Waa maxay muhiimadda Baabul-Mandeb, oo ah meesha ay Xuutiyiintu ku weeraraan maraakiibta ku sugan Badda Cas?

Marinka Baabul Mendeb

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Marinka Baabul Mendeb

Maaha dhacdo cusub in magacaba uu ahaa, Baabul-Mandeb, oo macneheedu yahay "albaabka ilmada" ama "albaabka xanuunka" af Carabi ahaan.

Tani waxay tilmaamaysaa khataraha jira haddey ahaan lahayd dabaylaha, burcad-badeednimada iyo colaadaha, kuwaas oo kumannaan sano sugayay badmaaxiinta ka soo galaya badda cas ee ka imaanaya dhinaca badweynta Hindiya ee u dhexeysa Yemen, Jabuuti iyo Eretria.

Qaar ka mid ah khataraha maanta ayaa noqday kuwo lala xiriirinayo kuwo hore.

Marinka Baabul-Mandeb ayaa haatan ah meel diiradda lagu saarayo weerarrada hubeysan ee maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yemen ay ku qaadayaan maraakiibta dalal kala duwan, halkaas oo ah mid kamid ah waddooyinka ganacsiga caalamiga ah ee ugu mashquulka badan.

Iyagoo ka jawaabaya, Maraykanka iyo UK waxay duqeeyeen dhowr goobood oo ay maamulaan Xuutiyiinta, kuwaas oo ah fallaagada Islaamiyiinta ee aqlabiyadda Shiicada una dagaallamayaan inay la wareegaan awoodda dagaalka sokeeye ee Yemen.

Haddaba, waxaa muuqata in marin-biyoodka Mandeb uu noqday goob colaad caalami ah ay ka dhacdo.

Haddaba waa sidee marinkan? Maxayna tahay muhiimadda ganacsi iyo juquraafi ahaaneed ee uu ganacsiga u leeyahay?

Waddo taariikhi ah

Marinka Baabul Mendeb
Qoraalka sawirka, Marinka Baabul Mendeb

Marka hore, aan dib u eegno taariikhda marin-badeedkan muhiimka ah.

Dheerirkiisu waa 115 kilomitir, marinka Bab el Mandeb wuxuu isku xiraa badda cas iyo gacanka cadmeed.

Waa 36 kilomitir oo ballac ah, halkaas oo jasiiradda Perim ay ku taallo, taas oo u qaybisa laba kanaal oo leh qulqulo iska soo horjeeda.

Qiimaheeda ganacsi waxa la aqoonsanaa ilaa xilli hore iyadoo safarro lagu raadinayo alaab qaali ah sida fooxa, dahabka iyo xoolaha loo mari jiray, halka Roomaaniyiintu ay ku tiirsanaayeen marinkan si ay uga ganacsadaan Hindiya iyo Bariga.

Laga bilaabo qarniyadii dhexe, marin biyoodka Baabul Mandeb waa la xoojiyay si ay u noqoto waddo ganacsi oo muhiim ah, taasoo kobcisay boqortooyooyinkii waagaas iyo markii dambe quwadaha Yurub sida Portugal, Spain iyo kuwo kale.

Si kastaba ha ahaatee, waxay ahayd furitaanka Suez Kanaal sanadkii 1869-kii kaas oo ka dhigay Baabul-Mandeb meel lagama maarmaan ah si loo dhamaystiro marinka ugu gaaban ee badda ee u dhexeeya Yurub iyo Aasiya.

Sababta muhiimadda

Muhiimadda juquraafi iyo siyaasadeed ee marin biyoodka Mandeb ayaa la muujiyay sababtuna waxa ay tahay in ay u dhowdahay goobaha ay colaaduhu ka jiraan sida Yemen oo ah dal uu ka socdo dagaal sokeeye.

Iskahorimaadyadan waxaa wehlinaya dhaqdhaqaaqyada burcad badeedda ee gobolka, taas ayaa muujineysa muhiimadda joogitaanka ciidan ee quwadaha adduunka, gaar ahaan Maraykanka, iyo jawaabaha adag ee ay ka bixiyaan falalka khatarta ku ah isu socodka badda ee aaggaas.

Marinka Badda Cas waa mid ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan adduunka, isagoo qaada qiyaastii rubuc ka mid ah dhammaan ganacsiga badda ee meeraha.

