Muxuu yahay qorshaha Mareykanka sida hoose looga ogaaday ee ku aaddan soo afjarida dagaalka Ukraine?

Dagaalka Ukraine

Xigashada Sawirka, Marharyta Fal/Frontliner/Getty Images

Qorshaha nabadeed ee Maraykanka iyo Ruushka oo qabyo ah ayaa si weyn loo shaaca looga qaaday, waxaanan hadda ognahay inuu soo jeedinayo in goobaha warshadaha ee Ukraine ee bariga Donbas ee weli ku jira gacanta Ukraine lagu wareejiyo Vladimir Putin iyo Ruushka.

Nuquladiii ugu dambeeyay ee qoraalka ayaa sidoo kale ku baaqaya in Ukraine ay dhimeyso tirada ciidamada qalabka sida oo aysan noqon wax ka badan 600,000 oo qof.

Maxay yihiin qodobbada muhiimka ah?

Waxaa jira 28 qodob oo muhiim ah oo ku jira, waxaana jira dhowr qodob oo laga yaabo inay aqbali karaan Ukraine. Qaar kale oo ka mid ah qodobadan waa kuwa aan kala caddeyn oo faahfaahsanayn.

Haddii Ruushku uu ku soo duulo Ukraine "jawaab milatari oo isku dubaridan oo adag" ayaa la soo jeediyay oo ay weheliso soo celinta cunaqabataynta iyo burburinta heshiiska.

Madaxbanaanida Ukraine waa la "xaqiijin doonaa" waxaana jiri doona "heshiis dhameystiran oo dhigaya in aan la isku soo gardaroon kaasi oo u dhexeeyn doona Ruushka, Ukraine iyo Yurub", taasi oo leh "dammaanad amni oo" adag ama la isku halleyn karo.

Waxaa sidoo akle ku jira dalab ah in 100 maalmood gudahood lagu qabto doorashooyiin.

Haddii Ruushku uu ku soo duulo Ukraine "waxaa laga bixin doonaa jawaab milatari oo isku dubaridan oo adag" sida la soo jeediyay waxaana dib loo soo celin doonaa cunaqabataynta iyo burburinta heshiiska.

Inkasta oo doorashooyinku aanay suurtogal ahayn Ukraine maadaama uu jiro sharci dagaal, haddana aragti ahaan waa la qaban karaa haddii heshiis nabadeed la saxiixo.

Laakin marka la eego dammaanad qaadka amniga, ma jiro tafaasiil ku saabsan cidda bixinaysa iyo sida ay u adag tahay.

Tani waa mid ka hooseysa nidaamka ay isticmaalaan Nato ee Qodobka Shanaad ee ballanqaadka ah in weerarka Ukraine uu la mid yahay weerar dhammaan dalalka lagu soo qaaday . Kyiv waxa ay doonaysaa in ka badan ballan-qaad aan caddayn haddii ay tahay in la saxiixo.

Wareejinta dhulka Ukrain iyo dhimidda ciidamada

Duullaanka Ruushka ee ukraine ayaa waxaa ka dhashay kharaa xooggan

Xigashada Sawirka, Reuters

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Soo jeedinada muranka badan dhaliyay waxaa ka mid ah in Ukraine ay wareejiso dhulkeeda aysan gacanta ku heyn, isla markaana la dhimo tirada ciidamada qalabka sida.

"Ciidamada Ukraine waxay ka bixi doonaan qaybta Donetsk ee ay hadda gacanta ku hayaan, aaggan ka bixitaankana waxaa loo aqoonsan doonaa aag difaac ah oo dhexdhexaad ah, oo caalami ahaan loo aqoonsan yahay dhul uu leeyahay Federaalka Ruushka. Ciidamada Ruushku ma geli doonaan aaggan militariga."

Dhulka laga jarayo Ukraine halkaas oo ugu yaraan rubuc milyan Ukrain ah ku nool yihiin - gobolka Donetsk " sida magaalooyiinka Slovyansk, Kramatorsk iyo Druzhkivka - ma noqon doonto mid ay aqbali karaan in inta badan dadka reer Ukraine.

Ruushka ayaa muddo sanad ka badan isku dayay inuu qabsado magaalada Pokrovsk - islamarkana Ukraine uma badna inay ku wareejiso xarumaha muhiimka ah ee istiraatiijiga ah dagaal la'aan.

"Tirada ciidamada qalabka sida ee Ukraine waxay ku koobnaan doontaa 600,000 oo askari."

Milatariga Ukraine ayaa hadda lagu qiyaasay bishii Janaayo ee la soo dhaafay 880,000 askari, waxayna tirada ahayd 250,000 bilowgii duullaanka ballaaran ee February 2022.

Inkastoo tirada 600,000 ay u ekaan karto tiro la aqbali karo wakhtiga nabadda, xaddidaadda noocaas ah waxay ku xad-gudbi doontaa madax-bannaanida Ukraine. Waxa kale oo laga yaabaa inay tiro aad u weyn u tahay Ruushka inuu aqbalo.

"Qadadkayada cas waa kuwo cad oo aan leexleexad lahayn," wakiilka Ukraine Khrystyna Hayovyshyn ayaa sidaasi u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay: "Weligeed ma jiri doonto aqoonsi rasmi ah oo ah in dhulka Ukraine ee u hadda haysto Ruushka.

