xabbad-joojinta Gaza waxaa laga yaabaa inay joojiso dilka balse ma dhamayn doonto colaadda

Xigashada Sawirka, EPA
- Author, Jeremy Bowen
- Role, Tifaftiraha arimaha caalamka
Sarkaal sare oo Falastiini ah ayaa BBC-da u sheegay in Xamaas ay sii deyn doonto saddex asakari oo haween ah oo ka tirsan ciidamada Israa'iil maalinta ugu horreysa ee xabbad joojinta. Dhexdhexaadiyayaasha Doxa ayaa isku dayaya in ay bilaabato xabbad joojinta, fiidnimadii Khamiista halkii ay ahayd Axadda.
Ilaa ay xabad joojintu dhaqan gasho, dagaalka bilowday markii Xamaas ay weerartay Israa'iil 7dii Oktoobar 2023 ayaa socda. Ugu yaraan 12 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymaha ay Israa'iil ka geysatay waqooyiga Qaza, xilligii oo lagu dhawaaqay xabbad joojinta.
Xilli 15-kii bilood ee la soo dhaafay, muuqaal ay ka soo baxayeen waqooyiga Qaza ay muujinayeen meydadka oo lagu qaaday ambalaas lana dhigay meel bannaanka ah isbitaal aya waxa imika muuqata rejo.
Xabad joojintu waa guul diblumaasiyadeed oo la taaban karo. Way daahday muddo dheer. Noocyada heshiiska ayaa miiska saarnaa tan iyo markii uu ku dhawaaqay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden bishii May ee sanadkii hore. Xamaas iyo Israa'iil ayaa midba midka kale ku eedeeyay dib u dhacaasi.
Magaalada Khan Younis ee Gaza, saxafiyiin ka tirsan BBC-da ayaa muuqaal ka duubay Falastiiniyiin qoob ka ciyaar iyo heeso ku dhawaaqaya, ka dib markii ay caddaatay in xabad joojinta la isku raacay.
Israa'iil ma ogola in saxafiyiinta caalamiga ah ay galaan Gaza si ay si xor ah wax ugu soo tabiyaan, sidaas darteed BBC-da iyo hay'adaha kale ee wararka waxay ku tiirsan yihiin saxafiyiinta Falastiiniyiinta ah ee geesiyaasha ah si ay noogu soo ururiyaan wararka. Soo tebinta 15-kii bilood ee ugu dambeeyay dagaalka ma suuroobi lahayn la'aantood. Israa'iil waxay Qaza ku dishay in ka badan 200 oo saxafiyiin falastiiniyiin ah.
Ummu Muxamed oo ah haweeney da' ah oo Falastiini ah ayaa u sheegtay mid ka mid ah saxafiyiintayada inay dareentay farxad iyo nafis.
"Xanuunku wuu yara baxay, inkastoo uu weli jiro, waxaan rajeyneynaa in laga adkaan doono farxad, maxaabiisteena ha la sii daayo, kuwa dhaawacmayna ha la daweeyo, dadku way daalan yihiin."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Marka laga reebo badbaadada ma jiraan wax badan oo ay u dabaaldegaan Falastiiniyiinta Gaza. Israa'iil waxay dishay ku dhawaad 50,000 oo qof ugu yaraan. In ka badan laba milyan oo qof ayaa lagu qasbay in ay guryahooda ka baxaan kadib markii Israa'iil ay qaaday tallaabo milatari.
Jawaabta Israel ee weeraradii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023 ee lagu dilay ku dhawaad 1200 oo qof, oo u badnaa rayid Israa'iil ah, ayaa ka dhigtay Qaza MID burburtay. Sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas, weerarrada Israel waxaa ku dhintay ku dhawaad 50,000 oo qof, oo isugu jira dagaalyahanno iyo rayid. Daraasad dhowaan lagu sameeyay joornaalka caafimaadka ee Lancet ayaa sheegaysa in taasi ay noqon karto mid la yareeyay.
