Ukraine: Boqolaal ciidamada Ruushka ah ayaan gantaal ku dilnay

Xigashada Sawirka, TELEGRAM: HOREVICA / ZSU STRATCOM
Ukraine ayaa sheegtay in ku dhawaad 400 oo askar Ruush ah ay ku dhinteen weerar gantaal oo lagu qaaday gobolka la haysto ee Donetsk.
Saraakiisha Ruushka ayaa ku andacooday in 63 ka mid ah ciidamadooda la dilay. lamana xaqiijin karo sheegashada labada dhinaca, waxaana adag in gudaha loo galo goobaha uu Ruushka maamulo maadama xayiraad uu kusoo rogay halkaas.
Weerarkan oo dhacay Axaddii ayaa lagu qaaday dhismo ku yaala magaalada Makiivka, halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamada Ruushka. Waxaa dhif ah in xukuumadda Moscow ay xaqiijiso khasaaraha ka dhashay dagaalka. Wuxuu ahaa weerar halis ah ayuu yiri tifaftiraha BBC-da ee Ruushka, Steve Rosenberg.
Bayaan ay soo saartay Isniintii, wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka, ayaa lagu sheegay in ciidamada Ukraine ay lix gantaal oo nooca loo yaqaan Ximaar ee uu Mareykanka sameeyay ay ku garaaceen dhismo ay degan yihiin ciidamada Ruushka. waxaana lasoo riday labo kamid ah gantaalladaas.
Qaar kamid ah dadka ka foolada arrimaha Ruushka ee wax ku qora Internet-ka ayaa sheegay in weerarka uu jiro-balse waxa ay sheegeen in tiradu ay ka hooseyso sheegashada Ukraine.
Laakin Igor Girkin, oo ah falanqeeye taageersan Ruushka, ayaa sheegay in boqolaal ciidamo ah lagu dilay weerarka halka kuwa kalena la dhaawacay, inkastoo tirada saxda ah aan weli la ogeyn, welina waxa la la'yahay halka jaan iyo cirib ay dhigeen ciidamada. wuxuu sheegay in gebi ahaan uu burburay dhismaha la weeraray.

Xigashada Sawirka, ANDRIY NEBYTOV, KYIV OBLAST POLICE CHIEF
Waxa uu intaa ku daray in dadka la laayay ay u badnaayeen ciidamadii la soo abaabulay - kuwaaas oo dhawaan la qoray. Sidoo kale waxa uu sheegay in hub lagu keydiyay dhismahaa iyadoo arrintaas horseeday in khasaare uu ka dhasho goobta. "Dhammaan qalabkii milatariga ayaa sidoo kale la burburiyay" ayuu Igor Girkin, ku qoray bartiisa Telegram-ka.
Girkin waa nin wax ka qoro arrimaha militeriga Ruushka, kaas oo hogaaminayay ciidamadii gooni u goosadka ee uu taageerayay Ruushka kadib markii ay qabsadeen qeybo badan oo ka mid ah bariga Ukraine sanadkii 2014.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaa dhawaan lagu helay dambi dil ah isla markaana uu qeyb ka ahaa diyaaraddii MH17 ee lagu soo riday bariga Ukraine sanadkii 2014.
Inkastoo uu taageersan yahay Ruushka, wuxuu si joogto ah u dhaleeceeyaa hoggaanka militariga Ruushka iyo xeeladahooda dagaal. Sida laga soo xigtay militariga Ukraine, waxaa dagaalka lagu dhaawacay 300 halka ay dileen 400 oo kamid ah ciidamada Ruushka.
Ciidamada Ukraine ayaa ku andacoonayaa maalin kasta inay dilaan tiro kamid ah ciidamada Ruushka, haddii la xaqiijiyo arrintani waxay noqoneysaa weeraradii ugu dhimashada badnaa ay Ukraine ku qaaddo Ruushka.
Ukraine ma aysan xaqiijin in gantaalka uu ahaa nooca Himars iyadoo dhowreysa istaraatiijiyad soo jireen ah oo ah inaysan faahfaahin ka bixin weeraradeeda.
Saacado kadib duqeynta ka dhacday Makiivka, waxaa la beegsaday caasimadda Ukraine ee Kyiv, gantaal iyo diyaarad Drones ayaa duqeysay xarumaha muhiimka ah ee ku yaalla caasimadda, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Oleksiy Kuleba.
Wuxuu intaa in hal qof uu ku dhaawacmay khasaaraha ka dhashay weerarka Drones-ka. Oleksiy Kuleba wuxuu sheegay in diyaaradahha drones-ka ee lagu soo sameeyay Iran ee Shahed ay bartilmaameedsadeen xarumaha muhiimka ah ee Ukraine. "Waxaa diiradda saareyno ayaa ah in la is-dejiyo, dadkuna waa inay guryaha joogaan".
Militeriga Ukraine waxay sheegeen in lasoo riday 39 kamid ah diyaaradaha Drones-ka ee lagu soo sameeyay Iran halka duqa caasimadda Ukraine uu sheegay in la burburiyay xarumaha korontada taasoo saameeyay korontadii magaalada.














