Gabadha isha ku beeshay weerar ay Israa'iil ku dishay aabbaheed “Xanuunka ay dareemayso xitaa ma xamili karaan buuraha”

Si lama filaan ah, Malak waxay joojisay hadalkii, waxay ku tiirsan tahay jababka dhismaha, iyadoo dhunkanaysa cunugga yar ee dhabteeda saaran.
Walaasheed Raxma, oo da’deedu u dhaxayso saddex iyo tobban jir, waxay leedahay timo qurxoon iyo indho buluug ah. Malak waxay aabbaheed ku wayday weerarka Israa’iil. Ilamaha yar ee walaasheed ee afar bilood jirka ah wuxuu u yahay haddiyad qaali ah oo an la qiyaasi karin.
"Aad ayaan u jeclahay iyada, si aan cid kale ogeyn," ayay tiri.
BBC-da ayaa dib ugu laabatay inay la kulanto Malak iyo kuwa kale oo ku sugan Qasa, sanad guurada kowaad ee dagaalka. Waxaan markii ugu horreysay waraysannay Malak bishii Febraayo, wax yar uun ka dib geeridii aabbaheed, Abed-Alrahman al-Najjar, oo soddon iyo laba sano jir beeralay ahaa.
Aabbaha dhalay toddobo carruur ah oo la rumaysan yahay inuu ku dhintay firirka ayaa ka mid ahaa in ka badan 70 qof oo ku dhintay howlgal ciidamada Kumaandooska Israa’iil ay ku soo furteen labo la heyste oo Xamaas ay ku haysteen magaalada Rafax. Wuxuu qoyskiisa kula sugnaa teendho qaxooti markii weerarku dhacay.
Teendhooyinkooda ayaa u dhawaa goobta uu dagaalku ka dhacay. Malak ayaa weerarka ku waayay isha. Waxa kale oo ay dhaawac ka soo gaadhay dhinac jirkeeda ka mid ah. Waagaas aad bay u naxday markii ay la kulantay nin ay BBC wada shaqaynayeen, waxay ku dhawaaqday iyadoo murugaysan, "Anigu xanuun ayaa i haya. Waxaan waayay aabbahay bes!”
Tan iyo markaas, dhaqaatiirtu waxay ku dhajiyeen wax yar oo cad godka isheeda ee banaan, waxaa arrintaasi ay caawin doontaa ilaa dagaalku dhammaanayo iyadoo rajaynaysa in loogu rajibo isha mid sax ah oo macmal ah.
Laakiin Malak kama cabanayso waxay wayday, basle waxay sawiraynaa sida aabaheed uu ug falcelin laha haddi hayn lahaa Raxma yar oo saddex bilood jirtay markii aahabeed dhintay. Way dhoola cadaysay waxayna tiri “ wuxuu inta badan danaynayey inuu haysan lahaa gabadhiisa yar ee indha buluuga ah leh”
Wixii dhacay ka dib, Malak waxa ay doonaysaa in ay u tababarato dhakhtarka indhaha, si ay u caawiso dadka kale ee dhibaataysan sida iyada oo kale.
Waxay ku fadhidaa sagxad shub ah oo ku taalla Khan Younis ee koonfurta Qasa iyada iyo ilmaha yar iyo shan kale oo walaalaheed ah oo ka yar -. Dagaalka ka hor, aabahood si adag ayuu uga shaqeeyay beeraha dadka kale si uu u taageero qoyskiisa.
“Aabbahay waxa uu na soo saari jiray oo dhar noo soo iibin jiray xilliga jiilaalka. Aad buu noogu naxariistay. Isagu wuu dafiri lahaa nafsaddiisa, laakiin marnaba annagu, “Malak wuu xusuustaa.
“Aabbahay waxa uu soo helo wuxuu dhar noo soo siin jiray xilliga jiilaalka. Aad buu noogu naxariistay, isagu naftiisa dan kama galin, laakiin markasta annaga” ayey xasuusata Malak.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Toddobadii October sanadkii 2023-kii ayey ahayd markii uu dhacay weerarkii Xamaas ku qaaday Israa’iil kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 1,200 qof, oo ay ku jiraan daraasiin carruur ah.
