Wax ka ogow IPhone cusub ee qiimahiisu jaban yahay ee ku shaqeynaya garaadka macmalka ah ee AI


Iphone

Xigashada Sawirka, Apple

Shirkadda Apple ayaa ku dhawaaqday iPhone cusub oo leh islamarkana ku shaqeeya astaamaha garaadka macmalka (AI) .

Noocan cusub ee Iphone-ka ayaa qiimo ahaan jaban marka loo eego noocyadii horey loo soo saaray.

Apple waxay sheegtay in iPhone 16e uu leeyahay processor la mid ah kan iPhone 16 ee qaaliga ah, islamarkana qaadi kara oo kaydin kara macluumaad badan, in kasta meeelaha qaar uu ka hooseeyo , sida kamaradaha yar-yar oo kale.

Shirkadda Apple ayaa dhawaanahan ku la daalaa dhacaysay sidii ay u heli lahayd aalado cusub oo ay xiisayn karaan macaamiisha, xilli iibka iPhone uu hoos u dhacay dhammaadkii sannadkii hore.

Shirkaddu waxay rajaynaysaa in soo bandhigida iyo hagaajinta taleefoon leh garaadka macmalka AI oo qaali ah ay wax ka qaban doonto arrintan, inkasta oo falanqeeyayaasha ay taxadar ka muujiyeen kor u kaca iibka qalabkan oo kale laga yaabo inuu keeno.

Magaca talefanku waxa uu si cad u tixraacayaa taxanaha iPhone SE oo soo socday intii u dhaxaysay 2016 ilaa 2022, kaas oo sidoo kale lahaa qiimooyiin kala duwan.

Shirkadda Apple waxay sheegtay in iPhone 16e uu diyaar ahaan islamarkana uu suuqyada soo gali doono 21 Febraayo, 2025.

Waxaa taleefoonkan noocan cusub laga heli doonaa marka hore 59 wadan oo caalamka daafihiisa ku kala yaalla.

Qiimaha la iibin doono taleefoonkan iPhone 16e dalka UK waa $759, taas oo $253 ka yar iPhone 16, laakiin in ka badan laba-laab qiimihii iPhone SE uu ku soo baxay markii ugu horeysay sanadkii 2016.

"Kani hadda waa mid ka mid ah iPhones-ka ugu awoodda badan ee suuqa soo galay," waxaa sidaa BBC u sheegay Paolo Pescatore oo ah falanqeeye dhinaca warshadaha.

"Tallaabadan waa in ay gacan ka geysato dardargelinta qaadashada taleefoonka, gaar ahaan Apple oo si xooggan u soo gashay dhinaca garaadka macmalka ah iyada oo loo marayo (Apple Intelligence)," ayuu intaa raaciyay.

Taleefoonada Iphone-ka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Si kastaba ha ahaatee, khubarada kale ayaa su'aal ka keenay qiimaha ay macaamiishu ku leeyihiin AI, xilli shirkadda Apple ay ku bixisay lacag dhan $189bilyan tobankii sano ee la soo dhaafay.

"Garaadka macmalka ah (AI) waa inuu noqodaa wadnaha ganacsiga Apple, laakiin taageerayaasha Apple iyo maalgashadayaasha waxay xaq u leeyihiin inay niyad jab muujiyaan ilaa hadda," ayuu yiri Corey Johnson, madaxa istaraatiijiyadda suuqa-geynta ee Epistrophy Capital Research.

Dhanka kale, Marques Brownlee oo ku xeel-dheer teknolojiyadda ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay X (oo hore loogu oran jiray Twitter) waxaa uu ku yiri "waxa ugu xiisaha badan ee qarsoon" ee iPhone 16e uu yahay modem-ka cusub ee "C1".

Tani waa markii ugu horeysay ee shirkadda Apple ay ku isticmaasho naqshadeeda modem ee iPhone, iyadoo hore ugu tiirsanayd shirkadaha Qualcomm iyo Intel chips si ay u muujiyaan isku xirnaantooda.

Inta badan doodaha ku saabsan taleefanka cusub waxay u badan tahay inay ku wareegaan awoodiisa, maadaama Apple ay dooratay inay isticmaasho isla A18 chip-ka laga helayo aaladaha qaaliga ah.

Tani waxay ka dhigan tahay in iPhone 16e uu awood u yeelan doono inuu ku shaqeeyo isla aaladihii horey ay u lahaayeen iPhona-dii la soo saaray, in kasta oo garaadka macmalka uu yahay ku dhawaad ​​darawalka ugu weyn ee ka dambeeya go'aankan.