Xiriir noocee ah ayaa ka dhaxeeya xanuunada dhimirka iyo Kiniiniyada lagu kontaroolo dhalmada

Kaniiniyada dhalmada lagu koontaroolo
    • Author, Sandy Ong
    • Role, BBC

Qaar kamid ah dumarka ayaa ka walaacsan sida kiniiniyada ka hortagga uurka uu saameyn ugu yeesho caafimaadkooda maskaxeed, haddaba ma jiraan caddeyno cilmiyaysan oo taageeraya cabsidan?

Sida haween badan oo dhalinyaro ah, Sarah E. Hill waxay isticmaashay kaniiniyada kantaroolida dhalmada xilligeedii dhallinyaronimada iyo inta badan da'deedii 20-ka "Weligay iguma dhicin inaan su'aal ka keeno," ayay tiri Hill, oo ah cilmi-baare iyo borofisoor cilmi-nafsiga korriinka ee Jaamacadda Texas Christian University ee Maraykanka.

Sanadihii lasoo dhaafay waxaa kordhay haweenka cabsida qaba, waxay noqdeen kuwo aad uga walaacsan dhibaatooyinka ka hortagga uurka, gaar ahaan saameynta ay ku leeyihiin niyadda haweenka iyo caafimaadka maskaxda, arrintu waxay sidoo kale abuurtay falcelin baahsan, kuwaas oo ka muuqday goobaha warbaahinta bulshada, oo hal ku dhig ay ka dhigteen "ka tagista ka-hortagga uur-qaadida."

Heerarka isticmaalka kaniiniyada ka hortagga uurka ayaa si weyn hoos ugu dhacay waddamo badan oo horumaray, sida Ingiriiska, adeega caafimaadka galmada iyo taranka ayaa la sheegay inuu hoos u dhac ku yimid tirada haweenka isticmaala kaniiniga, 39 boqolkiiba oo ay ahayd 2020-21 ayay 27% boqolkiiba 2021-22.

Maraykanka, tirada boqolayda ee isticmaalayaasha dumarka ah ayaa hoos uga dhacay 31 boqolkiiba, sanadkii 2002. Halka 24 boqolkiiba ay noqotay intii u dhaxaysay 2017 iyo 2019. Kanada iyo Australia ay sidoo kale laga dareemay hoos u dhac weyn, iyadoo heerka isticmaalka uu hoos uga dhacay 23 boqolkiiba intii u dhaxaysay 2006-2016, iyo ilaa 11 boqolkiiba intii u dhaxaysay 2008 ilaa 2016.

Marka laga soo tago in dumarka qaarkood ay soo bandhigaan werwerkooda , qaar ka mid ah dadka saamaynta ku leh baraha bulshada ayaa faafinaya macluumaad khaldan oo ku saabsan dhibaatooyinka kaniiniga ah ee uu leeyahay, haddii ay tahay maskax ahaan iyo jidh ahaanba, in kasta oo aanay aqoon caafimaad u lahayn, haddana qaarkood waxa ay ku dhiirradaan in ay dumarka ku booriyaan in ay gebi ahaanba iska daayaan ka hortagga uurka, taas oo keentay in khubarada qaar aaminsan yihiin in tani ay tahay mid ka mid ah sababaha ka dambeeya kororka heerka ilmo iska soo rididda ee Ingiriirska.

Su'aashu waxa ay tahay : Kiniinnada ka hortagga uurka ma saameyn karaan shakhsiyadda haweeneyda iyo aragtida nolosha? Ma laga yaabaa inay gacan ka geystaan xanuunada nafsiga ah ee halista ah, sida walaaca iyo niyad-jabka, ama xaaladaha aadka u daran inay horseedo is-dilid.

Jawaab celin gaabis ah

Jawaabaha su'aalahan ayaa u muuqda kuwo aan la hubin.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Markii ugu horreysay ee kiniiniga laga isticmaalay Mareykanka 1960-kii, ilaa 1.2 milyan oo haween ah ayaa isticmaalay laba sano gudahood, kiniiniyada yar yar ayaa isbeddel ku sameeyay xakameynta dhalmada.

Khubarada ayaa ku qeexay heerka guul darrada hab kasta oo ka hortagga uur-qaadista, inay tahay tirada uur ku tallaalida aan la qorshayn ee laga yaabo inay ku dhacaan 100-kii haween ee isticmaala habkaas, muddo hal sano gudaheed.