Magaalada Tel Aviv, waxa ay sidoo kale wakhti qaraar u ahayd qoysaska iyo taageerayaasha la haystayaasha Israel, nool iyo kuwa dhintayba. Wajiga koowaad ee xabbad joojinta, 33 dumar ah, rag waayeel ah iyo kuwa buka iyo kuwa dhaawacmay ayaa lagu wadaa in la sii daayo lixda toddobaad ee soo socota si loogu beddelo boqolaal maxaabiis falastiiniyiin ah - laakiin mustaqbalka inta kale ee la haystayaasha ayaa ku xiran tahay wada xaajoodyo dheeraad ah .
Wada xaajoodyada wejiga labaad ee heshiiska, si loo sii daayo la haystayaasha Israa'iil ee haray, si loogu beddelo Falastiiniyiinta xiran iyo ka bixitaanka Israa'iil ee Qaza ayaa lagu wadaa in uu bilowdo 16 maalmood ka dib heshiiska.
Caqabadda ugu horreysa ee ugu weyn ayaa ah in la hubiyo in xabbad joojintu ay sii socoto. Diblomaasiyiinta sare ee reer galbeedka ayaa ka cabsi qaba in wejiga koowaad ee 42 maalmood kadib uu dagaalku dib u bilaabmo.
Dagaalka Gaza ayaa cawaaqib xun ku yeeshay guud ahaan Bariga Dhexe. Ma aysan noqon, sida ay dad badani ka baqayeen, u horseeday dagaal guud oo ka dhaca gobolka - Maamulka Biden ayaa sheeganaya ammaantaas - laakiin waxay keentay kacdoonka juqraafiyeed.

Xigashada Sawirka, Reuters
Xamaas weli waa ay awoodaan in ay dagaallamaan laakiin sidii ay ahayeen dagaalka ka hor aad ayay uga tabar yar yihiin.
Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirkii hore ee gaashaandhigga ayaa lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ay geysateen taasi oo ay soo saartay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada. Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ayaa baaraysa kiis ay Koonfur Afrika u gudbisay oo israa'iil ku eedeynaya xasuuq.
Ka dib markii Xisbullah oo ku sugan Lubnaan ay soo dhexgashay dagaalka, waxaa, ugu dambeyntii, lagu burburiyay weerarka Israel. Taasi waxay ahayd arrin horseeday burburka nidaamka Asad ee Suuriya. Iiraan iyo Israa'iil ayaa isweydaarsaday weeraro toos ah – oo wiiqay Iran. Shabakadda xulafada iyo wakiillada ay Tehran ugu yeertay dhidibka iska caabinta waa la curyaamiyay.
Xuutiyiinta Yemen ayaa hakiyay inta badan maraakiibta isaga kala gooshta Yurub iyo Aasiya ee mara-na badda cas. Hadda wararka ayaa sheegaya in ay ku dhawaaqeen xabad joojin iyaga u gaar ah. Tan iyo markii ay bilaabeen in ay weeraraan maraakiibta horaantii dagaalka waxa ay sheegeen in xabad joojinta Qaza ay joojin doonto oo kaliya.
Nasiib wanaag, rabitaan siyaasadeed iyo dadaal diblomaasiyadeed oo adag xabbad joojintu way sii socon doontaa inkasta oo ay jiraan xad-gudubyo lama huraan ah. Nasiib wanaag, waxay joojin kartaa dilka waxayna dib u heli kartaa Israa'iil la haystayaasha iyo maxaabiista Falastiiniyiinta iyo maxaabiista dib loogu celiyo qoysaskooda.
Laakiin ka dib 15 bilood oo dagaal ah Gaza, colaadda oo socotay in ka badan qarni waa mid qaraar oo aan la xalin karin sidii hore.
Xabbad joojintu ma dhammnayso colaadda. Cawaaqib xumada intaas le'eg ee burburka iyo dhimashadu waxa la dareemi doonaa qarni ka badan, ugu yaraan.













