Uganda oo billowday tijaabada tallaalka xanuun uu ka walaacsan yahay dal Soomaaliya deris la ah

Uganda

Xigashada Sawirka, Reuters

Dalka Uganda ayaa bilaabay tijaabada tallaalka cudurka Ebola gaar ahaanna nooca Suudaan, kadib markii uu dib u dillaacay mar kale.

Ma jiro tallaal ansax ah oo loogu tala galay nooca Suudaan ee Ebola.

Arrinkaasi ayaa ka dambeeyay kadib markii cudurku ka dillaacay dalkaas hal qofna uu dilay labo kalena ay qaadeen.

Bukaankii ugu horreeyay oo ah nin 32 jir ahaa oo kalkaaliye caafimaad ahaa ayaa toddobaadkii hore geeriyooday.

Isniintii, qofkii ugu horreeyay ee tijaabada ka qeyb qaatay oo haatan karantiil ku jira ayaa helay kuuro tallaalka ah ama lagu muday. Tallaalka ayaa waxaa soo saaray mashruuca dadaalka tallaalka AIDS ee caalamiga ah oo ah urur aan faa'iido-doon ahayn.

Hal tallaal yaa jira hadda. Si kastaba há ahaatee, nooca Zaire ayaa ku badnaa DR Congo.

Dhowaan, Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa digniin dadweyne soo saartay kaddib markii cudurka Ebola nooca loo yaqaaan (Sudan Ebola Virus Disease) laga xaqiijiyay dalka deriska la ah ee Uganda.

Sida ay qortay Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) fayraskaan Suudaan waxuu lamid yahay lana bah yahay fayraska Ebola, waana xanuun darran oo cadadka dadka uu ku dhaco dhimashoodoodu badantahay qiyaastiina gaadhayso sida ay sheegtay hay'addu 40% Illaa 70% marka la eego safmareenadiisii hore.

Waxayna sidoo kale Hay'adda Caafimaadku Adduunku xustay in maqnaanshaha dawadiisa iyo hababkiisa ka hortag ay keenayso saamayn ba'an uu yeelan karo xanuunkani.

Xoghayaha Guud ee Caafimaadka Dadweynaha dalka Kenya, Mary Muthoni, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dowladda ay ka go'an tahay badbaadinta muwaadiniinta maaddaama xadka Kenya iyo Uganda uu yahay mid furan. Waxay xustay in la xoojin doono kormeerka dhammaan goobaha laga soo galo dalka.

Calaamadaha xanuunkan iyo sida loo kala qaado

Ebola

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Calaamadaha caabuqa Ebola waxaa ka mid ah qandho, daal, murqo xanuun, madax-xanuun, cune xanuun, oo ay ku xigaan matag, shuban, finan, iyo dhiig-bax gudaha iyo dibadda ah.

Waxa lagu kala qaadaa marka la taabto dareere iyo unugyo jireed oo buka.

Cudurka Ebola ee Sudan ayaa ah mid aad u daran, wuxuuna dilaa ugu yaraan 40% dadka uu ku dhaco cudurko, sida ay sheegtay hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Uganda waxaa hadda ka dilaacay cudurka markii lixaad.

Ilaa 40 ka mid ah dad ay istaabteen dhibbaneyaasha ayaa la tallaali doonaa wejigan soo-bandhigidda ah ee ay si wadajir ah u fulinayaan mas'uuliyiinta Uganda iyo WHO, sida ay hay'adda Qaramada Midoobay ku sheegtay bayaan Isniintii.

Wasaaradda Caafimaadka Uganda ayaa xaqiijisay 234 qof inay jiraan kuwaasi oo ay is taabteen dadka la xaqiijiyay inay cudurka qaadeen.

WHO ayaa la kaashanaysa wasaaradda caafimaadka Uganda, machadka cilmi-baarista fayraska Uganda, iyo Machadka Sambabka ee Jaamacadda Makerere si ay tijaabadan u fuliyaan.

Uganda

Xigashada Sawirka, Getty Images

Arrinkan ayaa ah astaanta guul weyn oo ah dhanka waxqabadka degdegga ah waxaa uuna muujinayaa awoodda iskaashiga ee loogu tala galay sugnaanta caafimaadka ee caalamiga ah, sida ay sheegtay agaasimaha Afrika ee WHO.

Matshidiso Moeti ayaa intaasi ku dartay in haddii la xaqiijiyo inuu waxtar leeyahay tallaalku uu sii xoojin doono tallaabooyinka looga badbaadinaayo bulshooyinka dillaacitaanka cudurka mustaqbalka.

In nooca Sudan ee fayrasku dillaacay ayaa horay looga xaqiijiyay gudaha Uganda September 2022 wuxuuna dilay in ka badan 70 qof.

Waxaase shaaca laga qaaday Janaayo 2023.

Inkastoo Uganda ay heli kartay isla tallaalka tijaabada ah ee haatan la hadal hayo waqtigaas, tijaabooyinka ayaanan la samayn kareyn inta safmarku uusan dhammaan ka hor.

Dabayaaqadii toddobaadka, kuurooyinkii ugu horreeyay oo dhan 2,160 oo ah tallaalka tijaabada ah iyo daawooyin ayaa la keenay xarunta Uganda ee Kampala.

Hay'adaha caafimaad iyo kooxaha cilmi-baarista ayaa u shaqeeyay si degdeg ah ayagoo cilmibaareyaasha la wargaliyay, ayadoo la diyaariyay tas'hiilaadka lana dejiyay borotakoollo daraasadeed.