Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay inuu 2 xeelad kusoo daray dagaalka Al-Shabaab

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kulan ay qabatay Xarunta Cilmi Baarista Caalamiga ah iyo Istiraatiijiyadda (CSIS) ayuu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uga hadlay xaaladda amniga ee Soomaaliya iyo heerka uu marayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Madaxweynaha, oo ku sugan magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka ayaa khudbaddiisa ku sheegay in "caqabadda ugu weyn ee Soomaaliya maanta ka hor taagan inay hirgeliso hammigeeda siyaasadda iyo dhaqaalaha bulshada ay tahay soo afjaridda argagixisada caalamiga ah ee ka howlgasha waddanka".
Waxaase uu qiray inuu waqti dheer qaatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo IS oo fariisimo ku leh Soomaaliya.
"Caqabaddan waxay soo taagneyd muddo 15 sano ah. Aad bay u dheertahay 15 sano oo lagu jiro dagaal rasaas loo adeegsado iyo hubanti la'aan. In la xoojiyo amniga Soomaaliya, kan guud ee gobolka iyo caalamkana waxa ay u baahan tahay fikir cusub iyo istiraatiijiyad lagu soo afjarayo argagixisada," ayuu yiri.
Al-Shabaab oo gacanta ku heysa qeybo ka mid ah Soomaaliya ayaa si joogto ah u fulisa weerarro ay la beegsato xarumaha ciidamada iyo sarakiisha dowladda, kuwaasoo dad rayid ah ay ku waxyeelloobaan.
Saddex jeer ayay isku dayeen in ay dilaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud laftiisa, halka mas'uuliyiin kalena ay dilalkooda u hirgaleen.
Labo xeelad oo socon waayay
Tan iyo markii uu Xasan Sheekh Maxamuud ku guuleystay xilka madaxweynenimada Soomaaliya, oo uu markii labaad qabtay, waxa uu ku celcelinayay in shaqada ugu horreysa ee dowladdiisa ay qabaneyso ay tahay baabi'inta Al-Shabaab.

Xigashada Sawirka, CSIS
Khudbadda maanta uu ka jeediyay shirka Xarunta Cilmi Baarista Caalamiga ah iyo Istiraatiijiyadda ayuu mar kale si qota dheer uga hadlay qorsheyaashiisa ku aaddan arrintaas.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxa uu isweydiiyay sababta ay Al-Shabaab weli u jiraan iyadoo 15 sano lala galay dagaal ay ku baxday lacag balaayiin doolar ah.
Waxa uu sheegay in horay dagaalkan loogu adeegsaday labo xeeladood balse ay shaqeyn waayeen.
"Xeeladda xakameynta oo ah in Al-Shabaab lagu ekeeyo gudaha Soomaaliya, si aysan ugu fidin dalalka deriska ah iyo dalalka dibadda ayaa ka mid ahayd xeeladihii la adeegsanayay 15-kii sano ee lasoo dhaafay," ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qiray in xeeladdaas ay guul darreysatay, maadaama sida uu sheegay Al-Shabaab "ay ku shaqeeyaan fikrad" weerarrada ay dalalka jaarka la ah Soomaaliya ka fuliyeenna ay caddeyn u yihiin in xeeladda xakameynta aysan suurtagal ahayn.
Waxaa jirtay xeelad labaad oo ku xigtay taas, sida uu sharraxayo madaxweynaha: "Xeeladda wiiqista Al-Shabaab. In hoos loo dhigo militeri ahaan iyo awood ahaan.
"Xeeladdan ayaa aad uga wanaagsaneyd tii hore. Balse iyada lafteeda Shabaab waxay lasoo baxeen farsamo dib usoo kabasho ah. Maanta haddii aad burburiso xero tababar muddo dhowr isbuuc ah gudahood xeradaas dib ayay u shaqeyneysaa. Haddii aad disho hoggaamiye waxaa baddalaya mid kale oo kasii xagjirsa."
Labadaas istiraatiijiyad ayuu sheegay in aysan hirgelineynin ujeeddada ugu weyn ee ah in laga adkaado kooxdan.
Labo xeelad oo cusub
Waxa uu Xasan Sheekh Maxamuud shaaca ka qaaday labo xeelad oo cusub oo ay hadda kusoo kordhinayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
"Hadda, 15 sano kaddib waxaan u xusul duubeynaa in la baddalo qorshaha oo aan adeegsanno istiraatiijiyad cusub. Wax walba oo waxtar lahaa ayaan ka qaadaneynaa labadii xeeladood oo hore," ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Adeegsiga militeriga, hubka casriga ah iyo tiknoolojiyadda ayaa ka mid ah waxaabaha ay ka mideysnaayeen qaababkii hore, sida uu sheegay madaxweynaha, isagoo hoosta ka xariiqay inay weli u baahan yihiin kuwaas, laakiin aysan ku filneyn.
Labada xeelad ee hadda lasoo kordhinayo ayuu ku sheegay:
- Dagaal dhanka fikirka ah
- Dagaal dhanka dhaqaalaha ah
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shacabka Soomaaliya oo wadaaga diinta Islaamka ay u sheegi doonaan in "fikirka kooxaha xagjirka ah uusan raad ku lahayn diinta."
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay Al-Shabaab ka hor istaagi doonaan dhaqaalaha ay helaan.
Saddex Dowlad-goboleed oo ka mid ah federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in ay hadda ka socdaan dagaallo ay shacabka deegaannada qayb ka yihiin oo lagu wajahayo Al-Shabaab, halka Dowlad-goboleed afaraad uu ka socdo diyaar garow, kan shanaadna aysan ku badneyn Al-Shabaab balse ay ku sugan yihiin tiro yar oo kooxda IS ah.












