Madaxweynaha Soomaaliya oo shaaciyey booqashadiisa Itoobiya ayadoo uu labada dal khilaaf u dhaxeeyo

Xasan Sheekh iyo Axmed Madobe

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabatay magaalada Kismaayo ku sheegay in dhawaan uu tagi doono dalka Itoobiya, halkaasoo uu kaga qayb galayo shir madaxeedka midowga Afrika.

Wuxu intaa ku daray in laba shir oo kale oo kala ah kulan doceed ay IGAD soo qabanqaabisay iyo shir ay yeelanayaan waddamada bariga Afrika, oo Soomaaliya ay ka qayb gali doonto, ay labadaba ka dhici doonaan isla magaalada Addis Ababa.

“Shirarkaas muhiim ayey Soomaaliya u yihiin, waxaanan u tageynaa in aan shirarkaas ka qayb galno, iyo dabcan farriinteenna aan wadno in aan gudbinno, taasoo ah in Soomaaliya ay tahay dal gob ah oo xor oo dawlad leh, lamana fara gelin karo, arrinta ay Itoobiya maalmahan ku dhaqaaqeysayna weli mowqifkii aan ka taagnayn meeshiisii ayuu naga taagan yahay, waana mowqif adag oo si aan uga tanaasulno aysan jirin".

“Dalkeenna in la iska soo gal-galo oo qaar la iska goosto waa arrin aan soconayn, horena waa u sheegnay, haddana waa ku celinaynaa, farriintaas ayaan caalamka hore ula wadaagnay, haddeerna la wadaagaynaa, laakinse shirarkaas oo Soomaaliya ay xubin ka tahay, waajibna ay ku tahay inay qayb gasho ayaan ka qayb galaynaa, guulo iyo diblomaasiyad xoog leh ayaan ka rajaynaynaa” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Maxamed Salaad Dhegaweyne

Xigashada Sawirka, Mohamed Dhegaweyne

Qoraalka sawirka, Maxamed Salaad Dhegaweyne

Haddaba maadaama uu madaxweynaha Soomaaliya uu si afeef ah u sii sheegay in mowqifka dalkiisa ee heshiiski Itoobiya ay la gashay Somaliland uusan waxba iska beddelin, xilligan ma dhici kartaa in isaga iyo Abiy oo dalkiisa uu marti galinayo shirarkaas ay kulmaan.

Maxamed Salaad (Dhegaweyne) waa qoraa iyo cilmi baare, wuxuuna hore ula soo shaqeeyey xilliyo kala duwan dawladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, haatanna wuxuu ka faalloodaa arrimaha gobolka, wuxuu ka hadlayaa suurtogalnimada in kulan noocaas ah u dhici karo iyo xaaladda uu ku dhici karo.

“Waa Suurtogal in Itoobiya ay ka weecanayso inay si toos u tiraahdo waan ka laabannay, laakinse waxaa suurtogal ah in dalalka awoodda leh ay qabanqaabiyaan kulan, Itoobiyana ay sidaas dib uga laabanayso, kulanna uu sidaa ku furmo” ayuu yiri Dhegaweyne, isagoo intaa ku daray haddii qaabkaas ay arrintu noqonayso inkulan labada mas’uul dhex mara uu dhaco.

Muuse Biixi iyo Abiy

Xigashada Sawirka, X

Maadaama IGAD, Midowga Afrika iy Qaramada Midoobay ay hore mowqifkooda u caddeeyeen, ayagoo ku taliyey in Soomaaliya iyo Itoobiya ay wadahadal ka yeeshaan arrimaha u dhaxeeya, maxaa laga fili karaa galaangalka Soomaaliya inuu soo kordhiyo.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhegaweyne oo hore ula soo shaqeeyey mid ka mid ah madaxweynayaashi hore Soomaaliya u soo hogaamiyey wuxuu qabaa in galaangalkaas ay suurtogal tahay inuu wax soo kordhiyo.

“Waxaa suurtogal ah in cadaadis uu ka yimaado dalalka awoodda leh, kaasoo ay Itoobiya kaga laabanayso heshiiskii is fahamka ee ay la gashay Somaliland, ayaguna ay damaanad qaadeyaal (Guarantors) ka yihiin, waana arrinta kaliya ee ay ku dhici karto in labada dal ay is hor fariistaan.

Maadaama aan madaxweyneyaasha Soomaaliya badankood looga baran in ay sii sheegaan dalka ay booqanayaan iyo ujeeddada socdaalka, waxay BBC weydiisay Dhegaweyne waxa keenay wakhtigan inuu madaxweynuhu sheego inuu Itoobiya tegayo oo uu kaga qayb galayo shirar.

“Dabcan, indhaha dadweynaha Xasan Sheekh ayey arkayaan iyo sida uu wax u maareyo, inuu caddeeyo Addis Ababa aadisteedana wuu ku khasban yahay, haddi kale waxaa loo arki karaa qof khiyaano galay” ayuu yiri Dhegaweyne.

Safarka madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagayo Itoobiya oo shirar ay isugu imaanayaan ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa noqonaya kii labaad tan iyo markii uu labada dal soo dhex galay khilaafkii ka dhashay heshiiskii isfahamka ee muranka dhaliyey, kaasoo dhigaye in labada dhinac ay is dhafsadaan dhul badeed iyo aqoonsi, waxayna iminka Somaliland u diyaargaroobaysaa in ay Addis Ababa u dirto guddi Itoobiya ay ka wada shaqeyn doonaan hirgalinta heshiiskaas.