'Saaxiibkaygii Wanaagsanaa isagoo shaqo aaday ayuu qashin ku dumay'

Isagoo ilmada iska celinaya, Okuku Prince oo 22-jir qashinka aruuriya ayaa dib u xasuustay markii saaxiibkiis ay is jeclaayeen meydkiisa laga helay qashin aad u weyn oo ku yaal caasimadda Uganda ee Kampala.
Dhul go'a ka dhacay qashin qub ku yaal Kiteezi bishii Ogosto ee la soo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay 30 qof oo uu ku jiro saaxiibkii Sanya Kezia.
"Waxaan filayaa in dadka qaar ay weli ku hoos jiraan qashinka," ayuu u sheegay BBC-da.
Qaar badan oo iyaga ka mid ah waxa ay nolol maalmeedkooda ka raadiyaan in ay dhaqaan oo iibiyaan wax alla wixii la tuuray oo markii ay ogaadaan in ay weli qiimo leyihiin - wax kasta oo oo ku dhex jira shabaakta kalluumaysiga ilaa dhalooyinka caaga ah, iyo qaybaha qalabka elektaroonigga ah ee duugga ah.
Is eedeeynta ayaa ka dhalatay burburkii dhimashada lahaa ka dib, iyadoo golaha deegaanka Kampala iyo dowladda dhexe uu midba midka kale ku eedeeyay dayacaad, iyadoo qaar ka mid ah dadka dhintay ay weli ku hoos jiraan qashinka oo aan si Sharaf leh loo aasin.
Markii cagafyada dowladdu ay ugu dambeyntii qodeen meydka Kezia, waxaa uu qabay dhaawacyo wejiga kaga yiil 21-jirkan.
Aad buu uga argagaxay saaxiibkii inuu arko isaga oo ay ku daboolan yihiin qashin qurmaya.
"Halkaan ammaan kuma haysano, ilaa ay [dayactir] ka sameeyaan, waa laga yaabaa in la simo. Haddii kale, dadku nabad ma helayaan," ayuu yiri Mr Prince, oo ka hor intii aanu noqon qashin-qaade sharciga ka baran jiray Jaamacadda Islaamka ee Uganda.

Xigashada Sawirka, AFP
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ma awoodi karin in uu bixiyo kharashka waxbarashada ka dib markii qoyskiisa ay noqdeen kuwo dhaqaale ahaan aan fadhiyin, hawl maalmeedkiisa hadda waa mid aad uga fog maktabadaha iyo hoolalka casharrada.
Shaqo la'aanta dhalinyaradu waxay maraysaa heerar dhibaato leh oo ka jirta Uganda, waxa jira qaar badan oo la mid ah Mr Prince oo inta badan khatar geliya caafimaadkooda kana taga riyadoodii si ay nolol u helaan.
"Waxaan imaadaa halkan meesha qashinka lagu qubo subaxii, oo soo aruuriya bacaha,waan soo dhaqaa si aan u iibiyo," ayuu yiri Mr Prince. "Waxaan sameeyaa 10,000 oo shilin [oo u dhiganta $2.70 ama £2.10] maalintii."
Burburkii ku dhacay ayaa ku reebay dhibaato dhaqaale oo hor leh maadaama uu ku noolaa dhinaca qashin-qubka-laakin waxa uu ku qasbanaaday in uu dhaqaaqo meelo kale moo nabdoon,
Guryo kale ayaa sidoo kale ku burburay intii ay socdeen howlaha samata bixinta.
Lacag magdhow ah ayaa la siiyay qoysaska dadkii dhintay, balse lama siinin ku dhawaad 200 oo qof oo guryahooda ku waayay, sida ay BBC-da u sheegeen maamulka deegaanka.
Saraakiisha ayaa "sugaya qiimeynta iyo qoondeynta miisaaniyada", ayay tiri Dr Sarah Karen Zalwango, madaxa cusub ee caafimaadka bulshada iyo deegaanka ee Maamulka Magaalada Kampala (KCCA).
Qaar ayaa ku doodaya in burburkii Kiteezi uu ahaa mid aan laga baaqsan karin sababtoo ah tallaabooyinka aasaasiga ah ayaa la iska indha tiray.
"Ma rari karna miyaa afar milyan oo qof si qashinka oo dhan loo qaado, kaas oo ah mid isku qasan kuwa aan la dumin karin – si lo geeyo hal goob oo qashinka lagu daadiyo. Maya, ma ahan in aan sidaasi sameyno. Laakiin waxaan sameyneynay in ka badan 20 sano," Frank Muramuzi, oo ah qorsheeye magaalada Kampala, ayaa sdiaasi BBC u sheegay.
Goobta qashin-qubka ee Kiteezi waxaa la dhisay 1996-kii, iyadoo maalgelin laga helay Bangiga Adduunka, si loo helo hal kayd weyn oo qashinka ah magaalada Kampala.
Sida Kampala ay u weynaatay, sidaas oo kale ayey leedahay magaaladu qashin qubka ugu weyn.
Cirifka woqooyi ee magaalada, waxa uu hadda daboolayaa 15 hektar (37 acres) - bedka cabbirka in ka badan 22 garoon oo kubbadda cagta ah - iyada oo uu weli sii fidayo.
Shimbiraha wax ugaarsada ayaa la arkayaa iyagoo oo dul duulaya.

