Maxay tahay khatarta ay ka digeen in uu caalamku wajahayo madaxda hay'adaha sirdoonka UK iyo Mareykanka

Xigashada Sawirka, gov.uk / Reuters
Nidaamka caalamiga ah ee dunidu "waxa uu wajahayaa khatar aan la arag tan iyo dagaalkii qaboobaa", waxaa sidaasi ka digay madaxda sirdoonka Ingiriiska iyo Maraykanka.
Madaxda hay'adda sirdoonka Ingiriiska ee MI6 iyo CIA-da Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in labada dal ay si wadajir ah uga wada shaqeynayaan "si ay uga hortagaan dagaalka gardarrada ah ee Ruushka iyo Putin ay ku soo qaadeen Ukraine".
Maqaalkii ugu horreeyay ee wadajir ah, Sir Richard Moore iyo William Burns kaasi oo lagu daabacay Financial Times ayay ku sheegeen inay goor hore sii ogaayeen dagaalka Ukraine "oo ay u suuragashay inay uga digaan beesha caalamka", iyagoo xoojinaya gargaarka Kyiv.
Waxa kale oo ay sheegeen in laga shaqaynayo sidii loo “carqaladeyn lahaa ololaha lagu mija-xaabinayo ” Yurub ee uu wado Ruushka, dagaalka Israa’iil iyo Qaza, iyo in lala dagaallamo argagixisada si looga hortago in uu mar kale soo shaac baxo ururka IS.
Bogga ra'yiga ee wargeyska, Financial Times, waxay sidoo kale ku qoreen: "Shaki kuma jiro in nidaamka caalamiga ah - nidaamka sinnaanta ee horseeday nabad iyo xasillooni iyo bixinta heerarka nolosha, fursadaha iyo barwaaqada - lagu loolamayo iminka si aan la arag tan iyo dagaalkii qaboobaa."
"In si guul leh loola dagaalamo khatartan" ayaa saldhig u ah xiriirka gaarka ah ee u dhexeeya UK iyo Maraykanka, ayay intaa raaciyeen.
Mid ka mid ah "khatarta badan" ee labada waddan ay wajahayaan waa dagaalka Ukraine, kaas oo ku jira sannadkii saddexaad ka dib duulaankii Ruushka ee Febraayo 2022.
Sir Richard iyo Mr Burns ayaa yiri "In waqtigan diiradda la saaro arrimahan waxay aad uga muhiimsan tahay sidii hore" marka ay timaado taageerada Ukraine, iyaga oo intaa ku daray in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin "uusan guuldarreysan doonin".
Dagaalkan waxa uu muujiyay sida tignoolajiyadu ay u bedeli karto habka dagaalka, iyada oo hoosta ka xariiqday baahida loo qabo "la qabsiga, tijaabinta iyo hal-abuurka".
Waxay intaa ku dareen "Marka laga soo tago Ukraine, waxaan sii wadeynaa inaan is kaashano si aan u carqaladeyno ololaha lagu mija xaabinayo Yurub oo ay wadaan sirdoonka Ruushka, iyo adeegsigooda tignoolajiyada ee lagu faafinayo beenta iyo macluumaadka loogu talagalay inay khilaaf naga dhex abuuraan."

Xigashada Sawirka, FT
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Labada masuul ayaa ka soo muuqday goob fagaaro ah markii ugu horeysay si wadajir ah Sabtidii magaalada London.
Mr Burns ayaa u sheegay dadweynihii ka soo qeyb galay in uusan arkin wax cadeyn ah oo muujinaya in awoodda Putin ay sii wiiqmeyso,".
Xaqiiqda ah in sirdoonka Ruushka ay u adeegsadaan canaasiir dambiilayaal ah dhaqdhaqaaqyada argagixisada ee Yurub waxay calaamad u tahay inay " taagan yihiin quus", ayuu yiri madaxa hay'adda sirdoonka Ingiriiska ee MI6.
Dhammaan hay'adaha sirdoonka shisheeye waxay markhaati ka yihiin kor u kaca Shiinaha oo ah sirdoonka ugu weyn, ahna caqabad juqraafiyeedka qarnigan. Waxay dib u habeeyeen adeegyadooda "si ay u muujiyaan mudnaantaas", ayay yiraahdeen madaxda sirdoonka UK iyo Mareykanka.
Waxa ay sidoo kale sheegeen in ay “si xoog ah” u riixeen xakameynta iyo hoos u dhaca Bariga Dhexe, ayna ka shaqeynayeen “si aan joogsi lahayn” si loo gaaro heshiis lagu joojinayo dagaallada iyo afduubka.
Mr Burns, oo hogaaminayay dadaalka xabad joojinta, ayaa sheegay in mustaqbalka uu jiri karo hindise aad u faahfaahsan.
"Ugu dambeyntii tani waa arrin ku saabsan rabitaan siyaasadeed," ayuu yiri, isagoo intaas ku daray "in uu si weyn" u rajeynayo hoggaamiyeyaasha labada dhinac inay heshiis gaaraan.
11 bilood ayaa laga joogaa tan iyo markii Xamaas ay weerartay koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoobar, halkaas oo ay ku dileen dad lagu qiyaasay 1,200 oo qof, ayna qafaasheen 251 qof.
In ka badan 40,000 oo qof ayaa lagu dilay Gaza tan iyo markaas duqeymaha ay Israa'iil ku hayso Qaza, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee ay maamusho Xamaas.