Weerarku waxa uu dhaliyay duullaanka dhulka ee Israa’iil, duqeymo cirka ah oo aan kala joogsi lahayn iyo la dagaalanka Xamaas. Ku dhawaad 42,000 oo qof ayaa hadda la dilay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho. Qiyaastii 90% dadka Gaza - ku dhawaad laba milyan oo qof - ayaa barakacay, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Qoyska Malak ayaa la rujiyay afar jeer.
"Waxaan dareemayaaa xanuun aysan xitaa buuruhu qaadi karin," ayay tiri. “Waan barakacnay, waxaanad dareemaysaa in nolosheenna oo dhan ay tahay barakac. Waxaan u guuraynaa meel ilaa meel.”
Dowlada Israa’iil ayaa diiday in wariyayaal ajnabiga ah ay galaan Qasa, BBC-da ayaa ku tiirsan koox saxafiyiin gudaha ah si ay uga warbixiyaan dhibaatada bini’aadantinimo.
"Mar walba waxaa dhaca madaafiic, mar walbana waanu ka baqnaa, argagaxnaa. Si joogto ah ayaan carruurtayda u xidhaa oo isku duubayaa,” ayay tiri Malak.

Ciidamada Difaaca Israel (IDF) waxay dadka u sheegaan inay u guuraan waxa loogu yeero "goobaha bini'aadantinimada". Dadku way cararaan laakiin badiyaa ma helaan ammaan. Markay guuraan, halgankii lagu heli lahaa cunto, xaabo iyo daawo meel aan la garanayn ayaa mar kale bilaabmaya.
Al-Najjars waxay hadda ku noqdeen gurigoodii qoyskooda, laakiin waxay og yihiin inay dhici karto inay mar kale baxsadaan. Taasi waa xaqiiqda aan la dabooli karin ee noloshooda ka dib sannad dagaal. Erayada Nawara, ma jirto meel nabdoon oo ku taal Marinka Qasa.
Nawara, ayaa ka cabanaysa wasakhda buux dhaafisay wadada. Qalab caafimaad la'aan. Sida kuwa badan oo Gaza, oo aan lahayn wax dakhli ah, waxay kuxirantahay cuntada ay soddohdeed ama hay'ad samafal ka hesho.
Ma jiraan dugsiyo u furan carruurteeda, kuwaas oo ka mid ah 465,000 ee Unicef - Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay - ay sheegtay inay saamaysay xirnaanshaha iskuullada ee halkaas.
"Caafimaadkayaga - carruurtayda iyo kayga - waa xun yahay. Had iyo jeer way jiran yihiin, had iyo jeer waxay leeyihiin qandho ama shuban. Had iyo jeer waxay dareemaan caafimaad darro,” Nawara ayaa ku daray.
Waxaas oo dhan, waxay xajisanaysaa xusuusta ninkeeda Abed-Alrahman.
"Waan fiiriyaa sawirkiisa, oo aan la sii hadlo isaga. Waxaan qiyaasayaa inuu weli nool yahay,” ayay tiri. "Telefoonka ayaan kula hadlaa isaga oo aad mooddo inuu ii jawaabayo, waxaanan qiyaasayaa inaan dib ugu jawaabo. Maalin walba keligay ayaan fadhiistaa, oo aan magaciisa soo qaadaa, la hadlaa oo ooyaa. Waxaan dareemayaa inuu ka warqabo wax kasta oo aan ku jiro."
Sheekooyinka Nawara al-Najjar iyo Malak waa muuqaal kala qaybsan oo muujinaya dhibaatadii 12-kii bilood ee la soo dhaafay. Iyadoo dagaalku uu galay sanadkii labaad, asxaabteena BBC-da ee goobta joogta ayaa sii wada warbixino ku saabsan dhimashada iyo barakaca.