Dadka magaalada deggan iyo goobaha ganacsiga ayaa soo saara qiyaastii 2,500 oo tan oo qashin ah maalin kasta, kuwaas oo kala bar ka mid ahi ay ku dhammaadaan meelaha qashinka lagu daadiyo ee magaalada oo dhan - kan ugu weyn waa Kiteezi.
Laakiin dhibaatadu waxay tahay in Kiteezi ay ka maqan tahay dib u warshadaynta, kala-soocidda iyo tasiilaadka wax lagu gubo ee meelaha qashin-qubka ay tahay in ay leeyiin.
"Marka qeyb kasta oo qashinka ah oo la ururiyo, lakabyada hoose waxay noqdaan kuwo daciif ah, gaar ahaan burburka qashinka oo ay kordhiyaan heerkulka," Mr Muramuzi ayaa sidaasi ku sharaxay.
"La'aanta meelo hawadu marto iyo gaasaska kale weli ku hoos jira xagga hoose, ayaa sii kordhinaysa jilicsanaanta qaabdhismeedka dabacsan."
Si kastaba ha ahaatee, tani si fudud ayaa loo hagaajin karaa, ayuu raaciyay, ilaa iyo inta ay dowladdu ka go'an tahay dabagalka iyo kormeerida taas oo qayb ka ah baahiyaha deegaanka, bulshada iyo dhaqaalaha.
Hadday taasi hore u jiri lahayd, "dhibaatadii ka dhacday Kiteezi waa laga fogaan lahaa", ayuu yiri.
Haddaba, haddii uu xalku sidan fudud yahay, maxay mar hore u dhici wayday?
Jawaabtu waxa ay u muuqataa in ay isugu jiraan loolan dhanka awoodda ah iyo dhaqaale xumo.
Mas'uuliyadda kama dambaysta ah ee ilaalinta Kampala "nadiifinta, deegaanka, iyo deegaan waara" waxay saaran tahay KCCA, laakiin duqa magaalada Erias Lukwago, oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Forum for Democratic Change, ayaa sheegay in xafiiskiisu aanu lahayn awoodda lagama maarmaanka u ah si loo meelmariyo isbeddellada.
KCCA waxa ay sheegtay in ay marar badan soo jeedisay qorshayaal lagu joojinayo Kiteezi balse waxa ay sheegtay in dhaqaalaha loo baahan yahay si taas loo sameeyooo ah -$9.7m – uu ka badan yahay miisaaniyada magaalada isla markaasina aysan diyaar u ahayn dowladda dhexe.
"Dhammaan taageerada aan heleyno waa mid aan ka helayno bah-wadaagta horumarinta iyo deeq-bixiyeyaasha sida Bill iyo Melinda Gates, GIZ, iyo WaterAid...laakin awooddoodu aad ayay u xaddidan tahay," ayuu yiri duqa Kampala.
"Haddii aan dhaqaale ku filan ka heli lahayn dowladda dhexe, hadda wax joogi lahayn meel wanaagsna oo sax ah."
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda oo ku aadan in ay dhaqaale u qoondeyn doonto qashinka ugu weyn ee Kampala.
Waxay bixisay $1,350 mid kasta oo ka mid ah qoysaska marxuumka, iyadoo sheegtay in lacag kale ay bixi doonto oo kaliya haddii hay'adaha dowladda "lagu ogaado inay mas'uul ka yihiin".
Bil ka dib, warbixin ay soo diyaariyeen booliska iyo waaxda dambi baarista ee dalka ayaa keentay in madaxweyne Yoweri Museveni – oo ah siyaasi caan ah oo ka soo horjeeda duqa Kampala – uu shaqada ka ceyriyay seddex sarkaal oo sare oo ka tirsan KCCA, oo ay ku jiraan maamulayaasha fulinta iyo agaasimayaasha caafimaadka bulshada.

Xigashada Sawirka, AFP
James Bond Kunobere, oo ah madaxa maareynta qashinka adag ee Kampala, ayaa qirtay in burburkii dhimashada badnaa ee sanadkii hore uu ahaa baraarujin aad loogu baahnaa.
Waqtigan xaadirka ah, mas'uuliyiinta caasimadda Uganda waxay diyaarinayaan qorshayaal ay ugu beddelaan qashinka dabiiciga ah la habeyn karo ayna yareeyaan "qashinka aan loo baahnayn" ee soo galaya magaalada.
Laakin waxay rabaan in dadweynuhu ay iyaguna qaataan masuukiyada qaar . Waqtigan xaadirka ah dadku waxay lacag siiyaan mid ka mid ah toddobada shirkadood ee qashin-qubka ee gaarka loo leeyahay ee Kampala ka shaqeeya si ay u ururiyaan qashinka, kuwaas oo dhammaantood isku dhafan iyada oo aan laga fikirin dib u warshadaynta.
"Ma aanan bedelin fikirka dadka deegaanka si aan u kala saarno qashinka," Mr Kunobere ayaa sdiaasi BBC u sheegay.
"Haddii aad kala soocdo, qashinku wuxuu leeyahay goobo kala duwan. Haddii aad isku darto, dhammaan waxay aadayaan hal - qashin."
Khubarada ayaa sheegaya in hindisayaashan oo kale ay muhiim yihiin balse aan laga hadlin qaabdhismeedka aan habooneyn ee weyn ee Kiteezi.
Dadka ay noloshoodu ku burburtay dhacdooyinkii u dambeeyay ee halkaasi ka dhacay, ayaa ahaa kuwa aaan wax badan laga qaban karin .
"Waxay noo ballan-qaadeen magdhow, laakiin waxba ma aynan helin - qof kastaa wuu cabanayaa," ayuu Mr Prince u sheegay BBC.
"Waxa aanu weynay saaxiibkeeen, dhammaan wixii dhacay waxay ahaayeen kuwa murugo."