Baabul-Mandeb
Qoraalka sawirka, Baabul Mendeb
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaa ka mid ah balaayiin tan oo shixnad ah oo ka gudba jidkan, qiyaastii 4.5 milyan oo foosto oo saliid ah ayaa maalin walba mara, kuwaas oo ka kala imaanaya waddamada Bariga Dhexe iyo Aasiya oo loo wado Galbeedka, sida ay sheegtay maamulka macluumaadka tamarta ee Maraykanka.

Intaa waxaa dheer, 8% shixnadaha gaaska dareeraha ah ee caalamiga ah ayaa soo maray halkan sannadkii hore, taas oo ka dhigaysa halbowle muhiim u ah sahayda tamarta adduunka.

Dhab ahaantii, dhacdooyinka Baabul Mandeb waxay saameyn degdeg ah ku yeelanayaan qiimaha adduunka ee kheyraadkan muhiimka ah.

Maalmihii Arbacada iyo Jimciha, fuustada saliidda ayaa kor u kacday 5%, waxaanay kor u dhaaftay 80 doolarka Maraykanka ah, taas oo ay khubarradu ku sheegeen in ay sabab u tahay xiisadda ka taagan Badda Cas oo ku khasabtay maraakiib badan oo shidaalka qaada in ay ka leexdaan jidkii ay marayeen, taasina ay keentay dib u dhac ku yimi keenista iyo kharashaadka.

Wixii ka baxsan saliidda iyo gaaska, marinka Mandeb waa qayb ka mid ah marinka ugu muhiimsan ee isku xira Bari iyo Galbeed, iyada oo dhawr iyo toban markab oo xamuul ah ay maraan biyahooda maalin kasta.

Marinka iyo caqabadaha maraakiibta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Marinka iyo caqabadaha maraakiibta

Qaar badan oo iyaga ka mid ah ayaa sidoo kale go'aansaday in ay u weeciyaan socdaalkooda u dhexeeya Badweynta Hindiya iyo Galbeedka iyaga oo sii maraya jidka dheer ee Cape of Good Hope ee cirifka koonfureed ee Afrika.

Tani waxay kumanaan kiiloomitir ku kordhisaa safarrada, kordhinta kharashaadka iyo dib u dhaca keenista qaybaha muhiimka ah ee silsiladda wax soo saarka badeecadaha.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, qiimaha kunteenarrada alaabaha looga raro Bariga Aasiya loona raro Waqooyiga Yurub ayaa si dhab ah u saddex jibbaarmay.

Laga soo bilaabo shilalka iyo burcad-badeedda ilaa gantaalaha

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay dhacdo ka dhacdo aaggan ay saameyn ku yeelato isu socodka badda isla markaana ay saameyn muhiim ah ku yeelato ganacsiga adduunka.

Tusaale ahaan, sannadkii 2021-kii markabkii uu surnaa calanka Panama ee Ever Given ayaa ku degay Suez kanal, taas oo sababtay xannibaadda marinka iyo abuurista cillado xagga silsiladaha sahayda caalamiga ah, iyada oo kor u kacday saameynta dib u dhaca iyo kharashaadkaba.

Gaar ahaan intii u dhaxaysay 2008-dii iyo 2012-kii, Marinka Baabul Mandeb iyo nawaaxigiisa waxaa ka dhacay weerarro badan oo ay geysteen kooxo burcad badeed ah oo u badan Soomaali, kuwaasoo afduub u geystay shaqaalaha maraakiibta si ay lacago uga qaataan kadibna loosie daayo, taasoo horay ugu hoggaamisay beesha caalamka, iyo sidoo kale shirkadaha maraakiibta, in la xoojiyo amniga.

Sababta Xuutiyiinta ee weerarradan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Sababta Xuutiyiinta ee weerarradan

In ka badan toban sano kadib, khatarta ugu weyn ee ka jirta marin-biyoodka ayaa ka imaanaysa dhinac fallaagada Xuutiyiinta.

Waxay sabab uga dhigeen weerarradooda marinka Mandeb iyo Badda Cas inay jawaab u yihiin dagaalka ay Israa’iil kula jirto Xamaas ee Marinka Qasa.

Waxay ku adkeysanayaan in weerarradooda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha ay la beegsadaan maraakiibta Israaiil ama kuwa u socda.

Si kastaba ha ahaatee, ficil ahaan weerarradu waxay saameeyeen dhammaan noocyada maraakiibta kuwaas oo inta badan aan wax xiriir ah la lahayn Israaiil.