Maxaan ka ognahay "xarunta dhaqancelinta" ee ay Somaliland isugu keenayso carruurta jeelasha ku xiran

- Author, Saleebaan Saxansaxo
- Role, Weriye
- Reporting from, Hargeysa
Somaliland ayaa boqolaal caruur ah oo ku xidhan Xabsiyada kala duwan ee magaalooyinkeeda ka saaraysa, si loo geeyo xarun u gaar ah oo lagu dhaqan celin doono caruurta la xidho ee sharciga khilaafta, kuwaas oo imika lagu xidho jeelasha ay ku jiraan dadka waaweyn ee dembiyada ay galaan lagu xukumo.
Xaruntan oo ah tii u horreysay ee nooceeda ah ee si gaar ah loogu talo galay caruurta gasha dembiyada, ee Somaliland laga hirgeliyo, ayaa laga furay Xabsi hore loo odhan jiray Mijo-caseeye oo ku yaala meel dhinaca Koonfureed kaga beegan 30 KM Magaalada Berbera, halkaas oo hore u ahaan jirtay Jeel dadka lagu xidho oo Ingiriisku dhisay muddo ka badan boqol sanno ka hor.
Ku dhawaad laba boqol oo caruur ah oo ku xidhan Jeelasha magaalooyinka Somaliland, oo maxkamaduhu xukumeen, ayaa lagu geynayaa xaruntan Mijo-caseeye, kuwaas oo wakhtigan duruufo kala duwan ku haystaan Jeelasha dadka waaweyn loogu talo galay ee ay ku jiraan, sida uu BBC-da u sheegay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Yoonis Axmed Yoonis.
Maxay goobtan kaga duwan tahay Xabsiyada dadka lagu wada xidho
Ma jirin goobo u gaar ah caruurta oo caruurta sharciga ku gefta lagu xidho soddonkii sanno ee u dambeeyey Somaliland, waxaana lagu xidhi jiray caruurta Jeelasha dadka qaangaarka ah ee ku xukuman dembiyada ay ku jiraan.
Goobtan ayaa ka duwanaanaysa jeelashii lagu xidhi jiray caruurta, sida uu BBC-da u sheegay Wasiirka Caddaalada Yoonis Axmed, waxa ay caruurtu ka heli doontaa daryeel iyo ilaalin la xidhiidha xuquuqdooda aasaasiga ah "Goobtan Mijo-caseeye, waxa la keenayaa dhamaan caruurta sharciga ku gefta, waxaanay noqonaysaa meel lagu dhaqan celiyo caruurta, waxaanay beddeli doontaa meelihii hore loogu xidhi jiray ee dadka waaweyn ku jireen ee caruurta lagula xidhi jiray oo ay ka soo baran jireen dembiyo iyo dhaqano xun".
Ku dhawaad laba boqol oo Caruur ah oo wakhtigan ku xidhan xabsiyada kala duwan ee magaalooyinka Somaliland ayaa la geyn doonaa Xaruntan, "Goobtan waxa la keenayaa dhamaan da'yarta sharciga ku geftay ee la xukumay ee ku jira jeelasha Somaliland, imika waxaanu qorshaynaynaa in aan geyno ilaa laba boqol oo caruurtaas ah,kuwaas oo meelaha ay ku xidhan yihiin aanay ahayn meelo ku haboon" ayuu yidhi Wasiirka Caddaaladda Somaliland.

Nooca dembiyada ay galaan caruurtu ee lagu xukumo
Sida uu BBC-da u sheegay Garyaqaan Maxamed Af-yare, dembiyada ugu badan ee loo xidho caruurta ayaa ah kufsiyo ay geystaan, dhaca iyo tuuganimada iyo dagaalka dhex mara iyaga oo kooxo ah.
Garyaqaan Maxamed Af-yare, waxa uu sheegay in da'da Caruurta la xidho ay u badan yihiin da'da ka weyn 10 jirka, kana yar 18 jirka "Caruurta la xidhaa dembiyada ay galaan waxay kala mid yihiin dembiyada dadku galaan, waxaana jira in dembiyadaas qayb ahaan lagu xukumo, sida uu dhigayo xeerka Nidaamka garsoorka Caruurta. Dembiyada ay geystaana waxa ka mid ah kufsiga, dhaca iyo in ay iyagu dagaalamaan oo dhibaato ka dhalato".
Waxa uu intaas ku daray in ay jiraan xukunno ka reeban in lagu xukumo caruurta sharciga khilaafta "Sida uu dhigayo Xeerka nidaamka garsoorka Caruurta, waxa ka reeban in lagu xukumo, dil, Xabsi daa'in iyo Jidh-Dil. Ciqaabta ugu saraysa ee ilmaha lama dhaafin karo 15 sano" ayuu yidhi Garyaqaan Maxamed Af-yare.

