Maxaa ku dhacay majaajileeye eygiisa barbardhigay askarta shiinaha?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shirkad shactaro oo shiineys ah ayaa lagu ganaaxay qaddar lacageed oo gaaraya $2.1milyan oo doolar kadib markii shactaroole iyaga u shaqeeya uu kaftan ka sameeyay milatariga waddankaas, isaga oo tusaale ka dhiganaya hal-ku dhig uu leeyahay madaxweyne Xi Jinping.
Kaftanka ayuu is barbardhigay dhaqanka eeyahiisa iyo qaabka ay u hawlgalaan milatariga shiinaha, arrintaas oo aad uga careysiiyay madaxda.
Dawladda ayaa tiri shirkadda Shanghai Xiaoguo iyo shactaroole Li Hasoshi “waxay bahdileen ciidanka umadda”.
Shirkadda ayaa aqbashay ganaaxa dawladda waxayna sidoo kale hakisay heshiiskii ay kula jirtay shactaroole Li.
Hadalka ay ka xumaatay dawladda Shiinaha ayuu ka dhax yiri Li goob uu dadka uga qoslinayay, isaga oo soo hadal qaaday laba eey oo uu korsaday mar ay eryadeen dabagaalle.
“Eeyaha kale markaad aragto way qurux badan yihiin. Laakiin kuwaygu waxay i xasuusiyaan…’Dagaalan si aad u guuleysato, dhis dhaqan ku dayasho mudan,” oo dabcan ah hadalo uu horay u yiri madaxweynaha Shiinaha, ayuu goobta ka sheegay Li.
Cod kaftankaan ah ayaa lagu baahiyay barta Twitter ka u dhiganta ee Shiinaha ee lagu magacaabo Weibo, iyada oo laga dhex maqlayo qoslka daawadayaasha kaftanka.
Balse wuxuu xaalku is badalay markii qof kamid ah dadkii goobta shactarada joogay uu ka cawday arrintaas, taas oo sababtay in maamulka Beijing ay sheegeen in ay baaritaan ku sameyn doonaan hadalkaas.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Intaas kadib, waxaa shirkadda laga qaaday 1.3 milyan oo yuan (lacagta shiinaha) taas oo u muuqatay mid aan sharci ahayn, waxaa sidoo kale lagu ganaaxay 13.35 milyan oo yuan sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Xinhua.
Sidoo kale hawlaha shirkadda Shanghai Xiaoguo ayaa laga mamnuucay gudaha caasimadda Shiinaha.
“Marnaba uma ogolaan doonoo shirkadeey doonto ha ahaatee ama qofkuu doono e, in ay caasimadda Shiinaha ka dhigtaan fagaare ay ku sumcad dilaan ciidanka sharafta leh ee PLA [Ciidanka Xoreynta Dadka],” Sidaas waxaa tiri dawladda Shiinaha.
Shactaroole Li, wuxuu raali galin siiyay dadka kala socda aaladda Weibo oo gaaraya 136,000. “Waxay dareemayaa ceeb iyo qoomamo. Masuuliyadda wixii dhacay aniga ayaa qaadaya” Sidoo kale waxaa la xanibay ciwaankiisa Weibo.
Dhacdadaan waxay muujineysaa dhibka ay ku jiraan majaajileystayaasha Shiinaha, oo ay si isku mid ah u beegsanayaan masuuliyiinta Shiinaha iyo dadka ku foogan isticmaalka aaladaha internet ka.
Dabayaaqadii sanadkii 2020 kii ayaa shactaroole Yang Li lagu eedeyay rag nacayb kadib markii ay kaftan ka sameysay ragga. Koox sheegaty in ay u doodaan xuquuqda ragga ayaa ku dacweeyay hay’adda sharciyeysa warbaahinta.













