Sheekada bisad duureeda Masar ee weertay askarta Israa'iil ee hadal haynta dhalisay

Yaanyuur duureed

Xigashada Sawirka, Facebook

Qoraalka sawirka, Yaanyuur duureed

Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in bisad duureed ay weerar ku qaadday tiro askar Israa'iiliyiin ah oo ku sugnaa xuduuda ay la wadaagto Masar, halkaasi oo uu ka soo gaaray dhaawacyo kala duwan.

Wararku waxa ay sheegeen in ciidanku ay caawimo ka raadsadeen khubaro ku taqasusay duur-joogta oo ka socda Hay'adda Dabeecadda Duurjoogta iyo Beeraha ee Israa'iil si ay ugaarsadaan xayawaanka. Bisad duureeda ayaa dhab ahaantii loo qaaday isbitaal khaas ah si loo baaro.

Wixii markaas ka dambeeyay warkan ayaa ku faafay dadka isticmaala baraha bulshada , kuwaas oo ku adkaystay in ay xayawaanka ugu yeedhaan "bisad duureeda Masar" ka dib markii ay soo gashay xadka Masar ee Israa'iil ayna weerartay askarta Israa'iil.

Inta badan baraha bulshada ayaa falka bisad duureeda ku tilmaamay mid geesinimo leh, halka qaar ka mid ah ay su'aal galiyeen in sawirada la faafiyay ee weerarka ay ahaayeen kuwo sirdoon macmal ah sameeyay.

Bisad duureeda Masar ee saxaraha aad ayay u dheereeyaa waxayna aad u taqaanaa inay ku dul dhaco waxa ay ugaarsanayso. Waxa kale oo ay awood u leedahay inay kor u duusho ilaa saddex mitir, taas oo u sahlaysa inay qabato shimbiraha joog hoose ku duulaya.

Xayawaankan ayaa inta badan ah mid keligii duulo ah oo marar dhif ah ayuu kooxo la socdaa. Inta badan bisad duureeda ayaa ugaarsata xawaankan sida bakaylaha, jiirka, iyo shimbiraha yaryar.

Waxaa lagu yaqaanaa inay ka cabsato bini'aadamka, sidaas darteed marar dhif ah ayaynu maqalnaa inay weerarto aadanaha, sida hadda ka dhacday xadka Masar iyo Israa'iil.

Xayawaankan waxa uu ku nool yahay Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe ee dhulka saxaraha ah. Cabbirkiisu wuxuu u dhexeeyaa bisadda xaafadaha iyo haramcadka, wuxuuna leeyahay dhego dhaadheer oo muuqda.

Wararka ayaa sheegaya in laga yaabo in weerarka lagu qaaday askarta Israa'iil ay sabab u tahay burburka deegaannadii dabiiciga ahaa iyo ugaarsiga xad dhaafka ah, taasoo keentay in bisad duureedkan ka ag dhawaato goobaha ay dadku ku badan yihiin iyadoo cunto ka raadsanaysa.

Bisad duureedda waxa ay mansab weyn ka haysatay ilbaxnimadii hore ee Masaarida, waxaana lagu sawiray farshaxanno iyo sawirro badan.

Farshaxanadii hore ee Masaarida waxay muujinayaan inay tahay dagaalyahan.

Wararka ayaa sheegaya in laga yaabo in xayawaanka askarta weeraray uu ku dhacay cudur wax ka bedeli kara hab dhaqanka xayawaanka.

Warbixinnadani waxay soo jeediyeen in cudurku u horseedi karo isbeddel ku yimaada dabeecaddeeda, sida luminta cabsida ay ka qabaan bini'aadamka ama ku lug yeelashada dabeecad dagaal.

Israa'iil ayaa dib u billowday duqeymo culus oo ay ku hayso Gaza horraantii toddobaadkan

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Israa'iil ayaa dib u billowday duqeymo culus oo ay ku hayso Gaza horraantii toddobaadkan
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qaar badan oo ka mid ah dadka baraha bulshada ayaa u arkayay weerarka xayawaanka ee askarta Israa'iil inuu yahay "aargoosi loo sameynayo dadka deggan Gaza ee duqeymaha Israel awgood."

Qaar ka mid ah isticmaalayaasha ayaa weerarka u adeegsaday qaab ay ku dhaleeceeyaan waddamada Carabta, iyaga oo ku dhejiyay qoraaladooda hadallo aan toos ahayn oo muujinaya in "qofna uusan tallaabo qaadin si uu u difaaco Gaza."

Israa'iil ayaa dib u billowday duqeymo culus oo ay ku hayso Gaza horraantii toddobaadkan - taasoo soo afjartay wejigii koowaad ee xabbad-joojin socotay ku dhawaad ​​laba bilood. Waxay Xamaas ku eedaysay inay diiday soo jeedinta cusub ee Maraykanka ee lagu kordhinayo xabbad joojinta.

Xamaas, ayaa iyana Israa'iil ku eedaysay inay ka baxday heshiiskii asalka ahaa – oo ay dhexdhexaadinayeen Qatar, Masar iyo Maraykanka. Xabad joojinta ayaa la saadaalinayay in lagu gaaro heshiisyo ay ka mid yihiin ka bixitaanka ciidamada Israel iyo sii deynta maxaabiistooda iyo maxaabiista Falastiiniyiinta ah - marka lagu daro wada xaajoodka lagu soo afjarayo gebi ahaanba dagaalka iyo dib u dhiska Gaza.