Baarayaasha oo arrin cusub ka ogaaday xaalad inta badan ku dhacda xubinta taranka haweenka

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Michelle Roberts
- Role, Tifaftiraha caafimaad dhijitaalka, BBC News
Xaalad guud oo ku dhacda xubinta taranka haweenka oo loo yaqaanno bacterial vaginosis (BV) ayaa laga yaabaa inay ka mid tahay caabuqyada lagu kala qaado galmada (STI), sida ay sheegeen baarayaasha.
Waaxda caafimaadka UK ee NHS ayaa haatan qabta in BV uu sababo "isbeddel ku yimaada dheellitirka bakteeriyada xubinta taranka haweenka mana aha STI", inkastoo laga yaabo inay galmadu kiciso.
Si kastaba, daraasad ayaa sheegtay in BV - oo saameysa ku dhowaad saddex meelood meel haweenka adduunka oo dhan ayna horseedi karto dhalmo la'aan, carruur xilligooda kahor dhasha iyo dhimashada dhallaanka - uu faafo marka ay galmo dhacdo uuna hoos galayo xanuunnada STI.
Tijaabadan lagu sameeyay Australia, laguna daabacay joornaalka New England Journal of Medicine, ayaa lagu ogaaday in daaweynta lammaaneyaasha, oo keliya bukaanka uusan ahayn, ay muhiim u tahay cirribtirka infekshanka.
Waa maxay xaaladdan BV?

Xigashada Sawirka, Getty Images
BV waxaa inta badan sababa dheecaan aan caadi ahayn oo ka yimaada xubinta taranka haweenka kaas oo leh ur xooggan oo sida kalluunka ah.
Midabka iyo hadba sida uu u adag tahay ayaa sidoo kale isbeddeli kara, sida caddaan madow yar ku jiro iyo sidoo kale khafiid biyo biyo ah.
Kala bar haweenka qaba xaaladdan BV iskuma arkaan calaamado.
Bacterial vaginosis caadiyan ma sababto barar ama cuncun.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaa lagula tacaali karaa kaniiniyaal qallajiye ah amaba jeel ama kareen.
Tijaabo lagu sameeyay 164 lammaane oo qaba BV, ayay baarayaashu ku guuleysteen xaddi sare oo daaweyn ah marka BV loola tacaalo sida xanuun galmada lagu kala qaado, oo laga daweeyo labada lammaane - intii keliya la daweyn lahaa haweeneyda - lana siiyo qallajiye.
Dhaqaatiirta ayaa joojiyay daraasadda xilli hore markii ay u caddaatay in soo noqnoqoshada BV ay kala bar yaraatay marka hannaankan la maray.
Mid ka mid ah hormuudka baarayaasha, Prof Catriona Bradshaw, ayaa tiri: "Tijaabadeenna waxay muujisay in caabuqa soo laabta ee lammaaneyaasha uu sabab u yahay inta badan soo noqnoqoshada BV ee haweenku la kulmaan, waxayna atas caddeyn u tahay in BV ay tahay xaqiiqii STI.
"Qeyb ka mid a caqabadda ah go'aansashada in BV la isugu gudbiyo galmada waxay ahayd inaynaan weli ogeyn bakteeriyada gaar ahaan sababta, balse horumar la gaaray ayaa inaga caawinaya xalka," ayay intaa raacisay.
Daraasadda, oo ay isla sameeyeen Jaamacadda University baarayaasha Alfred Health ee Xarunta Caafimaadka Galmada ee Melbourne, ayaa kala bar ragga ka qeyb qaatay waxaa afka laga siiyay qallajiye iyo kareen maqaarka la marinayo muddo toddobaad ah, halka rag kalena aan la siin wax daawo ah.
Marka la eegay natiijada, xarunta ayaa haatan beddeshay qaabka daaweynta iyadoo la tacaasha labada lammaane.
Ururka Caafimaadka Galmada iyo HIV ee Britain ayaa sheegay in natiijada ay u heshay caddeymo qiimo leh o taageeraya waxa in muddo ah laga shakisanaa – oo ah in bakteeriyada lala xiriiriyo BV laga yaabo in galmada la isugu gudbiyo, gaar ahaanna kuwa la kulmo xaaladdan oo soo noqnoqota".
"Baaritaankan wuxuu sare u qaadayaa fahamkeenna BV wuxuuna bixinayaa xog badan koo inaga caawin karta hagidda hannaanka daaweynta kiisaska soo laalaabta," ayuu yiri afhayeen u hadlay ururka.
Haddii aad isku aragto calaamadaha xanuunnada galmada lagu kala qaado ee STI amaba aad ka shakisan tahay BV, booqo dhaqtar amaba xarunta xauunnadan lagu daweeyo.













