Atooraha caanka ah ee Sayf Cali Khan oo mindi lagu weeraray

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jilaaga caanka ah ee aflaanta Bollywoodka Saif Ali Khan ayaa isbitaal loo dhigay dhaawacyo badan oo tooreey ah ka dib markii la sheegay in qof soo galay gurigiisa uu weeraray.
Weerarka ayaa subaxnimadii hore ee Khamiista ka dhacay xaafad kore oo ku taal magaalada Mumbai, halkaasoo Khan uu kula nool yahay qoyskiisa.
Booliska magaalada ayaa BBC-da u sheegay in jilaaga uu dhaawacmay ka dib markii ay gacan ka hadal ku dhex maray isaga iyo nin aan la aqoonsan oo gurigiisa galay saqdii dhexe kadib.
Qoyska Khan ayaan wax hadal ah ka soo saarin dhacdada balse kooxda uu faafiyay ayaa sheegtay in ay ahayd kiis la isku dayay in la jabsado iyada oo aan wax faahfaahin ah laga bixin.
Khan ayaa loo qaaday isbitaalka Lilavati ee magaalada halkaas oo uu qaliin ku marayo.
Niraj Uttamani, oo ah madaxa hawlgalka isbitaalka ayaa BBC Marathi u sheegay in Khan ay soo gaareen lix dhaawac oo mindi loo adeegsaday, kuwaas oo labo ka mid ah ay aad u daran yihiin.
"Mid ka mid ah wuxuu ku dhow yahay laf-dhabarta, waxaa qaliinka ku sameynaya koox dhakhaatiir ah oo takhasus leh," ayuu raaciyay.
Booliska ayaa bilaabay baaritaan.
"Qof aan la garaneyn ayaa guriga soo galay jilaagan, intaasi kadib waxaa muran dhex maray isaga iyo ninkii soo galay gurigiisa," ayuu yiri taliye ku xigeenka booliska Mumbai Dixit Gedam.
Warbixin la sii daayay subaxnimadii Khamiista, kooxda Aktarka ayaa ka codsaday taageerayaashiisa inay ixtiraamaan sirtiisa.
"Waxaan ka codsaneynaa warbaahinta iyo taageerayaasha inay dulqaad muujiyaan, waa arrin booliiska la taalla, waan idinla socodsiin doonnaa wixii ku saabsan xaaladdiisa" ayay yiraahdeen.
Marxaladaha uu soo maray jacaylka iyo guurka Kareena Kapoor iyo Sayf Cali Khan
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sannadkii 2019-kii Kareena Kapoor ayaa markii ugu horreysay qiratay in markii ugu horeysay ee Sayf Cali Khan uu u soo bandhigay dalabka guurka, in aysan si 100% ah uga falcelinin. Markii labaad ee uu guurka ka dalbadayna, ay weli ka muujineysay sida aysan u hubin in ay ku kalsoonaan karto, sida ay qoreen warbaahinta Hindiya, oo uu ka mid yahay wargeyska Hindustan Times.
Waxay sheegtay in Sayf uu markii ugu horreysay uu kala hadlay in ay is guursadaan xilligii ay isla jilayeen filimka lagu magacaabo Tashan. Filimkaas ayaa lagu jilay dalka Giriigga.
Iyadoo sharraxeysa waxay tiri: "Wuxuu igu yiri 'waxay ila tahay in aan isguursanno'. hadalkaas na wuxuu ii sheegay annagoo isla joogno Giriigga. Mar kalena hadalkaas wuxuu igu soo celiyay annagoo jileyna filimka lagu magacaabo Ladakh. Anigana waxaan markaas ku dhahay: 'ma ogi, sababtoo ah kuma garanayo'. Marka runtii taas micnaheeda ma ahayn 'maya', balse waxay ahayd in aan doonayay in aan si wanaagsan isku sii baranno".
Kareena Kapoor ayaa su'aal laga weydiiyay sida ay shaqadeeda usii wadatay ka dib markii la guursaday, carruurna yeelatay.
"Waxaan u maleynayaa in aan sameeyay go'aankii ugu wanaagsanaa nolosheyda oo dhan. Si wanaagsan ayaan u kala cadeeyay arrimaha ku saabsan nolosheyda, xirfadeed iyo midda shakhsi ahaaneed ee la xiriirta qoyska.
"Cudur ma aha in uu qofku jacayl galo, dhimashana ma ahan. Waan u sheegay Sayf, waxaana ku iri: 'I dhageyso, aniga waligey ma joojinayo shaqadeyda', isaguna wuxuu i yiri 'taas waajib ayey kugu tahay'."

Xigashada Sawirka, AFP
Sayf Cali Khan ayaa wareysi uu dhawaan bixiyay lagu weydiiyay inuu khatar ka dareemayo guulaha ay Kareena ka gaartay shaqada jilista aflaanta, iyo in filimkiisa uusan heer fiican ka gaarin box office-ka.
Isagoo su'aashaas ka jawaabaya wuxuu yiri: "Maya, maya, maya. Waxay ila tahay in aan aad uga fognahay arrin noocaas ah. Cid lagu eedi karo ma jirto taas. Waad ogtahay xaaladaha way isbeddelaan, mar kor ayaad jirtaa marna hoos. Mararka qaar qof wuxuu ka guulo badnaanayaan qof kale, mar kalena labada qofba waxay wadaagayaan wakhti aad u wanaagsan. Laakiin aniga weligey sidaas uma fakarin. Run ahaantii guulaha aan ka gaaray nolosheyda waxba kama galin box office, waa mid khuseysa qoyskeyga".
Sayf Cali Khan waxaa lagu qeexay inuu yahay jilaaga 4-aad ee dhaqaalaha ugu badan ka sameeya jilista aflaanta Bollywood-ka, marka laga soo tago Aamir Khan, Shah Rukh Khan, iyo Salman Khan iyo Akshay Kumar.
Aabihiis waxaa lagu magacaabaa Mansoor Cali Khan Pataudi, wuxuuna ahaa kabtankii hore ee xulka qaranka ciyaaraha Cricket-ka ee dalka Hindiya.











