Muxuu heshiiska cusub ee dhismaha dekadda Hobyo uga duwan yahay kuwii hore?

Xigashada Sawirka, social media
Heshiis u dhaxeeya shirkad ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed iyo shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu dhisayo dekadda Hobyo ayaa maanta lagu gaaray magaalada Muqdisho.
Heshiiskan oo socon doono ku dhowaad 80 sano ayaa dhismihiisu bilaaban doonaa muddo bil iyo bar kaddib.
Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee Galmudug, Cabdullaahi Kulmiye, ayaa BBC-da u sheegay in mashruucan ay 70 boqolkiiba ganacstada maalgashatay.
“Heshiiskan waa la dhaqangeliyay maanta, waxaan u nimid waa saxiixa, howsha waxay soo socotay labo sano oo marba waddan la tagayay, ugu dambeyntii way soo gabogabowday, hadda waxaa la soo gaaray wajigii ugu dambeeyay ee lagu saxiixayay, 45 maalmood kaddib waxaa bilaabanaya dhismaha dekadda”
Heshiiska dekadda lagu dhisayo waxa uu u dhexeeyaa shirkadda maalgashiga Hobyo iyo shiradda laga leeyahay Turkiga ee METAG.

Xigashada Sawirka, SNTV
Maxaa ku dhacay heshiisyadii hore ee dhismaha dekedda Hobyo?
Waxaa jiray heshiisyo hore oo lala galay shirkado shisheeye oo aan dhaqan gelin. Maamulka Galmudug ayaana si cad u sheegin waxa ay u dhaqangeli waayeen heshiisyadii hore.
Balse waxaa jiradhowr arrimood oo Galmudug ku tilmaantay in ay caqabad horay u ahaayeen, haatanse xal loo helay.
Ammaanka degmada hobyo iyo deeganada ku hareereysan ayuu wasiirku sheegay in uu ka mid ahaa sababaha ay u hanaqaadiwaayeen heshiiyo horay loo galay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxa uu sheegay in ammaanku ka wanaagsan tahay sidii markii hore xaalku ahaa kaddib markii dowladda federalka ay qaaday weeraraadii Alshabaab goobo badan looga saaray.
“Markii hore ammaanka ayaa laga baqayay hadda waxaa jira ammaan fiican taas ayaana keentay in ganacstada iyo shisheeyaha ku dhiiradaan in ay maalgashtaan Galmudug”
“Waxaan ogahay in uu jiray dhib farsamo ama aan la helin wixii loo baahnaa oo heshiis lagu dhaqangelin lahaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir Cabdullaahi Kulmiye.
Sida ay sheegtay Galmudug waxay ku hammi wayn yihiin in heshiiskaan maanta la saxiixay uu shaqeeyo maadaama caqabado horay u jiray ay meesha ka baxeen.
Caqabadaha sidoo kale ay filayaan in ay meesha ka baxeen ayaa ah, in dhaqaalaha lagu dhisayo dekedda markii hore la filayay in ay bixiyaan shirkado shisheeye balse haatan inta badan dhaqaalaha ay bixinayaan ganacsato Soomaaliyeed, waloow ay qayb ahaan laacagta bixin doonto shirkadda fulineysa dhismaha dekedda.
“Waa isxilqaan, ganacsato Soomaliyeed oo isutatgay oo isu keenay dhaqaalahooda oo doonaya in ay dalkooda ku dhisteen, kuwii hore dhaqaale shisheeye ayaa laysku haleynayay”
Sida Galmudug sheegtay dhaqaalaha ku baxaya dhismaha dekadda ayaa la hayaa inta ugu badan si howsha dhismaha u bilaabato.
“Mar hadii dhaqaalihi la ururiyay la hayo 71%, wixii lagu dhisayay, shirkadiina diyaar tahay heshiiskiina la gaaray dhibaato kale oo laga welwelaa ma jirto”

"Jiilal badan ayaa rajeynayay in magaalada dekad yeelato"
Magaalada Hobyo oo dakad yeelata ayaa aheyd wax ay muddo dheer rajeynayeen dadka deegaanka balse aan u suurto gelin.
“Aabahay Hobyo ayuu ku dhashay, awoowgey Hobyo ayuu ku dhashay, anigana Hobyo ayaan ku dhashay, dhammaantood waxay wada sugayeen in ay dakadda Hobyo ka shaqeeyaan, maanta ayey u egtahay in ay suuroobeyso” ayuu yiri raysalwasaarihii hore Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Dhismaha dekadda ayaa ah mid ganacsato ay horkaceyso iyagoo ka rajeynaya in maalgashigaas ay ka faa’idaan.
Maamulka Galmudug ayaa ganacsatada ku ammaanay kaalinta ay ka qaateen in Hobyo ay dakad yeelato.
“Labadan shirkadood ee sameeyay maalgelinta Hobyo faa’idana way ka helayaan, dalkiina waa dhiseen abaal iyo duco maantana way qaateen” ayuu yiri madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).













