Maalqabeenkii iyo hoggaamiyihii ruuxiga ahaa - Aga Khan oo geeriyooday

Xigashada Sawirka, PA Media
Samafale iyo hoggaamiyihii ruuxiga ahaa ee bilyaneerka ahaa - Aga Khan ayaa ku dhintay da'da 88 jir, sida ay shaacisay hay'addiisa samafalka ee Aga Khan Development Network.
Amiir Karim Aga Khan waxa uu ahaa imaamkii 49-aad ee dhaxalka u lahaa Muslimiinta Ismaaciiliyah, kuwaasoo la sheego in ay si toos ah ugu abtirsadaan Nebi Muxamed N.N.K.H.
Magaalada Lisbon ee dalka Portugal ayuu ku geeriyooday, iyadoo ay hareerihiisa tubnaayeen xubno qoyskiisa ka mid ah, sida ay hay'addiisu ku sheegtay qoraal ay ku soo dhigtay baraha bulshada.
Amiir Karim Aga Khan waxa uu ku dhashay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, bishii Disember 13, 1936, waxaana qaybtii hore ee noloshiisa uu ku qaatay dalka Kenya. Waxaa uu haystay haystay dhalasho Ingiriis ah, waxaana uu ku noolaa dalka Faransiiska.
Wuxuu ahaa nin ka fogaada arrimaha siyaasadda ee xasaasiga ah, waxaana mar waraysi laga qaaday uu sheegay in diinta Islaamku ay tahay diin nabadeed.
Boqorka Ingiriiska ayaa lagu wargeliyay geerida ku timid samafale Aga Khan, kaasoo saaxiib la ahaa isaga iyo hooyadii, boqoradda Elizabeth II.
Waxaa la fahamsan yahay in Boqorku aad uga murugooday geerida ku timid saaxiibkii gaarka ahaa ee sannado badan oo uu si gaar ah ula xiriiray qoyska.
Hay'adaha samafalka ee Aga Khan waxay maamulaan boqolaal isbitaallo, mashaariic waxbarasho iyo xaruumo dhaqameed inta badan ka howlgala dalalka so koraya.
Wuxuu ku noolaa nolol raaxo leh, isagoo lahaa jasiirad gaar ah oo ku taalla Bahamas, markab weyn iyo diyaarad gaar ah.
Hay'adda Horumarinta Aga Khan ayaa sheegtay in ay tacsi u dirtay qoyskii uu ka baxay iyo bulshada Ismaaciiliyaha ee adduunka oo dhan.
"Waxaan sii wadeynaa inaan la shaqeyno saaxiibbadeena dhanka shaqada si aan u wanaajino tayada nolosha shakhsiyaadka iyo bulshooyinka adduunka oo dhan, sida uu rabo, iyada oo aan loo eegin diintooda ama halka ay ka soo jeedaan," ayay tiri hay'addu..
Ismailiyiintu, oo ah firqo Muslimiin ah, waxay gaarayaan qiyaastii 15 milyan oo qof, oo ay ku jiraan 500,000 oo ku nool dalka Pakistan. Sidoo kale waxaa jira qaybo iyaga ka tirsan oo ku nool dalalka Hindiya, Afghanistan iyo qaybo ka tirsan Afrika

Xigashada Sawirka, PA Media
Amiir Kariim Aga Khan wuxuu ku guuleystay booskii awoowgiis ee imaamnimada Muslimiinta Ismaaciiliya sannadkii 1957-dii isagoo 20 jir ahaa xilligaas.
Amiirka ayaa hantidiisa lagu qiyaasay 1 bilyan oo doolarka Mareykanka ah sanadkii 2008-dii, sida ay sheegtay majaladda Forbes. Hantidii uu dhaxlay waxa kobciyay ganacsiyo badan, oo ay ka mid tahay xanaaneynta fardaha.
Wuxuu noqday milkiilaha iyo xanaaneeyaha hoggaanka u hayay fardaha tartanka ee UK, Faransiiska, iyo Ireland, isagoo koriyay Shergar, oo mar ahaa fardihii ugu caansanaa uguna qiimaha badnaa ee tartanka adduunka.
Shergar wuxuu ku guuleystay tartankii Epsom sanadkii 1981, balse waxaa labo sano kadib, lagu waayay faraskaasi dalka Ireland, dibna looma helin.
In kasta oo uu lumiyay faraskiisii uu jeclaa, haddana waxa uu BBC-da u sheegay sanadkii 2011 - sannad-guuradii 30-aad ee guushii ugu waynayd ee Shergar - in aanu ka fikirin in uu ka tago hawshiisii taranka ee Ireland.

Xigashada Sawirka, PA Media
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kalsoonida Aga Khan ee Dhaqanka ayaa fure u ahayd dib u soo celinta goobta Qabriga Humayun ee Delhi. Waxaa jirta Abaalmarinta Aga Khan ee dhismaha sanadlaha ah.
Amiirku waxa uu sidoo kale ahaa aasaasihii hay'adda samafalka ee Aga Khan Foundation, jaamacad ku taal Karachi, iyo barnaamijka Aga Khan ee Architecture-ka Islaamka ee Jaamacadda Harvard iyo Machadka Farsamada ee Massachusetts.
Wuxuuna asaasay Ururka Warbaahinta Qaranka, oo noqday ururka ugu weyn ee warbaahinta madaxa banaan ee bariga iyo bartamaha Afrika.
Ra'iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa ammaanay Aga Khan isagoo ku tilmaamay inuu ahaa "nin aragti leh, iimaan leh, deeqsi ahaa" iyo "hoggaamiye cajiib ahaa".
"Dadaalka hagar la'aanta ah ee uu ugu jiro yareynta faqriga, daryeelka caafimaadka, iyo sinnaanta jinsiga, wuxuu u hiiliyey qadiyadda dadka la haybsooco, isaga oo raad aan la tirtiri karin ku reebay nolosha dad badan, ayuu yiri Shehbaz Sharif.
Malala Yousafzai oo ah gabar u dhaqdhaqaaqda arrimaha bulshada ayaa tiri: "Dhaxalkiisu wuxuu sii wadi doonaa inuu ku sii noolaado shaqada cajiibka ah ee uu u horseeday waxbarashada, caafimaadka iyo horumarinta adduunka."
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku tilmaamay Aga Khan inuu ahaa astaan nabadeed, dulqaad iyo isu naxariisashada adduunkeena dhibaataysan.
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa isna uga tacsiyadeyay geerida ku timid Aga Khan qoyska iyo dhamana bulshada Ismaaciliyiinta ah ee caalamka oo dhan.
Kenya waxaa ay ka mid tahay dalalka uu Aga Khan ka hirgaliyay mashaariicda kala duwan sida isbitaalka weyn ee Aga Khan, Jaamacad, iskuullo iyo mashaariic kale.













