Maxay salka ku haysaa xiisadda gacan ka hadalka sababtay ee ka taagan Bardaale?

Xigashada Sawirka, BARAHA BULSHADA
Xiisad ayaa ka taaganayd degmada Bardaale ee gobolka Bay, tan iyo bishii la soo dhaafay, taas oo dhawr jeer keentay gacan ka hadal ay ku dhinteen dad badan, kuna dhaawacmeen kuwa kale. Iska hor'imaadkii ugu dambeeyay ayaa dhacay maalintii Sabtida, waxana dadka ku dhintay kamid ahaa Taliyihii saldhiga booliska ee Bardaale.
Siyaasiyiinta deegaanka iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay xiisadda ka taagan degmada.
Maxay salka ku haysaa xiisadda taagan?

Xigashada Sawirka, Xildhibaan Maxamed Abuukar Cabdi
Inkastoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan is qabqabsiga ka taagan Bardaale, haddana Xildhibaan Maxamed Abuukar Cabdi oo kamid Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, deegaan doorashadiisuna tahay Bardaale ayaa ku eedeeyay Maamulka Koonfur Galbeed in ay masuul ka yihiin shaqaaqooyinka ka dhacay degmada,
Xildhibaan Maxamed ayaa sheegay in ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ay weerar ku qaadeen bilowga bishii May ee aynu soo dhaafnay ciidamo Macawisley ah oo qabaa’illadu abaabuleen isla markaana halkaa lagu dilay mid ka mid ahaa oday dhaqameedka deegaanka.
“Odaygii ugu weynaa dhaqanka Bardaale oo Malaaq Nuur la oran jira oo sideetan jir ahaa ayaa gurigiisa Bardaale lagu dilay,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Abuukar Cabdi.
Balse guddoomiyaha gobolka Bay Maxamed Isaaq Xasan (Caracase), ayaa meesha ka saaray in dagaalka ka dhacay Bardaale iyo is qab-qabsiga muddooyinkii la soo dhaafay ka taagnaa uu dhaxeeyay ciidamada maamulka iyo dadka deegaanka, wuxuuna ku dooday in maamulku halkaa kula dagaallamay meleeshiyo “ka tirsan Al-Shabaab” waa sida uu BBC-da u sheegaye.
“Nimankaas Shabaab waaye waa dareemaysaa soddon bari waxay ku sugnaayeen deegaannada Shabaab ka taliso, marka wax la xaqiri karo maaha markii horaba Shabaab ayay iska soo dhiibeen,” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Bay Maxamed Isaaq.
Xildhibaankuse wuxuu sheegayaa in dilkii Malaaqa kadib uu gadood dhacay oo ciidamadii deegaanka ee u abaabulnaa habka meleeshiyo beeleedka ay bannaanka uga baxeen magaalada isla markaana ay muddo halkaa ku sugnaayeen.
Wuxuu intaa raaciyay in odayaashii deegaanka qaar badan oo ka mid ah lagu xirxiray Baydhabo iyo Bardaale, oo ay xabsiga ku jiraan muddo bil ah.Sidoo kale maamulka Koonfur Galbeed ayuu ku eedeyay “beegsiga beel gaar ah”

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Guddoomiyaha gobolka Bay Maxamed Isaaq Xasan ayaa dhankiisa xildhibaannada federaalka ee maamulkiisa eedeyay iyo siyaasiinta kale ee arrintaan ka hadlay ku tilmaamay kuwa Shabaab ah oo qayb ka ah dhibaatada Koonfur Galbeed.
“Shabaab waad ogtahay waa dhagar baadantahay dad ay isticmaalayso ayay meel kasta ku leedahay, marka xildhibaankii u doodana haddii uu run sheegayo dowladda ha isku soo dhiibaan oo ha imaadaan, haddii aaney shabaab ahayn, dowladdu way la macaamilaysaa, laakin nin aan ka warqabin oo dhibaatada Koonfur Galbeed ka qayb qaadanaya waaye raggaas,” ayuu yiri Guddoomiyaha Bay.
Xildhibaan Maxamed Abuukar Cabdi ayaa ku adkeysanaya in ciidamada uu guddoomiyuhu ku sheegayo Shabaab, in ay yihihiin ciidamo deegaanka ah oo u diyaarsanaa ka qayb qaadashada amniga iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Xildhibaan Maxamed wuxuu intaa raaciyay in maamulka Koonfur Galbeed uu iska horkeenay ciidamadiisii iyo kuwa deegaanka isagoo hadalka u dhigay in dhimashada ka dhacday Bardaale ee labada dhinac ay yihiin kaa dhimay oo kugu dhimay.
Si kastaba arrinta ayaa u muuqata mid labada dhinac midba midka kale ku eedeynayo, hase yeeshee dadka falanqeeya arrimahaan ayaa sheegaya in isku dhacyada meleeshiyo beeleedka iyo ciidamada maamulka ay tahay arrin salka ku haysa siyaasad gaarahaan siyaasiinta iyo xildhibaanadda federaalka ee deegaannadaas ka soo jeeda ayaa qaba in uu dhamaaday waqtigii sharciga ahaa ee maamulka Koonfur Galbeed halka mas'uuliyiinta maamulkuna ay aaminsanyihiin oo weliba ay ku dooodayaan in ay xilka ku joogaan hannaan sharci ah.
Waxaa jirta soo jeedin ka imaaneysa siyaasinta iyo aqoonyahanka qaarkood, kuwaas oo ku baaqaya in wadahadal lagu dhameeyo isku dhacyada ka jira qaybo ka mid ah deegaannada Koonfur Galbeed si looga baaqsado colaad iyo dhibaatooyin kale.












