Sida ay BBC-du u badbaadisay dumar la tahriibinayey oo halis galay

Dacwad oogayaasha Faransiiska ayaa ayaa xaqiijiyay in darawalka gaarigu uu istaagay mel wadad dhinaceeda ah isaga oo wacay booliska. kadib markii uu maqlay shanqar u eg codad. Dacwad oogayaashu waxa kale oo ay sheegeen in uusan jirin wax dambi ah oo looga shakisnaa darawalka.
Shirkadda darawalka ayaa ino sheegtay in uu ku caawiyay booliska dhamaan su'aalihii ay qabeen, uuna warbixin si iskiis ah u siiyay. Waaa la sii daayay iyada oo aan wax dacwad ah laga gudbin, waxana loo ogolaaday inuu wadadiisa sii raaco.
Muuqaal kooban oo BBC-da loo soo diray ayaa muujinayay haween dhex fadhiya meel ciriiriya oo gudaha gaari xamuul ah oo ay ka buuxaan kartoonno moos ah.
Lix haween ah ayaa laga soo badbaadiyay kunteenarka gaari xamuul ah oo ku sugnaa meel ka mid ah dalka Faransiiska, ka dib markii ay BBC-du gacan ka geysatay sidii booliska loogu war gelin lahaa.
Afar Vietnamese ah iyo labada Ciraaqiyiin ah, oo loo malaynayo inay yihiin tahriibayaal, ayaa ku go’doonsanaa gudaha, iyagoo argagaxsan oo ay ku daga tahay inay neefsadaan. Mid ka mid ah ayaa BBC da la hadashay iyadoo ku sugan gaariga xamuulka ah gudihiisa.
BBC-da ayaa markaas gacan ka geysatay in ay la xiriirto booliiska, kuwaas oo ogaaday halka uu joogo gaariga xamuulka ah.
Afhayeen u hadlay booliska Faransiiska ayaa u sheegay BBC da in darawalka su'aalo la waydiiyay darwalka gaariga.
Wicitaan argagax leh
Ka hor intaa aanan dhameyn akhrinta farriinta, ayaa waxa ii soo dhacay telefoon.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Ma Yurub ayaad joogtaa? Fadlan na caawi, waa degdeg," cod argagax leh ayaa ku dhawaaqay sidaas.
Waan isku naxay, baraf ayaa noqday. Sheekada naxdinta leh ee 39 muhaajiriin Vietnamese ah oo meydkooda laga helay ka dib markii ay ku neef qabatoobeen gaari xamuul ah sanadkii 2019 gudaha Essex ayaa wali maskaxdayda kasii guuxaysa.
Kuwa dadka tahriibiya ayaa xabsiga loo dhigay dhimashada in ka badan 39 qof oo tahriibayaal ah
Ma garaneyn cidda isoo wacday, laakiin waxaan rumaysnaa inuu qofka iga yaqaanay markii tebinayey barnaamijkii dhimashada gaariga xamuulka ee Essex, maadaama dad badan oo Vietnam u dhashay ay ila soo xiriirayeen waqtigaas.
Dhawr su'aalood ayaan waydiiyay qofka soo wacay, laakiin si degdeg ah ayaan uga niyad jabay in aanan heli karin macluumaadka aan u baahanahay.
Waxaan ogaaday in gaarigaasi ay ku dhuumanyaan koox ilaa lix qof gaaraysa, lamana garanayo nambarka gaariga iyo meesha uu u socday iyo halka u uku sugan yahay amaba marayo waqtigaas.
Waxa kaliya ee aan ka gartay wakhtigan, waxa uu ii sheegay qofka soo wacay, in uu gaarigu marayo Faransiiska, balse aad moodo in uu soo laabtay oo aanu hadda u socon halkii uu markii hore u socday oo ahayd xuduudka Ingiriiska.
Waxa la ii sheegay in lixda dumarka ah oo ku jira gaariga qaboojiyaha ah, la shiday qaboojiyaha. Kuwii gudaha ku jiray qabow daran ayey dareemeen oo way argagaxeen.
Laakin wali waxay awoodeen in ay la soo xiriiraan dibada, qofka isoo wacay ayaa igu xiray mid ka mid ah dumnarka.
" Qabow daran baa jira, qaboojiyaha nalaku shiday," ayey gabar yar kasoo dirtay gaariga xamuulka ah dhexdiisa, ee lagusoo raray mooska. Waxay sheegtay in gaariga xamuulka ah lagu xiray biro o aysan ka bixi karin.
Muuqaalka haweenay xayiran
Waxay kaloo ii soo dirtay laba muuqaal oo gaa gaaban oo muujinaya muuqaalka gudaha gaariga ay ku jiraan.
Mid ka mid ah muuqaalada ayaa muujiyay meel madow, oo ilaa saqafka sare la isku dul rasteeyay sanduuqyo kartoono ah oo moos ku jiro, taas oo looga baneeyay kaliya dhawr darsin oo sentimitir oo bannaan ah si ay u fariistaan sagxadda. Waxaa dhacaya qufac, cod dumar ah oo da'yar ayaa Ingiriisi fasiix ah ku tiri: "Ma neefsan karo."