Waxaa jira laba nooc oo kamid ah kiniiniyada kahor taga uurka, labaduba waxaa ay ka kooban yihiin galmada ee la sanceeyay, nooca Koowaad ayaa loo yaqaan "combination pill" oo ah midka ugu badan ee la isticmaalo, waxaana ku jira noocyada hormoonada ee kala ah estrogen iyo progesterone.

Labada noocba waxay u shaqeeyaan siyaabo badan oo looga hortago uurka, oo ay ku jiraan yaraynta ugxan sidaha iyo dhumucda xabka ilmo-galeenka, taas oo xannibaysa socdaalka shahwada kana diidaysa inay gaadhaan ukunta.

Saameynta hormoonnada ka hortagga uurka kuma koobna oo keliya jidhka haweeneyda, laakiin waxa ay keenaan in ay saamayn qoto dheer ku reebto maskaxda oo awal loo ogaa inay tahay mid togan oo caafimaad ah, haddase ay soo baxayso dumarka ka cabanaya inay dhibaato u keentay.

Johannes Bitzer oo ah dhakhtar haweenka iyo cilmu nafsiga ee Jaamacada Basel ee Swezerland ayaa sheegay saameynta hormoonada ee maskaxda haweenka ay tahay mid adag, lagana yaabo inuu hagaajiyo caafimaadka maskaxda, haweenka qaarkoodna ay u kordhin karto walaaca iyo walwal."

Muddo 65 sano ah oo kaniinigu jiray, digniinaha caafimaad ee ku saabsan aad ayay naadir u ahayd, qaar ka mid ah adeeg bixiyaasha caafimaadka galmada ee UK iyo US weligood kuma aysan soo bandhigin barahooda Internet-ka saamaynta nafsiyeed oo ay yeelan karaan.

kiniinka dhalmada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Natiijooyinka Is khilaafaya

Daraasadaha qaarkood ayaa muujinaya natiijooyin ka soo horjeeda xiriirka la filayo ee ka dhexeeya dhacdooyinka qaar kamid ah cudurrada nafsiga ah iyo isticmaalka kaniiniyada xakameynta dhalmada tusaale ahaan, markii cilmi-baarayaasha Jaamacadda Ohio ay dib u eegeen 26 daraasadood oo hore, waxay ogaadeen in xiriirka ka dhexeeya ka hortagga uur qaadida oo ka kooban progestin oo kaliya iyo niyad-jabka ay ahayd mid "aad u yar."

Labo tijaabo oo Iswiidhan lagu sameeyay oo mid walba ay ku lug lahaayeen inta u dhaxaysa 200 iyo 340 haween ah, ayaa sidoo kale lagu soo gabagabeeyay in kiniinka la isku daray uusan wax ku kordhinayn niyad jabka ama niyad xumada haweenka.

Waxaa xusid mudan in "nasasho" laga qaato qaadashada kaniiniyada ka hortagga uurka, sida ay dhakhaatiirtu ku taliyaan toddoba maalmood bishiiba noocyo badan oo kiniinno isku dhafan ah, ay gacan ka geysan karto xaalad nafsi ah oo sii xumaanaysa, sida laga soo xigtay daraasadaha qaarkood.

Haddii aan ka eegno dhinaca caafimaadka dhimirka, isticmaalka joogtada ah ee ka hortagga uur-qaadista waxay noqon kartaa ikhtiyaar faa'iido badan," ayay tiri Belinda Peltzer, oo ah khabiir ku takhasusay neerfaha maskaxda oo ka tirsan Jaamacadda Salzburg oo madax ka ah mashruuc ay taageerto Midowga Yurub si loo sahmiyo saameynta kiniinka ee maskaxda haweenka.

Pelzer ayaan meesha ka saarin suurtagalnimada in haweenka qaar ay la kulmaan saameyn nafsi ah oo xun marka ay isticmaalayaan kaniiniyada ka hortagga uurka, iyada oo ku nuuxnuuxsatay baahida loo qabo in calaamadahan si dhab ah loo qaato.

Daraasad la sameeyay sannadkii 2023 ayaa wax looga weydiiyay 120 dumar ah , oo qaarkood muddo dheer isticmaalayay kiniiniyadan, ka qayb galayaasha qaarkood ayaa muujiyay heerka warwarkooda uu kordhay 7% intii ay ku guda jireen muddadii ay iska joojiyeen isticmaalka, ayna weheliso kororka 13 boqolkiiba ee dareenada xun iyo 24% korarka calaamadaha nafsaaniga ah.

Isbedelka Kiimikada Maskaxda

Su'aasha meesha taal ayaa ah sidee beey saameyntaasi ugu yeelan kartaa caafimaadka dhimirka, maxaase sababa?