“Isbitaallada oo si ballaaran u burburay”

Inta badan Dr Amjad Elawa, ehelkiisa iyo saaxiibadiisa waa tageen, way dhinteen, ama waxay u barakaceen koonfurta, iyagoo rajaynaya inay ammaan ahaan halkaas ku ahaan doonto. Marka uu ka soo socdo cisbitaalka, waxa uu arkayaa dad waddooyinka taagan oo isla hadlaya.
"Qofna maskaxdiisa saxda ah kuma hayo," ayuu yiri
Dr. Elawa, waa 32 sano jir, wuxu ka shaqeeyaa waaxda Adeegyada Degdegga ah ee cisbitaalka al-Shifa ee waqooyiga Qasa. Bilowgii dagaalka waxay ahayd xarunta caafimaadka ee ugu wayn marinka Qasa. Hadda, inta badan cisbitaalka ayaa burbursan ka dib laba weerar oo waaweyn oo ay qaadeen IDF, kuwaas oo sheegay in Xamaas iyo rag kale oo hubaysan ay xarunta u adeegsadeen inay ka qorsheeyaan oo ay weerarro ka geystaan jebinta sharciga caalamiga ah. Eeddan waxaa diiday wasaaradda caafimaadka ee Qasa, oo Israa’iil ku eedaysay inay dembiyo dagaal ka geysatay al-Shifa.
Dr Elawa wuxuu arkay caruur hortiisa ku dhimatay. Dhibanayaasha dhaawaca dagaalka. Cudur, inta badan ay keento la'aanta biyo nadiif ah. Markii ugu horreysay ee BBC-da la kulantayna, aagga waxaa soo food saartay nafaqo-xumo ba'an.
Bishii Febraayo - markii ugu horeysay ee BBC ay wareysatay Dr Elawa - wuxuu ku tilmaamay inuu marqaati ka ahaa dhimashada Maxmud Fatou oo laba bilood jir ah. Wiilka yar ayaa dhintay wax yar kadib markii isbitaalka la keenay.
"Ilmahaan caano lama siin karin, hooyadiis lama siinin cunto siay ku naaska u nuujin karto," ayuu yiri Dr Elawa. "Waxa uu lahaa calaamado fuuq bax daran, wuxuuna qaadanayay neefsigii ugu dambeeyay markii uu yimid."

Dr Elawa wiilkiisa ayaa dhashay 12 maalmood ka dib weeraradii 7 October. Geeridii Maxamuud Fatuun ka dib, waxa uu dib u milicsaday xaaladda qoyskiisii.
"Dhammaanteen waan naxnay - cunugaan wuxuu noqon karaa cunugeena. Waxa laga yaabaa in wiilkaygu dhawr maalmood ka dib uu noqon doono isaga oo kale,” ayuu yidhi. Nasiib wanaagn, Dr Elawa wiilkiisa waa caafimaad qabaa wuxuuna ku dhow yahay inuu u dabaaldego dhalashadiisa kowaad.
IDF ayaa beenisay eedeymaha dambiyada dagaal waxayna sheegtay in qabuuraha ay ku jiraan meydad la soo saaray ka dibna ay dib u aaseen ciidanku markii ay baadigoobayeen la haystayaashii Israa’iil ee dhintay.
" Sheegashada ah in IDF ay aastay meydadka Falastiiniyiinta waa mid aan sal iyo raad toona lahayn," ayay sheegeen.
Agaasimaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, Volker Turk, ayaa sheegay in, marka la eego waxa uu ugu yeeray "cimilada ka jirta ee isla xisaabtan la'aanta", waa in la sameeyaa baaritaan caalami ah oo madax-bannaan.
"Waxaan rabnaa inaan ku laabano nolosheeni hore, si aan u awoodno inaan si badbaado leh u seexdo, si aan ammaan ugu soconno waddooyinka, aan u booqanno kuwa aan jecelnahay iyo qaraabadayada - kuwa weli nool."