Qabyo-qoraalka ayaa sidoo kale soo jeedinaya in "Crimea, Luhansk iyo Donetsk loo aqoonsan doono in ay yihiin dhul uu leeyahay Ruushka, waxaana ka mid noqon doona dalalka aqoonsanaya Maraykanku".

Si kale haddii loo dhigo Ukraine iyo dalalka kale uma baahna inay aqoonsadaan xukunka Ruushka sharci ahaan. Taasi waxay awood u siin kartaa Kyiv inay aqbasho weerahan oo kale, maadaama aysan wax u dhimayn dastuurka Ukraine ee sheegaya in xuduudaheeda ay yihiin kuwa"aan la kala qaybin karin oo lama taabtaan ah".

Haddii aan eegno meelaha kale, gobollada koonfureed ee Kherson iyo Zaporizhzia, jiidaha hore waa la isku mari la'yahay , Ruushkuna wuu ka tanaasuli doonaa meelaha uu qabsaday ee kale ee Ukraine.

Madaxweyne Zelensky

Xigashada Sawirka, Zelensky/Telegram

Mustaqbalka Ukraine - Midowga Yurub ayuu la yaalaa ee maaha Nato

Qabyo-qoraalka ayaa soo jeedinaya ballanqaadyo muhiim ah oo ku saabsan mustaqbalka istiraatiijiga ah ee Ukraine:

"Ukraine waxa ay ogolaatay in ay ku caddayso dastuurkeeda in aanay ku biiri doonin Nato, Nato-na waxa ay ogolaatay in ay ku darto xeerkeeda qodob ah in Ukraine aan la aqbali doonin mustaqbalka".

"Ukraine waxay xaq u leedahay xubinimada Midowga Yurub waxayna fursad u heli doontaa suuqa muddada gaaban ee la midowga Yurub inta arrintan la qiimeynayo."

Waxaa jirta fursad yar oo ay Ukraine ugu biiri karto gaashaanbuurta Nato mar dhow, waxaana Ruushka uu bilihii la soo dhaafay dabciyay mowqifkiisa ku aadan musharaxnimada Ukraine ee xubinimada Midowga Yurub.

Dukumeentigu wuxuu u muuqdaa inuu Kyiv u soo bandhigayo helitaanka suuqyada midowga Yurub iyadoo la iska indha tiray aragtida ay ka qabaan 27 waddan ee midowga ku jira.

Ku biirista Midowga Yurub iyo Nato waa qayb ka mid ah dastuurka Ukraine.

Wakiilka Ukriane ee Qaramada Midoobey Khrystyna Hayovyshyn ayaa Khamiistii u sheegay Qaramada Midoobay: "Uma dulqaadan doono wax kasta oo xad-gudub ku ah madax-bannaanidayada oo ay ku jirto xuquuqdeena madaxbannaanida si aan u doorano xulafada aan rabno inaan ku biirno."

Soo jeedinta kale ee qabyada ah ayaa ah in Nato ay ogolaatay in aan ciidamo la geyn Ukraine iyo in diyaaradaha dagaalka Yurub la dejiyo Poland. Kyiv sidoo kale waa inay ka go'an tahay inay noqoto "dawlad aan Nukliyeer haysan".

ka laabashada go'doomintii lagu hayay Ruushka

Dhowr qodob ayaa tilmaamaya in Ruushka lagala laabto go'doominta iyadoo "Ruushka dib loogu soo celinayo dhaqaalaha adduunka" laguna martiqaaday in lagu soo celiyo kooxda awoodaha dhaqaalaha caalamka ee G8.

Taasi waxay hadda u muuqataa mid fog, iyadoo wali ay taagan tahay amarka Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee ahaa in la xiro Putin.

Ruushka ayaa laga saaray G7 ka dib markii uu qabsaday ka dibna uu ku daray dhulkiisa gobolka Crimea 2014-kii islamarkana Trump ayaa isku dayay inuu Putin dib ugu soo celiyo 6 sano ka dib.

Haddii UK, Canada, Fransiiska, Jarmalka, Taliyaaniga iyo Japan ay ka caga jiidayeen xitaa ka hor duulaanka buuxa ee Ruushka, waxaa jirta fursad yar oo ay taasi ku dhici karto hadda.

Maxaan qorshaha ku jirin?

Dhowr falanqeeye ayaa tilmaamay in qorshuhu uusan u baahnayn xaddidaadyo xagga hubka ah oo ku saabsan militariga Ukraine ama warshadaha hubka, inkastoo uu jiro qodob oranaya: in haddii Ukraine ay gantaal ku riddo Moscow ama St. Petersburg markaas dammaanadda amniga waxaa loo aqoonsan doonaa mid aan waxba ka jirin.

Laakiin ma xaddidayso hubka riddada dheer ee Ukraine ay horumarinaysay - sida gantaaladeeda Flamingo iyo Long Neptune.

Waxaan ognahay in Maraykanku uu aad u danaynayo in uu si degdeg ah qorshahan u socdo, iyada oo ay jiraan warbixino sheegaya in Ukraine ay haysato ilaa dabayaaqada usbuuca soo socda inay ku qabsho.

Sidoo kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Marco Rubio, oo ku hawlanaa diyaarinta qorshahan, ayaa ku tilmaamay inay tahay "liiska fikradaha suurtagalka ah ee lagu soo afjarayo dagaalkan",.