Maxay tahay xogta xasaasiga ah ee sarkaal Mareykan ah uu ka iibiyay Shiinaha?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shapoor Moinen, oo ah duuliye 67 jir ah oo ka howl gabay militeriga Mareykanka, ayaa qirtay in uu xog faahfaahsan ka iibiyay dowladda Shiinaha.
Ninkan oo markii uu shaqada ka fariistay kaddib si madax bannaan ula shaqeeyay waaxda gaashaandhigga, waxa uuna sheegay inuu bixiyay sir ku saabsan tiknoolojiyadda diyaaradaha Mareykanka.
Mas'uuliyiinta Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka ayaa sheegay in Moenin uu macluumaadka xasaasiga ah helay xilligii uu qandaraaska kula shaqeynayay militeriga isagoo qariyay in uu xiriir la lahaa Shiinaha.
Sirta uu gudbiyay ayuu ku iibsaday lacag kumannaan doolar ah, sida ay saraakiishu sheegeen.
Ninkan ayaa sidoo kale lagu helay dambi la xiriira inuu Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Mareykanka u sheegay xog been abuur ah oo isaga ku saabsan, markaasoo uu sheegay in uusan geysanin wax dambi ah.
"Kani waa tusaale kale oo muujinaya sida ay dowladda Shiinaha u kordhisay inay awooddeeda difaaca ku xoojiso tiknoolojiyadda Mareykanka oo ay si khaldan u adeegsato," ayuu yiri Stacey Foy oo ah wakiilka gaarka ah ee hay'adda FBI-da u qaabilsan xafiiska San Diego.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasaaradda Caddaaladda ayaa bayaanka ay soo saartay ku sheegtay in Moinen uu militeriga la shaqeynayay intii u dhaxaysay 1977-kii ilaa 2000.
Shaqadaas ayuu billaabay kaddib markii uu ka howl gabay adeegga duuliyennimada.
Waxa uu diyaarad helicopter ah uga soo shaqeeyay dalalka Mareykanka, Jarmalka iyo Kuuriyada Koonfureed.
Intii uu militeriga kula shaqeynayay qandaraaska waxa uu awood u yeeshay inuu u dhaco xogta waaxda gaashaandhigga, isagoo ka faa'iidaysanayay in uusan horay wax dambi ah u galin.
Si uu fursad ugu helo in uu xogta xasaasiga ah u gudbo waxa uu ka been sheegay macluumaadkiisa dhabta ah.
'Dowladda Shiinaha waxay lacag siisay xubno ka iibiyay xogta tiknoolojiyadda Mareykanka'
Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in nin aan la aqoonsanin oo ka socday Shiinaha uu lasoo xiriiray Mr Moenin kaddibna uu ka qaatay warbixin ku saabsan sirta loo dusiyay Beijing.
Shapoor Moenin ayaa lagu eedeeyay inuu iska dhigay qandaraasle la ansixiyay oo la shaqeeya militeriga Mareykanka marka uu la macaamilayay ninka ka socday Shiinaha, kaasoo qudhiisa iska dhigayay khabiir shaqaalaysiinta u qaabilsan shirkad.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in markii dambe ay ogaadeen in ninka oo lagu magacaabo Matthew G. Moinen uu ahaa wakiil la shaqeeya Shiinaha oo xogta tiknoolojiyadda hawada ee Mareykanka usoo iibinayay.
"Waxay ku xad gudbayeen sharciga waxayna wiiqayeen booska uu Mareykanku taagan yahay marka lala barbar dhigo waddamada kale," ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay mas'uuliyiinta.
Randy Grossman, oo ah xeer ilaaliyaha degmada San Diego ee Koonfurta California, ayaa sheegay ficilkan uu ahaa mid aan loo dulqaadan karin oo uu sameeyay qof horay xubin uga ahaa "qoyska militeriga".
"Dowladda Mareykanku aad bay uga walaacsan tahay arrintan si adag ayayna u baari doontaa una maxkamadayn doontaa cid walba oo dowlado shisheeye u adeegaysa si ay u bixiyaan sirta Mareykanka," ayuu sii raaciyay.