Waxay ii sheegtay in ay soo fuuleen gaariga abbaare 12:30 saq barka ka hor. Wax ka badan 10 saacadood ayay ku sugnaayeen halkaas waxayna bilaabeen inay cabudh dareemeen marka xogta goobta ay ku sugan yihiin ee telefoonkoodu ay muujisay in gaarigu uu jihada bedashay.
Aniga oo aan haysan wakhti badan oo aan ku fekero, ayaan la xiriiray asxaabta ka socota BBC News iyo weriyeyaasha ku nool Faransiiska. Isla wakhtigaas, waxa isna lagu wargeliyay weriye ka tirsan wargeyska Faransiiska ee Le Monde ee London, waxaanu isla markiiba ogeysiiyay saaxiibkiis oo joogay xafiiska tifaftirka ee Paris ek u takhasusay socdaalka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dabagalka baabuurka
Gabadhu waxa ay awoodday in ay ila wadaagto goobta ay marayaan ee uu tusayo GPS-ka taleefankeedu, kaas oo aan ka arkay gaariga xamuulka qaada oo saaran wadada wayn ee E15, una dhaw magalada Dracé ee waqooyiga Lyon.
Kadib, waxaan ka codsaday saaxiibka jooga Faransiiska inuu iga caawiyo la xiriirida saldhiga booliska ee ugu dhow gaariga xamuulka ah, waxayna awoodeen inay la xiriiraan iyaga oo u diray macluumaadka aan helnay.
Waxaa usuurta gali waayey gabadhii inay taleefan doirto. Ma cadda sababta, laakiin waxaa laga yaabaa inay ku saabsan tahay nooca Sim kaarka-ka ay isticmaalaysay.
Waxaan aruurinay dhammaan macluumaadka aan u baahnayn, waxaana si joogto ah ayaan ugu diraynay xogta goobta gaariga, Pham Cao Phong, oo ah wariye madax banaan oo jooga Paris, iyo sidoo kale kooxda wararka BBC ee Yurub iyo booliiska Faransiiska.
Raadkii oo lumay
Si lama filaan ah, aaladda goob wadaagga ee aan kala soconay halka uu gaarigu marayo ayaa hakad gashay – waxaana sidaas igaga lumay gaarigii.
Laakin, gabadha yari wali way awooday inay ii soo dirto fariin. Waxay ii sheegtay in qaboojiyaha uu dansan yahay markan - oo ay adag tahay in la neefsado.
"Aad baan u cabursannahay," ayay soo qortay.
Ciriiriga aan arkay ee ay ku jireen awgii, waxaan ka baqay inay waayaan waqti badan oo ay kusii neefsadaan.
Waxaan isku dayay inaan u niyad dhiso, anigoo u sheegaya inay is dejiyaan, oo ay isku dayaan inayan hadlin si ay hawadu ugu tashiilanto, iyo in booliisku si degdeg ah ugu iman doono.
Anigoo argagaxsan ayaan marna eegaa shaashada kumbiyuutarka, marna taleefoonkayga, anigoo war sugaya.

Xigashada Sawirka, Google
Cabbaar markii aan la sheekaystay ayaa waxa aan ogaaday in ka hor inta aanay gelin gaariga xamuulka ah ay saddex ka mid ah saaxiibadii gabadhu ay go’aansadeen in aanay soo raacin. Ma hubo sababta ay go'aankaas u gaareen, balse waxay sawir ka qaadeen lambarka gaariga.
Sawirku wuxuu muujiyay inuu gaarigu leeyahay y taariko Irish ah, waxaana mar kale taleefankayga ka rakay halka uu marayo.
Booliska Faransiiska ee ku sugan gobolka Rhone ayaa noo sheegay in ay ogaadeen goobta uu gaarigu marayo ayna su'aalo waydiinayeen darawalka.
Farriimo ayaan u diray, laakiin uma malaynayo inay akhriday fariimahayga – booliska ayaa dabcan ka qaaday taleefanka.
Afarta qof ee Vietnam u dhashay ayaa sheegay in ay fuuleen gaariga xamuulka ah iyaga oo loo ballan qaaday in si nabad ah loo geyn doono Ingiriiska.
Aniga ahaan, waxaan dareemay nafis anigoo og inay hadda ku nabad qabaan Faransiiska. Waxaan naftayda u sheegay inaynabad qaban, taasi waa waxa ugu muhiimsan.
Abaaro 17:00 wakhtiga maxaliga ah, dacwad oogaha Faransiiska Laetitia Francart ee Villefranche-sur-Saône ayaa soo warisay in gaarigu ka yimid Lithuania.
Laetitia Francart waxa ay intaa ku dartay in afar dumar ah oo da’yar ah ay u dhasheen dalka Vietnam, halka labada kalena ay u dhasheen dalka Ciraaq.
Sababta ka dib masiibadii 39 dumar ah ay ku dhinteen gaari xamuul ah gudihiis sannadkii 2019 ay weli dumar reer Vietnam uu safrayaan gawaarida noocan ah, ayaanan weli u helin jawaab sugan.














