Taariikhda fannaanad Maryan Naasir Cali oo Muqdisho ku geeriyootay

Maryan Naasir Cali

Xigashada Sawirka, Baraha bulshada

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyootay fanaanadii caanka ahayd ee Maryan Nasir Cali.

Maryan ayaa ka mid ahayd fanaantii xilligii dowladdii kacaanka isla markaana waxay caan ku ahayd heesaha Banaadiriga.

Maryan Naasir Cali ayaa la sheegay in muddooyinkii u dambeeyay ay ku xanuunsanaysay magaalada Muqdisho.

Taariikhda fannaanadda Maryan

Allaha u naxariistee Maryan Naasir Cali ayaa waxay heeso la qaadday fannaaniin badan gaar ahaan heesaha Banaadiriga.

Fannaaniinta caanka ah ee ay la heestay waxaa ka mid ahaa Aweys Khamiis, Axmed Shariif Killer, Saalim Saciid Saalim iyo fannaaniin kale.

Sanooyin ka hor wareysi ay Maryan siisay warbaahinta dowladda waxay ku sheegtay in heestii ugu horeysay ee ay qaaday ay ahayd hees ay wada qaadaan fanaanka weyn ee Axmed Shariif Killer.

Waxay sheegtay in fanka ay ka soo bilawday ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka islamarkana ay baratay cyaaaraha laga dheelo qeybaha kala duwan ee Soomaaliya.

"Aniga waxaan ahaa qof raabka sameeya, fankayga waxaa ka soo bilaabay Akadamiyada Hiddaha iyo Dhaqanka iyo Tacliinta sare, muddo ayaan halkaas joogay, ciyaaro badan ayan ku soo bartay sida Beereey Walasaqo, Dhaanto, Bulo iyo ciyaar kale," ayay ku sheegtay wareysigaasi.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxa ay intaa ku dartay in heesaha ay bilowday 1985-tii islamarkana kaalin ay lahayd fanaanada Luul Jeylaan ay gashay maadama Luul ay xilligaa dalka dibadiisa ku maqnayd.

"Sanadkii 1985 ayaan heesaha bilaabay, Luul Jeylaan ayaa maqnayd oo jiddah jirta marka Ruwaayadihii wax heeso ayaa la waayay marka Maryan ha la boroobeeyo ayaa la dhahay aniga oo waliba niyo u lahayn Hees iyo waxaas sidii ayaa la igu qaatay marka heestaas ayaa la igu qaatay oo la dhahay way heesi kartaa qoftaan," ayay tiri.

Fanaanadda Siteey Muxumed Sheekh (Qosol Wanaag) oo BBC la hadashay ayaa sheegtay in ay muddo dheer soo wada shaqeeyeen Maryan.

Waxay ay sheegtay in ay Maryan ka mid ahayd dadkii ay sideetameeyadii fanka isla bilaabeen inkastoo ay ka soo yaraha horeysay.

"Ilaa siddeetameeyadii ilaa 1980-aadkii dad aan isla jaanqaadnay ayay ku jirtay walow aan aniga uga horeeyay fanka marka Samir iyo iimaan allah ha naga siiyo" ayay tiri," Siteey Qosol Wanaag.

"Waxay ka mid ahayd kooxihii Banaadiriga laakin koox ay rasmi uga tirsanayd ma jirin, kooxdii Iftiin ayaan la shaqeyni jirnay kooxdii Durdur ayaan la shaqeyn jirnay laakiin aniga waxaan oga duwanaa waabari ayaan ka tirsanaa," ayay intaa ku dartay Siteey.

Maryan Naasir Cali

Xigashada Sawirka, Socail Media

Shakhsiyaddii Maryan Cali

Sida ay sheegeen qaar ka mid ah fanaantiin la soo shaqeysay Allah ha Naxaristee Maryan waxay ku sifeeyeen qof dabeecad wanaagsan.

Fanaanada siteey Muxumed Sheekh (Qosol Wanaag) ayaa BBC u sheegtay in ay muddo dheer soo wada shaqeeyeen ayna ahayd qof shaqsiyad wnaagsan.

"Maryan Nasir Cali, Allaha qabrigeeda ha u waasiciyo aniga iyo iyada dadka waan isaga dhaweyn wax badana waan soo wada shaqeynay qof fiican ayay ahayd" ayay tiri Siteey.

Waxay sheegtay in ay ahayd qof dabeecad wanaagsan oo ay aad isugu dhawaayeen.

"Waxyaabo badan ayaan ku xusuustaa waxay ahayd qof qalbi iyo dabeecad wanaagsan aniga iyo iyada walaalo camal ayaan ahayd oo dadka wana siaga dhaweyn, ayay tiri Siteey.

Allah ah Naxariistee fanaanada Maryan Nasir Cali ayaa isla maanta lagu aasay qabuuro ku yaalla magaalada Muqdisho.

Aaskeeda ayaa waxaa ka soo qeyb gaalay fannaaniin, abwaanno iyo ehellada marxuumadda.