You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Qaxwada oo aad dhinto ma waxay leedahay in habeenkii aad in badan riyooto?
Dadka qaar waxay sheegaan in markii ay yareeyeen kafiinka ay qaataan in riyadoodu ay badatay. Hadaba maxaa isbaddelay?
Dhawaan ma joojisay cabista kofeega mana dareentay riyooyinkii ugu badnaa noloshaada?
Inkastoo ay jiraan faa'idooyin badan oo laga helo marka aad yareyso qaadashada kafiinka sida in ilkaaga oo aan madoobaan iyo in ay yaraato inta jeer aad suuliga gasho hadana waxaan maqalnaa hal arin oo ah in riyadaada ay badato.
Waa wax cajiib ah in dadka qaar ay arrintaas ka cawdaan maalmo gudahood marka ay yareeyeen qaadashada kafiinka. Hadaba arrintan muxuu seyniska ka sheegay? Aynu eegno waxa ay daraasadaha nooga sheegi karaan.
Sidee ayuu kafiinka u saameeyaa hurdada?
Kafiinka waa kiciye kaa dhigaya in aad feejignaato oo aad soo jeedo. Sida uu u shaqeeyo waa in uu ka joojiyaa maskaxdeena waxa loo yaqaan Adenosine oo ah walax kiimikeed laga helo unugyada jirkeena, waana nidaamiyaha hurdada.
Inta badan Adanosiinka waxa uu sameysmaa maalintii marka aan soo jeedno oo aan firfircoonahay. Marka la gaaro fiidkii Adanosiinkii ku abuurmay jirkeena wuxuu maskaxda ka caawiyaa in ay hurdo dareeno. Inta aan hurdeynyo ayeyna jirka ka sii dhamaataa sidaasana keentay in aan hurdada ka toosno anagoon dareemeyn wax caajis ah. kaddibna jirka wuxuu diyaar u noqdaa sameynta markale walaxdaas kimikeed.
In aan joojino kafiinka ma ahan wax toos u keenaya in riyadeena badato balse waxaa jira xiriir macquul ah oo ka dhexeeya.
Marka aan qaadano kafiin waxa uu xirayaa fariinta Adanosiinka sidaa darteed ma dareemeyno hurdo fiican. Marka jirkeena ka dhamaado kafiinka, baahida jirka uu u qabo in uu hurdo ayaa kordheysa.
Kafiinka waxaa uu jirkeena ku sii jiri karaa saddex ilaa iyo lix saacadood taas oo macnaheedu yahay in weli jirkeena uu ku jirayo muddo kaddib. Taasina waa sababta dad badan in ay kafiin qaataan galabtii ama fiidkii ay ku keeneyso in hurdada ku adkaato.
Kafiinka waxa uu sidoo kale aad u carqaladeyn karaa hurdada, waxa uuna yareeyaakaraa saacada guud ee aad hurdi karto. Sidoo kale wuxuu saameeyaa hurdada saxda ah ee aysan indhahaaga dhaqdhaaqeyn.
Cilmibaaris guud ayaa muujineysaa markasta oo aan waqti dambe qaadano kafiin iyo in badan oo aan qaadano waxay sii xumeyneysaa hurdadeena.
Waxaa jira daarasado badan oo toos loogu sameeyay hadii la joojiyo kafiinka in ay keeneyso in aan habeenkii aragno riyooyin badan. inta badan cilimibaarisyada waxay diirada saareen sida kafiinka uu u saameeyo hurdada halkii ay ka eegi lahaayeen waxa iska badalaya riyada.Waxaan ognahay in tayada hurdada iyo riyada uu ka dhexeeyo xiriir dhow.
Maxay tahay sababta ay riyadaada u badaneyso marka kafiinka la yareeyo?
Inkastoo aysan jirin cadeyn toos ah hadana dadka waxay sheegaan hal wax oo ah marka ay yareeyeen kafiinka in ay badatay riyadooda.
Inkastoo kafiinka oo la jaro aysan toos u keeneyn riyada oo badata hadana waxaa jira xiriir macquul ah. Maadama kafiinka uu yareyn karo hurdada, uuna kaa dhigayo habeenkii in aad soo jeedo, gaar ahaan marka aad cabto kafiin waqti dambe hadana, taas waxay keenta in jirkeena dib u kaco. Marka aan hurdo badan helno waxay tani kordhineysaa dhaqdhaqaaqa indhaha.
Dhaqdhaqaaqa indhaha oo loo yaqaan (REM) waa marka uu jirkeena hurdo balse maskaxdeenu shaqeyneyso. Sidoo kale waa nooc ka mid ah hurdada oo ah marka la riyoonayo. Hadii indhahaaga dhaqdhaaqoodu badan yahay marka aad hurudo waxay taas ka dhigan tahay in maskaxdeena ay riyooyin badan leedahay.
Mararka qaarna waxaa dhacdo in aad soo toosto oo aad xusuusan karto riyadii aad hurdada ku aragtay.
Marka aad joojiso kafiinka hurdadaada waxaa ku badan in maskaxdaadu soo jeedo taas ah oo ah in aad riyooneyso.
Hurdada iyo riyada waa wax aan si fudud lagu fahmi karin. Ma ahan in qofkasta ay badaneyso riyadiisa marka uu joojiyo kafiinka. Saameynta ka dhalata arrintaas waa sii jiri karta ilaa iyo maalmo ama toddobaadyo.
Ma jiraan cadeymo adag oo sheegaya in xiriir uu ka dhexeeyo joojinta kafiinka iyo riyooyinka balse waa laysla xiriiriyaa. Kafiinka hurdadeena ayuu saameeyaa. Hurdada waxay saameyn ku leedahay riyadeena. Marka aan kafiin qaadano ama aan yareyno taasi waxay maskaxdeena siineysaa fursad ay indhaheena ku dhaqdhaaqaan marka aan hurudno.
Waqtiga ayey ku xiran tahay
Marka laga hadlayo kafiin waxaa inta badan nagu soo dhaca kofeega ama cabitaanka tamarta. Balse kafiinka waxaa sidoo kale laga helaa cabitaano kale si kuwa la midka ah kookada. Sidoo kale kafiin ayaa ku jira shukulaatada iyo shaaha.
Kafiinka waxa uu leeyahay faa'idooyin badan sida caafimaadka maskaxda iyo garashada. Tusaale ahaan, daraasado ayaa sheegaya in dadka caba kofeega in welwelkoodu uu yar yahay iyo sidoo kale waxaa lala xiriiriyaa in uu yareeyo khatarta la xiriirta cudurada saameeya nerfayaasha. Kofeega waxaa ku jira fitamiin B-ga kaas oo muhiim ah
Dad badan oo habeenkii shaqeeya kofeega waxay kaga hortagaan daalka. Xitaa kuwa aan habeenkii shaqeyn ayaa shaqo qabsan karin iyagoon cabin hal ama la koob oo kofee ah.
Hadii aadan dooneyn in aad joojiso kofeega balse aad dooneyso in hurdaada badato waxay taasi ku xiran tahay waqtiga aad cabeyso. Waa in aad ka fogaataa kafiinka ugu yaraan 8 saacadood ka hor inta aadan jiifan ama 12 saacadood.