Muxuu ka dhigan yahay warka farxadda leh ee ay heleen dadka heysta baasaboorka Kenya?

Xigashada Sawirka, State House Kenya
Hogaamiyayaasha Kenya iyo Koonfur Afrika ayaa kala saxiixday heshiis dal-ku-gal bilaash ah oo ay labada dhinac isdhaafsanayaan, kaas oo bilaaban doona bisha Janaayo ee sanadka soo socda.
Dadka u kala safraya labada dal ayaa sanadkiiba loo oggolaan doonaa inay ugu badnaan 90 maalmood ku qaataan dalka ay tagaan.
Xilligan la joogo muwaadiniinta Kenya ayaa marka ay dalbanayaan fiisaha Koonfir Africa waxa ay bixiyaan illaa $40 waana inay caddeeyaan inay dhaqaale “ku filan” haystaan, iyadoo celcelis ahaa saddex todobaad ay sugaan inay dal-ku-galka Koonfur Afrika ku helaan.
Dadka Kenya u dhashay ee u safraya Koonfur Afrika ayaa dalkaas si bilaash ah ku joogi kara wax ka yar 30 casho, hasayeeshee si ay u helaan dal-ku-galka ayey tahay inay bixiyaan kharashka khidmadda ee ah $40.
Taas badelkeeda dadka Koonfur Afrika ee u soo safraya Kenya ayaanan u baahnayn inay dal-ku-dal haystaan ka hor inta aanay dalkooda ka soo bixin.
Heshiiskan cusub ee dal-ku-galka ayaa lagu dhawaaqay ka dib markii ay wadahadalo fool ka fool ah magaalada Nairobi ku yeesheen madaxaweynaha Kenya William Ruto iyo dhiggiisa Koonfur Afrika Cyrill Ramaphosa.
“Aad baan uga mahad celinayaa horumarka aynu ka gaarnay heshiiska dal-ku-galka bilaashka ah ee mudada dheer laga dhursugayay,” ayuu yiri madaxweyne Ruto.
Labada madaxweyne ayaa sidoo kale isku afgartay in la sameeyo siyaasad dadka dib la isugu soo celinayo waa haddii la jabiyo shuruucda socdaalka. Xayiraadaha dal-ku-galka ayaa muddo sanado ah waxa ay labada dal u aheyd arrin soo taagan.

Xigashada Sawirka, State House Kenya
Hasayeeshee dadka qaar ayaa su’aal galinaya sida lagu fulin doono heshiiskan ugu dambeeyay.
Horraantii bishii May, 2016, ayey aheyd markii warbaahinta dowladda Kenya ee KBC ay baahisay in wasiirka arrimaha gudaha ee Koonfur Afrika, Malusi Gigaba uu sheegay in dalkiisa uu dabcin doono xayiraadaha dal-ku-galka ee saaran ganacsatada Kenya, halka uu sheegay in dalkiisa uu filayo in ganacsatadiisa si wanaagsan loola dhaqmo.
Balse tan iyo markaas ma jirin wax isbadel ah oo laga dareemay hannaanka lagu dalbado dal-ku-galka.
Heshiis iskaashi oo ay yeeshaan shirkadaha diyaaradaha labada dal
Hoggaamiyeyaasha Kenya iyo Koonfur Afrika ayaa sidoo kale taageeray qorshe lagu heshiiyay sanadkii lasoo dhaafay oo lagu hirgelinayo iskaashi dhinaca Afrika ah oo dhex mara shirkadaha diyaaradaha ee labada dal, Kenya Airways iyo South African Airways.
“Labadeenna dalba waxa ay qaaradda kaga yaallaan goobo istaraatiiji ah oo aad ayaa loogu baahanyahay iskaashi heer sare ah in la gaaro,” ayuu yiri Madaxweyne Ramaphosa.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hasayeeshee weli lama shaacin xog dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska ay galeen labada shirkadood ee lagu tilmaamo inay ka mid yihiin shirkadaha aanan faa’iidada samayn balse si wayn ugu tiirsan dhaqaalaha ay dowaladuhu ku kabaan.
Wax ka qabashada isu-dheelli-tirnaan la'aanta ganacsiga
Labada dal ayaa sidoo kale waxa ay kala saxiixdeen saddex heshiis oo mid kamid ah uu ku saabsan yahay iskaashi ay labada dalka ka yeeshaan dhowr aag oo ay ku jirto waaxda asluubta iyo guriyeynta.
2021, Kenya waxa ay Koonfur Afrika u dhoofisay badeecado ku kacay $33 milyan oo doolar, taas oo wax badan ka yar badeecadaha Koonfur Afrika looga keenay Kenya isla sanadkaas taas oo ku kacday $408 milyan oo doolar.