Maxay yihiin dhibaatooyinka ay la kulmaan caruurta lagu xidho Jeelasha
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida lagu sheegay warbixinta sannadlaha ah ee bishii hore ay soo saareen Komishanka Xuquuqul insaanka Somaliland, caruur ka badan laba boqol ayaa ku jira xabsiyada Somaliland, kuwaas oo xukunno lagu riday, soddon ka mid ahna ay ku jiraan Xabsiga Mandheera.
Caruurtan ayaa kala kulma goobaha lagu xidho oo ah kuwo loogu talo galay dadka waaweyn dhibaatooyin kala duwan, oo qaarkood ay saamayn ku yeeshaan mustaqbalkooda, sida uu BBC-da u sheegay Garyaqaan Maxamed Ismaaciil Afyare, oo ka shaqeeya arrimaha sharcigu "Dhibaatooyin badan ayey kulmaan caruurtan, oo ay ka mid yihiin in ay balwado ku dhex bartaan Jeelasha, madaama dad waaweyn lagu dhex xidho, waxay ka soo dhex bartaan dembiyo dadka waaweyn galaan, maskax ahaan ayey ku dhaawacmaan oo waxyaabo raad ku yeesha ayey kala kulmaan" ayuu yidhi Garyaqaan Afyare.
Inkasta oo xaruntan u gaarka ah caruurta la xukumo loo sameeyey, uu sheegay Wasiirka Caddaaladdu in ay wax ka qabanayso dhibaatooyinka ay wajahaan Caruurta sharciga khilaafta, Haddana, sida uu leeyahay Garyaqaan Maxamed Ismaaciil Af-yare, waxa loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin dheeraad ah, "Caruurta yaryar ee la xidho, dhibaatooyin ayey kala kulmaan saldhigyada iyo Maxkamaddaha, waxa dhaca in qof yar oo aan gaadhin da'ada dembi qaadista caruurta qaangaadhka in Saldhigyada da'diisa mid aan ahayn la gaadhsiiyo, si loo xukumo. Markaa waxyaabaha muhiimka ah ee Xeerka Garsoorka curuurtu dhigayo in la helo waxa ka mid ah Saldhigyo iyo Maxkmaddo u gaar ah caruurta, taasi wax weyn ayey ka tari kartaa ilaalinta Xuquuqda caruurta."
Wasiirka Caddaaladda Yoonis Axmed Yoonis, waxa uu sheegay in ay wadaan qorshe Maxkamaddo u gaar ah caruurta ugu samaynayaan "Saldhigyada caruurta lagu xidho iyo Maxkamaddo u gaar ah caruurta oo kiisaskooda qaada, dawlad ahaan waanu hirgelinaynaa" ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Yoonis Axmed Yoonis, waxa uu u sheegay in ay Xaruntan kaalin weyn ka qaadan doonto dhawrista xuquuqda caruurta la xidho, oo ay heli doonaan deegaan ku haboon oo lagu dhaqan celiyo, isla markaana ay ka heli doonaan waxbarasho iyo daryeel "Xaruntani waxa ay beddeli doontaa deegaankii hore ee caruurta lagu xidhi jiray, waxay u noqon doonaa deegaan ku haboon oo lagu dhaqan celiyo, noloshooda wax ka beddesha, madaama oo ay sharciga khilaafeen. Waxa ay door ka qaadan doontaa in la ilaaliyo xuquuqdooda, oo ay ka soo baxaan xaruntan iyaga oo bulshada wax ku kordhin kara".













