato ganacsato ah oo deegaanka ahi ay sameeyeen doon u kula gudubta labad dhinac ee magaalada.
Doontan ayaa qoshaheedu yimi markii sannadkii hore badhtamihiisi ay fataahadihii deegaankaas saameeyey meesha ka saareen buundadii magaaladaas.
Doontan ayaa isaga tallawda laba dhinac ee ay kooban tahay magaalada Baardheere oo wejiga Juba badhtamaheeda maro, iyada oo u kala safrisa adeegyada kala duwan, xoolaha, gaadiidka iyo dadkaba.
Toddobaadkan horraantiisii ayaana la hirgeliyey in markii u horraysay doontaas, oo muddo ka shaqaynteedu socotay ay shaqada bilawdo.
Dadka deegaanka ayaana durba ay aad u soo jiidatay fikraddani iyada oo xallisay caqabad ay muddo dheer wejahayeen oo ka haysatay dhanka isu-socodka.
Yaa lahaa qorsheheeda?
Qaar ka mid ah ganacsatada deegaanka ayaa keenay fikradda doontan, kuwaas oo u hawlgalay sidii loo heli lahaa cid samaysa iyo ololaha qarashka ku baxaya doontan.
Aadan Buulle Cabdi oo ka mid ah raggii hawshaa horkacayey oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in markii fikraddu ku dhalatay ay “talo geliyeen oo kaddibna qalabkeedii iyo miisaankeedii jaangooyeen una raadiyeen injineerro sameeya”.
“Ardadeennii oo aan gudbi Karin, waayeelkii iyo danihii ganacsiga oo aan isu socon karin, markaan aragnay ayaan doorannay markaas in aan fikirkeenna iyo dhaqaalaheenna aan ku badbaadinno ummadeenna” ayuu yidhi Ganacsade Aadan Buulle Cabdi.
Sidee loo sameeyey doontaas?

Xigashada Sawirka, Eng Cabdiqaaddir
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Doontan ayaa samaynteedu qaadatay ku dhawaad saddex bilood xilli markii hore qorshuhu ahaa in lagu dhammaystiro muddo hal bil ah, sababo la xidhiidha cimillada kulul ee magaalada Baardheere..
Qalabka doontan ay ka samaysan tahay ayaa lagu sheegay in ay yihiin biro xadiid ah, alwaax iyo tuunbooyin casri ah.
Eng Cabdiqaaddir Maxamed Ibraahim oo ah injineerkii horkacayey mashruuca samaynta doontan oo isna BBC-du la hadashay ayaa sheegay in dhammaan qalabka ay ka samaysan tahay uu yahay kuwo gudaha waddanka laga heli karo.
“Qalabka waa wax waddanka laga heli karo oo qaar Muqdisho ayaan ka soo qaadnay, qaar Baardheere ayaa ka helnay, wixii ayaan webiga agtiisa isugu keennay oo halkaas ku shaqo bilawnay aniga iyo kooxdaydii” ayuu Eng Cabdiqaaddir u sheegay BBC-da.
“Doontu waa wada bir, bir aan daxalaysanayn webigana aan wax dhibaato ah u geysanayn. Sababta aan birta uga dhignayna waa in ay cimriso haddii alwaax iyo ballaastiig laga dhigo waxaa suragal ah in ay jajabaan” ayuu BBC-da u sheegay inijineerkii horkacayey qorshaha farsamadeeda Eng Cabdiqaaddir.
Doontan ayaa ah labaatan mitir oo dherer ah iyo siddeed mitir oo ballac ah. Halka qaadkeedu yahay labaatan tan ama 20,000 oo kilo.
Doontan ayaa Eng Cabdiqaaddir nooceeda ku sheegay in la yidhaahdo Ubuntu.
Qarashkaa ku baxay samaynta doontan ayaa ay ganacsatadii qorshaheeda lahaa noo sheegeen inuu yahay lacag gaadhaysa 100,000 kun oo dollar.
Doontan ayaana shaqo bilawday xilli deegaanka durba aad looga soo dhaweeyey, dadkuna u arkaan fikrad loo baahnaa oo deegaanka ganacsigiisa iyo isku socodkiisa ku soo kordhinaysa wax badan.
Webiga Jubba ee dhex mara magaalada Baardheere ayaa ballac ahaan isu jira ku dhawaad 150 mitir, taas oo tan markii buundadii keli ahayd ee goobtaas ku taallay burburtay ahaa caqabad taagan.
Aaadan Buulle, oo ganacsatadii qorshaha lahaa ka mid ah ayaa shegay in durba la aaminay, iyaguna markii hore si loo aammino ay ku tijaabiyeen hantidoodii.
Waa kuma Injineerka horkacayey qorshaha samaynteeda?

Xigashada Sawirka, Eng Cabdiqaaddir
Eng Cabdiqaaddir Maxamed Ibraahim ayaa looga keenay samaynta doontan magaalada Muqdisho.
Xilligaas oo isaga iyo shaqaalihiisiina markii ay xaaladda qiimeeyeen ay shaqada ka bilaabeen degmada Baardheere.
Eng Cabdiqaaddir ayaa hore u sameeyey doon hore oo dalxiisa iyo gaanacsi ah oo Xeebta Liido taal.
Cabdiqaaddir ayaa ka soo jeeda sida uu BBC-da u sheegay qoys farsamo yaqaaanno ah, isaguna uu xirfaddan farsamada ku shaqaysan jirey balse uu soo bartay cilmiga beeraha.
“Markii hawsha samaynta aannu bilawnay waxaa na la ka qabay fikrad ah in dad waalan aan nahay, annagu se waan isu koolsanayn, waxaa se mahadcelin mudan nimankii ganacsatada ahaa ee geesiyaasha ahaa ee qarashkoodii geliyey. Dadkii deegaankuna markii ay arkeen in wixii hirgaleen waa lagu wada farxay aad baana nalasoo dhaweeyey oo naloogu duceeyey” ayuu Cabdiqaaddir u sheegay BBC.
Magaalada Baardheere ayaa daadadkii bishii November ku dhuftay magaalooyinka uu maro webiga Jubba ay si gaar ah u saameeyeen, iyada xilligaa ay barakaceen dad aad u farabadan.
Soomaaliya ayaa wejahaysa isbeddel cimillo oo keenay daad xad dhaaf ah iyo abaaro daba-dheeraada oo siyaabo kala duwan u saameeyey noloshii bulshada.












