Meydka ninkii dadka uga digijiray halista daadadka oo laga baadigoobayo fatahaada

Deegano hoos yimaada degmada Luuq ee Gobalka Gedo waxaa sameeyn weyn ku yeeshay roobab mahiigaan ah oo malmihii lasoo dhaafay ka da’ayay halkaas.

Roobka xoogan ayaa dumiyay guryo iyo goobo ganacsiga, isaga oo sidoo kale baabi'yay dalagyada beeraha. Roobku kama da'in degmada Luuq oo keliya laakiin waxa uu sidoo kale waxyeelo ka geystay degmooyin kale oo gobolkaas ka tirsan, Baydhabo ilaa Gaalkacyo iyo magaalooyin kale, iyada oo ay ku barakaceem boqolaal kun oo Soomaali ah.

Dowladda Soomaaliya iyo hay'addo caalami ah ayaa horey uga digay masiibo kusoo socota shan magaalo oo Soomaaliyeed, oo ay ku nool yihiin dad badan. Magaalooyinkaas oo u badan kuwa teedsan xeebaha ayaa qaarkood horey waxaa uga dhacay masiibooyin la mid ah kuwa laga digayo. iyo daadadka roobka ka dhasha ee ElNino lagu magacaabo.

Magaalooyinkaas ayaa ku kala yaala Somaliland, iyo kuwa Koonfur Soomaaliya dhaca. Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland wax war ah kama aysan soo saarin iyadu arrinkan.

Wadaadkii dadka u digijiray oo ay daadadku la tageen

Tiro dad ay ayaa ku dhintay daadadka ku rogmaday degmooyinka gobolka Gedo. Mid ka mid ah dadka lagu waayay daadadka waa Sheekh Cabdullahi Xaaji Maxamuud oo hormuud ka ahaa olelaha dadka loogu baraarujinayay khatarta daadadka iy sida looga gaashaaman lahaa.

Qaar ka mid ah dadka deeganka iyo ehelkiisa oo hadlay BBC ayaa sheegay in sheekhu ay la tageen daadadka shalay subax xilli uu u socday in uu soo indho-indheeyo beertiisa oo ku taalay meel aan ka fogeyn hoygiisa.

Maxamed Cusmaan Rashiid oo adeer uu u yahay ayna wada socdeen Sheekh Cabdullahi markii fataahadu qaaday ayaa Wareysi uu siiyay BBC waxaa uu shegay in biyaha hal mar ay wada galeen si ay u dabaashan oo biyaha u gooyaan, balse markii uu ka baxay uu wayay meel uu jaan iyo cirib dhigay.

“Aniga iyo adeerkay Sheekh Cabdullahi waa wada soconaya, si aan u soo fiirino beer aan lahyeen oo ku taal meel lag ah oo biyo ay ku jireen ayaa rabnay in aan goyno,” ayuu yiri Maxamed. “Balse biyihii ayaa na qaday aniga ilaahay ayaa iga bixiyay balse adeerkay biyaha ayaa qaaday oo meydkiisa xataa ma hayno”.

Muqaalo uu horey u duubay inta aysan biyahu qaadin, oo baraha bulshada uu ku faafiyay ayuu kaga hadlay saameynta biyaha iyo cabsida ay ka qabaan dadka dagan deegan Qooneey oo hoos tagta degmada Luuq ee Gobalka Gedo.

"Waad aragtaan meesha ay biyihi ii joogaan, ilaahoow halaag kuma aan waydiisan," ayuu ku sheegay Sheekh Cabdulaahi kahor inta aysna biyaha la tegin.

Baadigoobka meydka sheekh oo socda maalintii labaad

Baadigoobka meydka Sheekh Cabdulaahi ayaa socda maalinkii labaad, iyada oo aan weli la helin raadkiisa. Maxamed ayaa sheegay in 24 saac oo kasoo wareegatay markii ay biyuhu qaadeen aan lahyeen meydkiisa, ayna sameeyeen dadaal badan wallow aysan ku guuleeysan in ay helan meydka.

“Shalay laba saac ayay biyuhu qaadeen ilaa hada oo aan kula hadlayo ma hayno meydkiisa, dadaal badan ayaan sameeynay, meel kasta waa galanay," ayuu yiri Maxamed.

Maxamed Cusmaan waxaa uu tilmaamay baadi goobka meydka ay ka wajahayaan khataro kale, oo ay ka mid yihiin biyaha oo dadka qaaday iyo yaxaas dadka cunaya oo daadadka la socoda.

Roobab maahigaan ah oo ka da’ayay goballada dalka todobadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 29 qof, halka kumanaan kalena ay weli ku xayiran yihiin guryadooda iyo xaafadahooda ama ay ku barakaceen sida laga soo xigtay dawladda Soomaaliya iyo hay'adaha gargaarka.

Fatahaaddan ayaa billowday bishii hore kaddib markii ay sare u kaceen heerka biyaha ee webiyada Jubba iyo Shabeelle, taasoo sababtay inay buuxdhaafaan.

Dowlad goballeeyada Kooonfur Galbeed, Hirshabeele iyo Jubaland ayaa ka mid ah meel uu roobka sida weyn u saameeyay .