Maalqabeen asal ahaan Hindi ah oo doonaya inuu noqdo Madaxweynaha Maraykanka

Xigashada Sawirka, Vivek2024.com
Laba kamid ah saddexda siyaasi ee shaaciyay in ay doonayaan in tikidhka xisbiga Jamhuuriga ay ugu tartamaan madaxtinimada Maraykanka ayaa asal ahaan ka soo jeeda Hindiya.
Inkastoo Nikki Haley ay tahay siyaasi magac weyn leh, ayaa waxaa si aan la fileyn tartanka ugu soo biiray Vivek Ramaswamy oo ku cusub masraxa siyaasadda. Weriye Savita Patel oo ka shaqeysa California ayaa eegaysa fursadaha uu haysto Ramaswamy iyo isbedalka uu keeni karo.
Ramaswamy oo ah maalqaabeen iyo qoraa ayaa 21-kii February waxa uu telefishinka Fox News ka shaaciyay inuu u taagan yahay xilka madaxtinimada Maraykanka. Waxa uu sheegay inuu doonayo “dhaq-dhaqaaq cusub oo ku aaddan riyada Maraykanka, kaasoo lagu saleeyay gaaridda heerka ugu sarreeya.”
37 jirkan ayaa ku dhashay Ohio, waxaana uu wax ka bartay jaamacadaha Harvard iyo Yale, isagoo dhaqaalo badan ka sameeyay culuunta biotechnology iyo shirkad maamusha hantida.
Waxa uu aad u dhaliilay dareenka cunsuriyad diidka ah ee shirkadaha waaweyn oo u uku tilmaamay arrin dhibaato ku ah ganacsiga. Waxa uu sidoo kale aad uga soo horjeedaa ku tiirsanaanta dhaqaale ee uu Maraykanka ku tiirsan yahay Shiinaha.
Waxaa feker nooc ah la qaba Vikram Mansharamani oo doorashadii 2022 xisbiga Jamhuuriga ugu tartamay kursiga senate-ka gobolka New Hampshire. Mansharamani oo dhawaan Ramaswamy la kulmay ayaa ku tilmaamay “nin aragti fog oo mideyn kara Maraykanka.”
Hase yeeshee waxaa jira siyaasiyiin Hindi-Ameerikaan ah oo aan fekerkaas la qabin Ramaswamy, kuwaas oo ku tilmaamay ololihiisa mid aan si qoto dheer looga fekerin.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shekar Narasimhan oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa sheegay in inkastoo uu ku faraxsan yahay in Eeshiyaan badan ay ku soo biirayaan siyaasadda Maraykanka, haddana aanu ku qancin fekeradaha Ramaswamy.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
“Waa nin ganacsade ah, balse ma aanu soo bandhigin siyaasadihiisa ku aaddan arrimaha muhiimka ah, sida daryeelka dadka da’da ah, dhaqaalaha u uku bixin doono kaabayaasha,” ayuu yiri Narasimhan.
Qaar badan oo kamid ah bulshada Eeshiyaanka ah ee taabacsan xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in markii ugu horreysay ee ay maqlaan Ramaswamy ay ahayd markii uu shaaciyay inuu u tartamayo xilka madaxweynaha.
“Hadda ka hor ma maqal magaciisa. Waxaa la ii sheegay inuu yahay maalqabeen hadal yaqaan ah. Waxa uu kamid noqon doonaa musharraxiinta badan. Fursad uma furna,” ayuu yiri Dr Sampat Shivangi oo si weyn looga dhex yaqaanno xisbiga.
Waxaa se feker kaa ka duwan qaba Danny Gaekwad oo u ololeeyay dhammaan musharraxiintii Jamhuuriga ee u tartamayay aqalka cad laga soo billaabo George W Bush.
"Haddii [Ramaswamy] uu xilli hore ku soo biiri lahaa tartanka, waxa uu xilligan ahaan lahaa mid la bartay,” ayuu yiri Gaekwad.
Waa ay adag tahay in la saadaaliyo siyaasiyiinta isugu soo hari doona tartanka musharraxnimada Jamhuuriga, iyadoo laga dhur-sugayo barasaabka Florida, Ron DeSantis oo aan weli shaacin musharraxnimadiisa. Trump ayaa kal hore sheegay inuu doonayo in mar labaad loo doorto hoggaaminta Maraykanka.
Dadka ka faallooda siyaasadda Maraykanka ayaa tilmaamaya in loolanka ugu adag uu dhexmari karo Mr Trump, Mr DeSantis iyo Ms Haley, waxaa se aan la ogeyn sida uu madaxweynaha hore uga badbaadi karo kiisaska maxkamadeed ee uu wajihi karo.
Si kastaba, bulshada Hindi Ameerikaanka ah ayaa ku qanacsan in Maraykanka ay ku yeeshaan siyaasiyiin badan oo muuqda, isla markaana ay xubno kamid ah u tartamayaan xilalka ugu sarreeya waddankaas.











