Amiiradii Muslimada aheyd ee Hinidya ee toogan jirtay shabeelka

amiirad

Xigashada Sawirka, Shams Ur Rehman Alavi

Abida Sultan waxay aheyd amiirad caadi ah, waxay gadaal ka xiri jirtay timaheeda gaaban. Waxay toogan jirtay shabeelada, waxayna sidoo kale ciyaari jirtay ciyaaraha iyadoo fardaha la fuulo kubadda lagu dheelayo usha. Diyaaradaha ayey raaci jirtay, waxayna sidoo kale waday gaariga Rolls-Royce iyadoo sagaal jir ah.

Waxay dhalatay 1913-kii iyadoo ka soo jeeda boqortooyo geesiyaal ah oo qarniyaal xukumi jiray gobolka waqooyiga ee Bhopal. Abida sida haweenka lagu yaqaanay, gaar ahaan Muslimiinta uma dhaqmin. Ma aysan qaadan xijaab sida haweenka kale ee Muslimiinta. Waxayna boqortooyada dhaxashay iyadoo 15 jir ah.

Abida waxay madax u noqotay golaha wasiirada aabaheed in ka badan 10 sano. Waxay xiriir dhow la sameysay dadkii xorriyada u soo dagaallamay. Ugu dambeyn waxay qaadatay aragtida naceybka iyo rabshadaha dalka ka dilaacay kaddib markii dalka la kala qeybiyay 1947-dii oo la sameeyay Pakistan.

Waxaa loo diyaariyay iyadoo yar in ay xukunka qabato waxaana la socday ayeeydeed, Sultan Jehan oo madax ka aheyd Bhopal.

2004-tii buugga nolosheeda waxaa ku xusan in xusuus qorka amiirada ay ku jireen waxay qabato sida in ay toosi jirtay afarta habeenimo si ay Qur’aanka u aqriso, kaddibna waxay geli jirtay howlo maalmeedkeeda oo ay ku jireen barashada isboortiga, muusigga iyo farda fuulka. Sidoo kale waxay qaban jirtay shaqooyinka guryaha laga qabto sida nadaafadda dhulka iyo musqulaha.

“Hadii aan gabdho nahay in aan liidasho dareeno lama ogoleyn. Wax kasta waa loo sinnaa. Waxaan dhammaanteen haysanay xorriyad la mid ah tan wiilasha. Waan dheeleynay, geedaha ayaan fuuleynay iyo wixii aan doono. Xayiraad ma jirin” sidaas ayey ku tiri wareysi laga qaaday oo ku saabsanaa carruurnimadeeda.

Abida waxay aheyd qof madaxbannaan yaraanteedi, waxay ayeeyadeed ka diiday in ay xijaabka xirato iyadoo 13 jir ah. Aabaheed ayaana qeyb ka qaatay in dhaqankaas ay ka baxdo.

Waxaa guursaday Sarwar Ali Khan oo ay carruurnimada saaxiib ku ahaayeen kana talinayay Kurwai.

Abida

Xigashada Sawirka, Shams Ur Rehman Alavi

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Nolosha guurka aad ayey ugu adkeyd Abida. Ma aheyn oo kaliya in ay da’deeda yareyd balse waxaa jiray sida lagu soo koriyay oo aheyd mid qalafsan.

“Markii aan guursaday waxaan galay duni welwel leh. Ma ogeyn galmada guurka in ay naxdin igu reebi doonto” ayey tiri Abida. Intaa wixii ka dambeeyay weligeed ma aqbalin nolosha guurka.

Kaddib markii uu guurkeeda burburay, Abida way ka tagtay gurigeeda Kurwai, waxayna dib ugu soo noqotay dhulkeeda Bhopla. Wiilka kaliya ay dhaleen, Shahryar Mohammad Khan, ayey iyada iyo ninka ay kala tageen isku qabsadeen cidda hayneyso. Go’aan adag ayey qaadatay sidaas ayey haynta cunuga kula wareegtay. Sidaas ayey ku noqotay hooyo kaligeed korisa wiilkeeda.

Golaha wasiirada waxay xukumeysay intii u dhexedysay 1935 ilaa iyo 1949 kaddib Bhopal waxa uu ku darsamay gobolka Madhya Pradesh.

Abida waxay ka qeybqaadtay kulamo muhiim ah oo lala yeeshay Britian kuwas oo looga hadlayay mustaqbalka Hindiya. Halkaas Abida waxay kula kulantay hoggaamiyayaal badan oo ay ku jiraan Mahatma Gandhi iyo Jawaharlal Nehru oo markii dambe noqoday raysalwasaarihii ugu horeeyay Hindiya. Sidoo kale waxay goobjoog u aheyd xiisadda ka dhexeysay Hinduga iyo Muslmiinta iyo rabshadihii kaddib ku xigsaday ee keenay in Hindiya labo loo kala jaro.

abida

Xigashada Sawirka, Shams Ur Rehman Alavi

Abida waxay xusuus qorkeeda ku qortay takoorka ay qoyskeeda kula kulmeen Bhopal halkaas oo loola dhaqmay sida shisheeye iyagoo jiilal badan ku noolaa.

Waxay xusuusatay dagaal dhexmaray Hinduuga iyo Muslmiinta markii uu yimid tareen siday qaxooti Muslimiin ah oo yimid Bhopal. Dhammaan rakaabkii saarnaa waa la dilay. Rabshadahan iyo aaminaad la’aananta ayaa keentay in ay u guurto Pakistan 1950-kii iyada iyo cunugeeda.

Pakistan waxay ka noqotay hoggaamiye siyaasadeed oo taageera dimuqraadiyadda iyo xuquuqda haweenka. Abida waxay ku geeriyootay Karachi sanadkii 2002-dii. Dhaxalkii ay ka tagtay waxaa meesha looga saaray sababo la xiriira siyaasad diimeysan balse magaceeda waa mid aan la ilooweyn.