Booliiska adduunka oo raadinaya nin qaxwo kulul ku shubay ilmo yar

Booliis

Xigashada Sawirka, Queensland Police

Booliiska dalka Australia ayaa baadi-goobaya isla markaana kala shaqeynaya dhiggooda adduunka si loo soo qabto nin ay aaminsan yihiin inuu dalka isaga cararay kadib markii uu qaxwo karkaraya ku shubay ilmo yar isagoo ku sugnaa magaalada Brisbane.

Weerarkan oo ahaa mid aan ku talogal loogu sameynin ilmaha yar - ayaa dhacay bishii lasoo dhaafay wuxuuna ka yaabiyay bulshada dalkaas - wuxuuna sababay in ilmahan oo ah wiil sagaal bilood jira ay soo gaarto “gubasho aad u daran” oo wejiga iyo addimada ah.

Boliiska Queensland ayaa waaran u jaray ninkan la doondoonayo oo 33 jir ah, kaasoo lagu eedeeyay falkan uu ku doonayay inuu ku geysto dhaawac daran oo jirka ah, tan oo xukunkeedu noqon karo xabsi daa'in.

Si kastaba, maanta ayay sheegeen in ninkan la raadinayo laga yaabo inuu ka duulay garoonka Sydney lix maalmood kadib dhacdadan, keliyana 12 saacadood ayaa kasoo wareegatay markii ay awoodeen inay xaqiijiyaan haybta ninkan.

Ilmahan yar ayaa ku sugnaa meel lagu nasto oo ay qoyskiisa usoo kaxeeyeen oo ku taalla beer ay dadku isugu yimaadaan 31-kii August, markii ay marqaatiyaashu sheegeen in “nin aan la aqoon” uu goobta soo gaaray, isagoo tarmuus dhan oo qaxwo karkareysa ah ku dhammeeyay wiilka kahor inta uusan cagihiisa ku baxsan.

Ilmahan yar ayaa degdeg loola tacaalay oo loogu fidiyay gargaar degdeg ah, kahor intii kalkaaliso aan markaas shaqo ku jirin ay u qaadday guri meesha ka dhowaa si ay ugu shubto biyo qabow.

Si kastaba ilmahan yar ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo aad u daran oo u baahday dhpwr qalliin oo adag, iyadoo waaliddiintiisa ay sheegeen inay sugayaan sanado badan oo uu kusoo kabto ah.

Ujeeddada ka dambeysa dhacdadan iyo waxa ninkan ku kallifay ayaan weli la ogeyn, taliyaha booliiska magaaladaas Paul Dalton ayaa warbaahinta u sheegay, in kiiskan uu yahay mid ka mid ah “kuwa ugu adag ee ugu wareerka badan” ee uu abid arko.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wuxuu xaqiijiyay in booliisku ay ogaayeen dalka uu ninkan laga shakisan yahay u baxsaday, iyo sidoo kale magaciisa, balse waxay sheegeen in shaacinta warbixinta xilligan ay xarqaladeyn karto baaritaan lagu wado kiiska ninkan.

Ninkan wuxuu ahaa “shaqaale meel ka meel u safra” kaasoo in badan u safrayay Australia tan iyo sanadkii 2019 isla markaana uu degganaa labadaba New South Wales iyo Victoria.

Taliye Dalton ayaa sidoo kale sheegay in ninkan laga shakisan yahay uu ka warhayay "qaababka ay adeegsadaan booliiska" isla markaana "uu sameynayay howlo uu kaga hortagayo baadigoobka iyo dabagalka ay ku hayeen" si uu u marin-habaabiyo.

Waaliddiinta ilmahan yar ayaa maanta warbaahinta u sheegay inay "aad u qalbijabeen" markii ay ogaadeen in ninkan laga shakisan yahay uu dalka isaga baxay balse ay sidoo kale xoogaa ku nafiseen inuusan joogin dalkaas.

"Waxay u muuqataa inay aad iyo aad ugu dhowaayeen inay soo qabtaan, tanina waxay dabcan la micno tahay inaan sugi doonno yaa og inta ay qaada doonto inaan wiilkeenna caddaalad u helno," ayay tiri hooyadiis mar ay la hadleysay warbaahinta Australian Broadcasting Corporation.

Wiilkan wuxuu ku jiraa "xaalad niyad-wanaag ah", ayuu aabbihiis yiri, balse waxaa laga yaabaa inuu weli u baahdo qalliimo dhanka maqaarka ah.

Bar online oo lacag loogu uruurinayay wiilkan yar ayaa sidoo kale waxaa lagu uruuriyay lacag ka badan A$150,000 ($100,000 £76,000).