Waxaa jira dhowr qaab oo saameynta kaniiniyada ka hortagga uurka ay ku faragelin karaan niyadda haweeneyda.

Mid ka mid ah raadadka wanaagsan ee kiniiniyada ilaalinta dhalmada ayaa ah in ay saameeyaan soo saarista hormoonnada dabiiciga ah ee Estrogen iyo Progesterone, kuwaas oo ah laba hormoon oo door muhiim ah ka ciyaara kiimikada maskaxda, oo ay ku jiraan hawlaha garashada, saamaynta neuroprotective, iyo sidoo kale nidaaminta socodka ee dhiigga, yaraynta bararka, iyo isku xirka calaamadaha dareemayaasha.

Waxaa bedelkeeda, kaniiniyada isku dhafan iyo progestin, oo ay weheliyaan daaweynta hormoonka beddelka, ay ka kooban yihiin synthetic ah oo hormoonnadaas ah, kuwaas oo carqaladeyn kara wareegga caadada ee dabiiciga ah.

Waxaa la rumaysan inay jiraan saameyno kala duwan, oo ay ku jiraan carqaladeynta marinada neerfaha ee ku xiran serotonin neurotransmitter, oo inta badan loo gudbiyo maskaxda "xoojinta niyadda dabiiciga ah," ee haweenka isticmaala kaniiniyada kahor taga uurka.

dawooyin

Xigashada Sawirka, PA Media

Khataraha ku wajahan gabdhaha da'yarta

Waxaa jira hal koox oo aad u welwelsan oo ah da'da gabdhaha yar. Daraasada ayaa lagu ogaaday gabdhaha da'doodu u dhaxayso 15 ilaa 19 ay 1.8 jeer ka badan tahay inay qaataan dawooyinka niyad jabka, kadib markii ay bilaabeen kiniinka ilaalinta uurka ee la isku daray marka loo eego kuwa aan isticmaalin.

Kuwa isticmaala kiniiniyada yaryar ayaa khatartu u badan tahay labanlaab inay qaataan dawooyinka niyad jabka, taasi oo ka badan 2.2 jeer kuwa aan qaadan kiniiniga.

Daraasadda Zettermark ayaa muujisay in gabdhaha qaan gaarka ah ay aad u saameeyeen xiriirka ka dhexeeya hormoonnada ka hortagga uurka iyo isticmaalka kororka daawooyinka ka hortagga niyad-jabka iyo welwelka gabdhaha 12 ilaa 14 waxay ahaayeen 240 boqolkiiba iyo 190 boqolkiiba waxay u badan tahay inay helaan warqad dhakhtar qoray sannad gudihiis marka ay bilaabaan kiniinka isku-dhafka ah iyo kuwa yar-yar, siday u kala horreeyaan, halka gabdhaha ay u badan tahay 15 boqolkiiba

Daraasad kale, oo xogta laga helay in ka badan 460,000 oo haween ah oo ku nool UK, cilmi-baarayaasha ayaa ogaaday in haweenka isticmaala kiniinka ka hortagga uurka marxalad kasta oo noloshooda ah ay aad ugu dhow yihiin inuu ku dhaco niyad-jabka, khatartan ayaa ah mid aad u caan ah labadii sano ee ugu horeysay ee isticmaalka.

Marka laga soo tago dhalinyarada, waxaa jira koox kale oo ay dhakhaatiirtu ka taxadaraan inay qaataan kaniiniyada ilaalinta dhalmada, Kalner ayaa u digaya haweenka, isagoo leh, "Haddii aad leedahay taariikh niyad jab ah, ama aad la kulanto xanuuno niyad-jab ah oo soo noqnoqda, ama cudur kale oo nafsi ah, tani waxay kordhinaysaa suurtogalnimada inaad niyad jabsan tahay markaad isticmaalayso kiniinka ilaalinta dhalmada.

Fiiro gaar ah: Macluumaadka ku jira maqaalkan waxaa loogu talagalay ujeeddooyin macluumaad oo keliya mana aha in loo tixgeliyo beddelkii talada dhakhtarka ama xirfadlaha daryeelka caafimaadka. BBC-da wax mas'uuliyad ah kama saarna go'aan kasta oo uu sameeyo akhristuhu iyadoo lagu salaynayo nuxurka maqaalkan, sidoo kale BBC-du ma taageerto mana taageerayso badeecad ama adeeg ganacsi oo la sheegay. Had iyo jeer waxaa lagugula talinayaa inaad la tashato dhakhtar aqoon u leh haddii aad qabto wax welwel caafimaad ah.