Maxay tahay sababta ay Kenya ugu adkaatay bixinta mushaaraadka shaqaalaha?

Sawir hore: Magaalada Nairobi

Xigashada Sawirka, AFP

Dalka Kenya waxaa ka taagan dood ku saabsan saameynta ka dhalatay dhaqaale xumida, arrinta sida weyn loo hadal hayo ayaa ah dib u dhac ku yimid mushaaraadkii la siin jiray shaqaalaha dowladda.

Wasiirka maaliyadda ee Kenya ayaa sheegay inay sii jiri doonaan dib u dhacyo badan oo dhanka mushaaraadka ah xilli dowladda ay wajaheyso lacag yari baahsan iyadoo aan mushaaraadka la siin shaqaalaha bishii March, sida uu ku warramay wargeyska Daily Nation.

Wasiirka maaliyadda Njuguna Ndung’u wuxuu sheegay in dowladda ay wajaheyso labo daran mid doono: bixinta deymaha lagu leeyahay dalka iyo caqabadaha ku aaddan dhaqaale xumida saameysay Kenya iyadoo ay arrintaas ugu wacan tahay helitaanka dhaqaale ee xaddidan ee dhanka suuqyada maaliyadeed ee caalamiga ah iyo kuwa gudaha.

Shaqaalaha dowladda sida macallimiinta iyo ciidamada weli ma aysan qaadan mushaaraadkii bil kasta ay qaadan jireen.

Mucaaradka Kenya oo maalmihii lasoo dhaafay dibadbaxyo ka dhigayay dalka ayaa ku eedeeyay dowladda inay wax ka qaban weysay heerka maciishadda oo sare u kacay taasoo saameysay nolosha dad badan.

Waxay dowladda ugu baaqeen inay baaritaan ku sameyso dhibaatooyinka dhaqaale iyo lacag yarida, waxay sheegeen in arrintan ay sababtay, musuq-maasuqa, qabyaaladda, xil gudasho la’aan iyo dhac ah oo lagu hayo goobaha muhiimka ah ee dhakhliga kasoo galo dalka.

Kenya waxay la daalaa dhaceysaa culeyska uga yimid dhinaca bixinta deymaha lagu leeyahay, waxaana lagu leeyahay deyn gaareysa $74.4 bilyan oo doolar oo u dhiganta boqolkiiba 62.3 dhakhliga soo galo dalkaas.

Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua oo ka hadlayay dhibaatada dhaqaale ee soo food saartay dalka ayaa sheegay in dhibaatadan ay ka dhalatay deymihii faraha badnaa ay "iska soo daldalatay" dowladdii xukuumaddii hore ee uu hoggaaminayay Uhuru Kenyatta.

"Waa run in aan caqabado kala kulmeyno bixinta mushaaraadka, dadka waxaa ragaadiyay heshiiskii mucaaradka iyo dowladda, deymo badan ayay dalka geliyeen, mas’uuliyad ayaa ka saaran dowladda arrintaas, waa in aan deymaha bixinno”.

Isagoo la hadlayay warbaahinta gudaha wuxuu sheegay in dhakhliga dowladda soo galay maalmihii lasoo dhaafay lagu bixinayay deymaha looga fadhiyo in uu dalka bixiyo.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay hadda ku howlan tahay sidii ay usoo qaban laheyd dhaqaale badan si mustaqbalka ay u maareyso mushaaraadka shaqaalaha.

"Xaalad adag ayaa ku jirnaa, mana nihiin dadka dalka geliyay deymaha waa in bixinno deymaha maadama lagu leeyahay Kenya”. Ayuu yiri.

Dibadbaxyadii ka dhacay Kenya

Dibadbaxyadii maalmihii lasoo dhaafay saameeyay Kenya
Qoraalka sawirka, Dibadbaxyadii maalmihii lasoo dhaafay saameeyay Kenya
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa horey ugu dhawaaqay dibadbaxyo ballaaran oo soconayay maalmaha Isniinta iyo Khamiista inkastoo markii dambe ay hakadeen dibadbaxyada.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay dibadbaxyadii dhawaan ka dhacay Kenya halka 6 weriyeyaal ah ay ku dhaawacmeen.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa dhawaan mucaaradka ka codsaday inay joojiyaan dibadbaxyada isla markaana dowladdiisa ay wax ka qaban doonto cabashada mucaaradka oo ay ugu horreyso sameynta guddiga doorashada oo baarlamaanka la horgeyn doono.

Mucaaradka waxay dowladda ka codsanayeen inay wax ka qabto heerka maciishadda oo sare u kacay iyo shuruudo kale oo ay ka mid tahay sameynta guddi doorasho.

Ismariwaaga ayaa billowday ka dib markii uu Raila Odinga ku gacan seyray natiijadii doorashada madaxtinnimada ee Kenya ka dhacday bishii August, taasoo uu ku guuleystay William Ruto.

Mr Odinga ayaa Isniintii hore baajiyay dibadbaxyo laga cabsi qabay in ay rabshado dhaliyaan oo ay isu diyaarinayeen taageerayaashiisa.

Tallaabadaas ayaa ka dambeysay markii ay labada dhinac isku afgarteen in la isugu uimaado miiska wadahadalka.