Go’aan noocee ah ayay Maxkammadda ICJ ka gaari doonta kiiska Xasuuqa Koonfur Afrika ee ka dhanka ah Israa’iil ee maanta lagu dhawaaqayo?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa Jimcaha maanta ah go’aankeedii ugu horreeyay ka soo saari doonta dacwadda xasuuqa ah ee ay Koonfur Afrika u gudbisay Israa’iil ee ku aaddan dagaalka Gaza .
Inta badan khubarada sharciga ayaa rumeysan in maxkamaddu ay go’aan ka gaari doonto oo ay aqbali doonto codsiga Koonfur Afrika ee ku aaddan tillaabooyinka ku meel gaarka ama ku meel gaarka ah.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika Naledi Pandor ayaa goobjoog ka noqon doona maxkamad ku taal dalka Holland.
Si kastaba ha ahaatee, Israa’iil ayaa kalsooni ka muujisay in maxkamadda ICJ ay diidi doonto kiiska.
"Waxaan filaynaa in dabcan ay meesha ka saarayso eedeymaha qosolka leh ee ay South Africa ku soo rogtay," af hayeenka xukuumadda Israel Eylon Levy ayaa sidaa u sheegay warbixin kooban.
Dacwada ayaa lagu dhegaystay Hague 11 iyo 12 Janaayo, iyadoo Israa'iil ay soo bandhigtay difaaceeda maalintii labaad.
Koonfur Afrika ayaa maxkamadda ka codsatay in ay Israa'iil ku amarto in ay joojiso dagaalka Qaza iyo sidoo kale in ay ogolaato in gargaarka bini'aadantinimo aan la hor istaagin.
Balse Afhayeenka xukuumadda Israa’iil Elon Levy ayaa sheegay in Israa’iil ay iska difaaci doonto kiiskan, waxa kale oo uu intaa ku daray in Xamaas ay si buuxda uga masuula tahay oo dagaalka iyadu bilowday.
Muxuu yahay kiiska?

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Koonfur Afrika ayaa sheegtay in Israa’iil ay jabisay heshiiskii Xasuuqa ee 1948-kii iyada oo adeegsanaysa ololaheeda milatari ee Gaza waxayna dacwad ka dhan ah Israa’iil u gudbisay maxkamadda ICJ 29-kii Disembar.
Xasuuqa ayaa ah dembiga ugu adag loona baahan yahay in caddeeyo maadaama " xasuuqa" uusan keliya ahayn dilka dadka.
Waa in la muujiyaa in dowladi dooneyso in gebi ahaan ama qayb ahaan ay burburiso qaran, qoomiyad ama diin.
Koonfur Afrika waa inay soo bandhigtaa caddaynta qorshaha Israel ama qaabka hab-dhaqanka xasuuqa kaas oo aan sinaba loo sharxi karin.
ICJ, oo ah maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay, waxay dhegaysataa murannada u dhexeeya dawladaha.
Sannadkii 2007, maxkamaddu waxay xukuntay in Serbia ay ku guuldareysatay inay ka hortagto xasuuqii Srebrenica ee 1995 halkaasoo 8,000 oo rag iyo wiilal Muslimiin ah lagu dilay Bosnia iyo Herzegovina.
Laakiin Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa diiday sheegashada Bosnia ee ah in Serbia, ay si toos ah xasuuq uga geysatay Srebrenica.
Taas beddelkeeda, maxkamaddu waxay ogaatay in Serbia ay ku guul-darraysatay inay ka hortagto xasuuq uu gaysatay Jeneraal sare oo ka tirsan.
Michael Baker, oo qoraa sharci ka ahaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, ayaa sheegay in maxkamaddu ay dejiso heerar sare oo lagu caddeeyo "ujeeddada xasuuqa"
Waa maxay dagaalka Israa'iil ee Gaza?

Xigashada Sawirka, Getty Images
In ka badan 25,700 oo Falastiiniyiin ah oo u badan haween iyo carruur ayaa lagu dilay Gaza, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.
Qiyaastii 1.7 milyan oo qof - ku dhawaad saddex meelood meel dadka - ayaa sidoo kale barokacay.
Iska horimaadku wuxuu bilaabmay 7-dii Oktoobar markii dagaalyahannada Xamaas ee Qasa ay weerareen Israa’iil halkaas oo la sheegay inay dileen ugu yaraan 1,200 oo Israa'iiliyiin ah, halka in ka badan 240 qofna ay u qafaasheen dhanka Qasa.
Ka dib Israa’iil ayaa qaadday tallaabo aargoosi oo ku bilowday duqaymo dhanka cirka ah iyo duullaan dhulka ah oo lagu qaaday Qasa.
Maxay dalban kartaa ICJ?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haddii ICJ ay go'aansato inay soo saarto tillaabooyin degdeg ah, kuma xirna inay si sax ah u dalbato waxa Koonfur Afrika ay codsatay.
Maxkamaddu waxay ku amri kartaa Israa'iil inay raacdo sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimada, ogolaato in in Qasa loo diro ergo xaqiiqo raadin ah ama ogolaato in la gaarsiiyo gargaar aan la hor istaagin.
Xukunnada maxkamaddu waa kuwo sharci ah oo aan racfaan lahayn, laakiin maxkamaddu ma laha awood ay ku fuliso.
Waa maxay doorka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda?
Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ayaa ah maxkamadda ugu sarreysa Qaramada Midoobay, waxaana howsheedu ay tahay inay go'aan ka gaarto murannada u dhexeeya dalalka.
Dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay waxay si toos ah xubin uga noqonayaan Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda.
Waddan kasta ayaa dacwad horgeyn kara maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, taasoo ka kooban 15 garsoore oo ay soo doorteen golaha guud ee Qaramada Midoobay iyo golaha ammaanka muddo sagaal sano ah.
Waxaa ka mid ah awoodda maxkamadda in ay tixgeliso khilaafyada la xiriira Heshiiskii Xasuuqa ee 1948-kii.
Ka dib markii lix milyan oo Yuhuud ah ay Naasiyiintu ku dileen Yurub intii lagu jiray dagaalkii labaad ee aduunka intii u dhaxaysay 1939 iyo 1945, hogaamiyayaasha caalamku waxay doonayeen inay ka fogaadaan soo noqnoqashada iyagoo qaatay heshiiskan.
Waxaa xusid mudan in Israa’iil, Koonfur Afrika, Myanmar, Ruushka iyo Mareykanka ay ka mid yihiin 153-ka waddan ee ansixiyay.













